Muqdisho (WDN)- Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Dib u Heshiisiinta DFS Axmed Macalin Fiqi iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Yuusuf Xuseen Madaale, ayaa maanta daah furey kulan looga hadlayo nidaamka diiwaangelinta madaniga ah. Kulankaasi oo ay ka soo wada qeybgaleen maamul goboleedyada dalka ka jira.
Kulankan oo socon doona muddo 4 maalmood ah, ayaa diiradda lagu saarayaa hirgelinta nidaam diiwaangelineed oo mideysan oo casri ah, oo ay kawada shaqaynayaan hay’addaha tiro koobka iyo dawladdaha hoose si loo helo tiro koob sax ah.
Md. Axmed Macalin oo kulankaasi ka hadlay ayaa sheegay in hirgelinta nidaamkan uu qeyb ka qaadanayo helitaanka tiro koob sax ah oo bulshada Soomaaliyeed lagu sameeyo, sidoo kalena uu kaalin mug leh ka qaadanayo sugidda amniga dalka.
Kulankaan ayaa la filayaa in lagu gaaro aragti mideysan oo wada ogol ah si ay u suurto gasho in diiwaan gelin midaysan la hirgeliyo, islamarkaana uu uga wada shaqeeyo guud ahaan deegaanada maamulada dalka ka jira ee qeybta ka ah dawladda federaalka Soomaaliya. Waxa uuna noqonyaa tan iyo intii ka dambeysay burburkii dowladdii dhexe ee Soomaaliya, markii u horeysay ee nidaam mideysan oo diiwaangelinta madaniga ah dalka laga hirgeliyo, oo ay ka wada soo qeybgaleen maamul goboleedyada dalka ka jira.
Maxamed Cumar
WardheerNews, Muqdisho
Leave a Reply