Tuesday, April 23, 2024
Wardheer News
  • Maqaallo
  • Slideshow

Kililka Shanaad wuxuu u baahan yahay barnaamij siyaasaddeed

W/Q Liibaan Axmad

Soomaalida Itoobiya waxay maraysaa isbeddello siyaasadeed oo ay la wadaagto shucuubta wadaaga hayb siyaasadeedka Itoobiya. Maxay Soomaalidu ka dheefi kartaa isbeddellada socda? Haddii aan jawaabta ku saleeyo doodda Faysal Rooble ku soo bandhigay Wardheernews, waxaan Soomaalida Itoobiya u arki karaa dad cagta hoosteeda la galinayo siyaasad ahaan. Faysal wuxuu qoray in Meles Senaawi Soomaalida ku tilmaamay xoolo-dhaqato. Hadalka Faysal xigtay, waa hadal hadda ka hor dusha laga saaray Xayle Salaase.

Ra’iisal Wasaare Abiy Axmed wuu ku ammaannan yahay boqollaalka Soomaalida oo uu xabsiga ka soo sii daayay, iyo go’aanka dowladdiisu ka qaadatay ururka ONLF, oo mar loo aqoonsanaa urur argagixiso. Guuldarrooyinka siyaasadeed oo ay xilkasnimo-darro siyaasaddeed Soomaalida u soo hoysay, may noqon karaan kuwo dusha laga saari karo hoggaamiye abaal u haya kacdoonkii qowmiyadda uu ka soo jeedo kacdoonka ay kaga soo horjeesatay taliskii jabhaddii Tigreegu ugu tuktukroonayd.

Waa run in Soomaalidu deggan tahay gobol weyn. Soomaalidu way ka tiro-yar tahay qowmiyadaha isku haya siyaasadda Itoobiya; way ka abaabul-xun tahay qowmiyadaha laga tiro-badan yahay. Labadan arrimood waxay keeni karaan in Soomaalida loo arko qowmiyad aan lahayn culays siyaasaddeed ku sargo’an dhulka ay deggan tahay.

Qowmiyadda Amxaarada waxay ku dooddaysaa in aan lagala tashan go’aammadii dalka lagu federaaleeyey ama lagu kala gooyay; qowmiyadda Oromadu waxay u halgamaysaa inay ka hoos baxdo talisyadii u arkayay qowmiyad ka xuquuq yar siyaasad ahaan qowmiyadaha Semetigga – Amxaarada iyo Tigreega. Qowmiyadda Tigreegu waxay ku dadaallaysaa inay dhowrato awoodiihii siyaasaddeed oo ay heshay kaddib ridistii taliskii Dergiga 1991kii.

Faysal Rooble wuxuu isweydiiyay sababta aysan dowladdu ugu arkin ONLF, oo ka da’weyn OLF ( jabhadda Oromada), inay muddan tahay inay kaalin muuqata ku yeelato siyaasadda xilliga kala-guurka. ONLF maanta waxay leedahay kaalin ka weyn tii ay lahayd ka hor inta uusan Abiy Axmed Asmara kula heshiin ururka. ONLF miyay tahay jabhadda loo dabafadhiisanayo siyaasadda Kilinka Shanaad? Haddii ay kaalin ku lahayd gefefkii siyaasaddeed oo saaxadda siyaasadda keenay Cabdi Iley, miyay jabhaddu muddan tahay in magaceeda lagu mataanaysiiyo danta Soomaalida ku nool Kilinka Shanaad?

Dad Soomaaliyeed oo badan buu taliska EPRDF ku dhibaateeyay Kilinka Shanaad markii lagu eedeeyay inay si toos ah ama si dadban u taageeraan ONLF. Taariikhdan gabood-falka ku salaysani may u bannaynayso ONLF inay iskeed iskugu xilsaarto hoggaanka siyaasadeed ee Kilinka Shanaad waayo ururku kaalin buu ku lahaa gefefka siyaasaddeed oo saamayntoodu weli taagan tahay.

Kilinka Shanaad wuxuu u baahan yahay dad u qareema Soomaalida ku nool Kilinka. Qareemiddu waxay ku saabsanaan kartaa siyaabaha loo saxayo awoodyarida siyaasaddeed ee Soomaalida.

Halista ugu darani waa in colaad lagu soo alooso Soomaalida xilligan oo ciidammo badan oo Itoobiyaan ihi laga masruufo xasiloonni-darrida Soomaaliya, iyagoo qeyb ka ah ciidammada nabad-ilaalinta Afrikaanka ( AMISOM). Waxa lagaga hortagi xasiilloonni-darayn noocaas oo kale ah, waa barnaamij siyaasaddeed ku salaysan haybta siyaasddaeed ee qowmiyadda Soomaaliyeed, si aysan dhicin gaboodfalladii maamulkii hore ee Kilinka geystay. Soomaalidu may awoodi karto iinay beelo u kala fadhido, waayo qowmiyadaha kale ee Itoobiya waxay leeyihiin midnimo siyaasaddeed sal u ah sida ay wax u la qaybsadaan dowladda federaalka.

Leenco Lata: “Isu tanaasul ayaa badbaadin kara Itoobiya”

Leenco Lata, oo ah hoggaamiyaha Jabhadda Dimuqraadiga Oromada (Oromor Democratic Front), ayaa u sheegay Ethiopia Insight wariye haddii isu tanaasul la waayo “ Itoobiya way kala daadan doontaa”. Lata wuxuu ku doodday in EPRDF, oo maanta ka talisa Itoobiya, aysan la mid ahayn tii dalka ka talinaysay 27 sano, waayo hoggaanka siyaasaddeed ee uu hoggaamiyo Abiy Axmed waa “ isbeddel-doon muddan in la taageero.”

Abiy Axmed ma aha hoggaamiye Soomaalida arki kari la. Waa hoggaamiye la rafanaya isburinno siyaasaddeed ku salaysan taariikhda Itoobiya ee qarnigii la soo dhaafay.

Christopher Clapham, oo Iaamacadda Cambridge bare ka ahaa, ayaa ku tilmaamay isbeddelkii siyaasaddeed ka dhacay Itoobiya 1991kii mid soo afjaray taladii dabayaqaadii qarnigii 19aad ka soo billaabatay Shewa. Isbeddelka uusan dhiigga ku daadan ilaa hadda oo weli ka socda Itoobiya waa mid ay xooggag badani kaalin ku leeyihiin.

Soomalida Itoobiya way qaadan kartaa kaalinteeda, haddii ay wax ka korodhsato dib u dhacyadii siyaasaddeed oo ay la wadaagto qowmiyado ka tiro-badan kase abaabulan siyaasad ahaan.

Liibaan Axmad
Email:[email protected]


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.