Tuesday, April 16, 2024
Wardheer News
  • Slideshow
  • Warar

Khudbadda Madaxweynaha ee Furitaanka Kalfadhiga 6-aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha iyo Golaha Wasiirrada
Guddoomiyaha Maxkamadda Sare

Xildhibaannada sharafta leh ee Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare

Taliyeyaasha iyo Saraakiisha Ciidamada Qalabka Sida

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho
Danjireyaasha Iyo dhamaan martida kale ee sharafta leh,

Assalaamu Caleykum Wa Raxmatullaah Wabarakaatuhu,

Mudaneyaal iyo Marwooyin
Waxaa sharaf ii ah in aan mar kale hortiinna imaado aniga oo gudanaya waajibkayga dastuuriga ah ee furitaanka kalfadhiga lixaad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Mudaneyaal iyo Marwooyin
Hayaanka dib-u-soo noolaynta Qaranimada Soomaaliyeed ee bilowday ma aha mid ummadda Soomaaliyeed iyo madaxdeeda toona ay dib uga noqonayaan. Waxaan ummadda Soomaaliyeed ugu baaqayaa, dowlad iyo shacaba, in ay u midoobaan sidii ay u tirtiri lahayeen argagixisada caadaysatay daadinta dhiigga shacabka Soomaaliyeed, iyo cid kasta oo kasoo horjeeda horumarka iyo dib-u-soo noolaynta qarannimada soomaaliyeed.

Sidaan horey idiinkugu ballan qaadayba waxaa naga go’an sidii loo gaari lahaa qaranimo Soomaaliyeed oo waarta, saldhig adagna leh, ummadda Soomaaliyeedna ay u siman tahay; waxaan sidaas si le’eg shacabka Soomaaliyeed ugu baaqayaa in ay si dhaw ula shaqeeyaan dowladdooda, kuna garab istaagaan sidii loo xaqiijin lahaa hadafkeenna guud oo ah in la helo qaranimo iyo midnimo Soomaalinimo ku dhisan.

MA JIRO WAX SOOMAALINIMO KA YAR OO NAWADA DEEQI KARA!.

Waxaa hubaal ah in si aan hadafkeenna u gaarno shaqo badan naloo ka baahanyahay dhinac kasta, in kasta oo dalkeenu ku jiro marxaladdo adag, nabadgelyo ahaan, dhaqaale ahaan, siyaasad ahaan iyo bulsha ahaanba, haddaan si wadajir ah isu kaashanno oo awoodeenna isu geyno waxaan aaminsanahay in aan intaas oo idil aan ka wada gudbi karno.

Annagoo ka ambaqaadayna sidii aan si buuxda ugu hanan lahayn Qaranimadeenna, waxaan dejinnay qorshayaal ciidan oo loogu talagallay sidii lagu sugi lahaa ammaan dalka, si rasmi ahna loogu cirib tiri lahaa argagixisada, iyo cid kasta oo khatar ku ah amniga dalka iyo ummadda Soomaaliyeed.

WAXAANSE IDIINKUGU BAAQAYAA INAAD GARAB ISTAAGTAAN WIILASHA IYO GABDHAHA SOOMAALIYEED OO NAFTOOD HURAYAASHA AH OO MAALIN IYO HABEEN U TAAGAN SIDII LOO SOO CELIN LAHAA SHARAFTII IYO XURMADDII AY LAHAYD UMMADDA SOOMAALIYEED MEEL KASTA OO AY JOOGTABA.

Waxaan sidoo kale dejinnay Qorshaha Horumarinta Qaranka oo tilmaan cad u ah sidii uu dalkeennu ku gaari lahaa horumar iyo isku fillaansho mustaqbalka IA.

Mudaneyaal iyo Marwooyin

Si loo gaaro Qaranimo dhammaystiran, waxaa maamulkaygu xoogga saarray sidii ummadda Soomaaliyeed horumar uga gaari lahayd siyaasad loo dhan yahay, iyo dejinta xeerka Qaybsashada Khayraadka dabiiciga. Waxaan dhaqan galinnay nidaamka diiwaan-gelinta KMG ah ee xisbiyada siyaasadda.

Dhinaca kale, waxay dowladdu dhammaystirtay xulashooyinka Qodobada Dastuurka ee Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada ka wada xaajoonayaan sida – Maqaamka ay Magaalo Madaxda Muqdisho ku dhex yeelanayso hannaanka Federaalka, qaab-dhismeedka dowladda, asteynta awoodaha dowladda, hannaanka dowladeed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, hannaanka cadaaladda iyo asluubta federaalka ah, iyo weliba hannaanka federaaleynta maaliyadda.

Waxaan ka shaqaynaynaa sidii aan ku gaari lahayn hannaan dimoqraadi ah oo ku dhisan nidaamka federaalka, kaasoo soo celin kara Qaranimo Soomaaliyeed oo loo dhan yahay, loona siman yahay.

Waxaa sidaad la socotaan idin sugaya dhamaystirka
Hindise Sharciyeedka Doorashooyinka iyo dib-u- eegista Sharciga Xisbiyada Siyaasaeed oo muhiim u ah geedi-socodka dimoqoraadiyadaynta dalka, waxaanan idinka codsanayaa inaad ansaxisaan hindisayaashaas si deg deg ah, si dalku u gaaro doorasho qof iyo cod ah.

Mudaneyaal iyo Marwooyin

Sidii aan ku xusay khudbaddaydii tan ka horreysay ee kalfadhigii hore, muddadii koobnayd ee maamulkaygu jirey, waxaan saxiixay Afar (4) sharci, oo uu ka mid yahay, sharciga la dagaalanka Musuqmaasuqa oo sidaad ogtihiin gundhig u ah aasaasidda qaranimo Soomaaliyeed oo taaba gasha, shuruucdaas aan saxiixay iyo kuwa kale ee idin horyaalla waxaa muhiim ah xildhibaannada sharafta leh in ay si deg deg ah u ansaxiyaan.

SHARCI BAA DAL LAGU DHISAA!!!

Sidaas awgeed waxaan mar kale ku soo celinayaa codsigaygii ahaa, inaad dardar gelisaan hirgelinta sharciyada idin horyaalla iyo weliba kuwa kale oo idiin imaan doona.

Mudaneyaal iyo Marwooyin

Kobcinta dhaqaalaha dalka waxay sidoo kale ka mid tahay tiirarka ugu muhiimsan ee dhismaha Qaranimada. Sidaas awgeed waxaa maamulkaygu ahmiyad gaara siiyey sidii dib loogu yagleeli lahaa hab dhaqan-dhaqaale oo na gaarsiin kara inaan Qaranimadeenii dib u hananno.

Annagoo arintaas ka duulayna, waxaan dadaal dheeraad ah ku bixinnay sidii deymaha nalooka cafin lahaa iyo sidii aan kor ugu qaadi lahayn dakhliga gudaha.
Waxaan, Alle mahaddiis, ku guulaysannay inaan si hufan uga soo baxno dhammaan shuruudahii nala ku xiray iyo gaarista yoolalkii aan kula heshiinnay hay’adda lacagta adduunka ee IMF si nalookaga cafiyo deymaha. Shurrudaha noo haray oo nalaka rabo in aan soo dhammays tirno dhammaadka bishan waxaa ugu muhiimsan dhammaystirka shuruucda la xiriira dayn cafiska.

Madashii iskaashiga Soomaaliya iyo Beesha Caalamka ee SPF waxaan bogaadinayaa howshii iyo waxyaabihii ka soo baxay annagoo hirgalin doonna IA.

Mudaneyaal iyo Marwooyin
Sidoo kale, waxaa kobcay dhaqaalihii gudaha kadib dib-u-habayn iyo dib-u-qaabayn aan habkii ururinta dakhliga dowladda ku samaynay awgeed, waxaa arintaasi noo sahashay inaan si joogta ah u bixinno mushaarooyinka shaqaalaha kala duwan ee dowladda.

Mudaneyaal iyo Marwooyin

Dhinaca dib-u-heshiissinta, waxaa naga go’an inaan ummadda Soomaaliyeed dib u walaalayno, annagoo u marayna dhaqankeennii suubanaa ee is-cafinta iyo isu-tanaasulka. Mudanayaal Qaranimo waxaan ku gaari karnaa inaan is cafino, Alle u noqonno, dalkeenna dhismihiisana si wada jir ah uga qayb qaadanno. Haddii ay jiraan kuwa aaminsan in dadka Soomaaliyeed qasab lagu hoggamin karo ama lagu haysan karo, waxaan leenahay, dadka Soomaaliyeed way ka gudbeen xilligii lagu awr kacsan jirey!.

Mudanayaay iyo marwooyin,

Sida aad la socotaan waxa Alle mahaddiis dhawaan noo soo gabageboobay shirkii dib-u-heshiisiinta ee Galmudug, natiijada aan ka gaarnay dib-u- heshiisiintuna waxay noo fududaysay inaan hadda u gudbayno sidii aan u dhisi lahayn maamul goboleed ay yeeshaan ummadda Soomaaliyeed ee ku nool gobolladaas IA.

Waxaa naga go’an inaan dhagaysanno cid kasta oo wax tabanaysa, waxaa naga go’an inaan u garowno cid kasta oo garowshiiyo mudan; waxaa naga go’an inaan raalli gelinno, cid kasta oo raali gelin mudan; waxaa naga go’an inaan ka miradhalinno dib- u-heshiisiin waarta oo ka hirgasha dhammaan geyiga Soomaaliyeed,laakiin marna ma ogolaaneeno inaan dib u noqonno; marna ma ogolaaneeno inaan aqbalno wax qaranimo ka yar; marnana ma ogolaaneeno inaan aqbalno cid kasta oo is hor istaagaata dib-u-yagleelidda qaranimada Soomaaliyeed!!!.

Mudaneyaal iyo Marwooyin

Nidaanka Federaalku waa nidaam ay ummadda Soomaaliyeed u dooratay inuu noqdo hab- maamulkooda-dowliga ah, illaa ay ummadda Soomaaliyeed ayadu go’aansato inay wax ka bedesho nidaamkaasna, ma jirto dowlad ama koox gaara oo wax ka bedeli karta. Waxaase nasiib darro ah, in dadka qaarkiis ay si khalad ah u macnaysteen nidaamka federaalka.

Nidaanka federaalku wuxuu si cad u qeexaa awood qaybsiga dowladda dhexe iyo dowladaha xubnaha ka ah; laakiin ma siinayo madaxbannaani gaara ah dowladaha xubnaha ka ah dowladda federaalka!. Waxaan idin xasuusinayaa in mas’uuliyadda ilaalinta qaranimada dalka iyo madaxbannaanidiisa ay saaran tahay dowladda Federaalka!.

Waxaan mar kale rabaa inaan idin xasuusiyo in siyaasaddeenna arrimaha dibedda saldhiggeedu yahay in Soomaaliya ay xiriir wanaagsan la yeelato waddamada deriska iyo kuwa caalamka labadaba – xiriir iyo iskaashi ku qotomo ilaalinta danaha qaranka Soomaaliyeed.

Waxaan Shacabka Soomaaliyeed u xaqiijinayaa in aanaan marna ka gorgortamaynin ilaalinta midnimadeenna, madaxbanaaniddeena iyo ilaalinta xuduudeheena dhulka, badda iyo cirkaba.

Xiriirka aan la leennahay waddamada derisku waa mid ku dhisan iskaashi xooggan oo ku salaysan is-ixtiraam iyo wax wadaqabsi siman ee dhinacyada amniga, dhaqaalaha, siyaasadda iyo bulshada.

Annagoo arintaas ka duulaynana, waxay dowlad Soomaaliya kaalin muhiim ah uga jirtaa dadaalada loogu jiro xoojinta xiriirka iskaashi ee waddamada geeska Afrika gaar ahaan dhinacyada nabadgelyada, dhaqaalaha, siyaasadda iyo bulshada, waxaanan mar walba ku taamaynaa sidii uu Geeska Afrika ku gaari lahaa xasilooni buuxda dhinac kasta.

Waa mahadsantihiin.

KALFADHIGAN 6-AAD WAA FURAN YAHAY MAANTA OO ah Oktoobar 9, 2019


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.