Jiifto: Qiyaame

Jiifto: Qiyaame

W/T Cabdirashid Khaliif Xaashi

Jiiftadan waxay jawaab u tahay silsiladda jiiftada “Adduun Qaliban” oo uu tiriyey Abwaan Xuseen Cabdi Xalane oo aan saaxiib nahay.

Xalanoow qiyaamaha
Intaan buunka qayladi
Qabuuraha la soo fagin
Qofna aanu harinoo
Aadanaha qaawani
Qorax laysa soo tubin
Qaxar aan yaraynoo
Midi uu mid kale qarin
Qac middii tiraahdana
Qalbiyadu ruxmaayaan
Yaa Qaadir soo diray
Qaflad si anan loo gelin
Jooga qaaba-qoys iyo
Qalqalada agteedaba

Rasuulkuna qir oo yiri
Qof ahaantay imadkay
Qiyaamaha hortiisay
Qiraal keeda ay tahay
Qaybaha kaleetiyo
Calaamadaha u qaaskaa
Qiyaamaha dhawaantiis
Qollateyn ka badab tiro:

Qatli inuu ka-kow yahay
Qowmu luudku laba yahay
Riba layska qaatiyo
Zakadoo la qariyiyo
Beentoo qul-qulaysiyo
Carabtoo qof iyo qolo
Qasriyada ku faan iyo
Qalcaddayda yaa dheer
Taydaa ka qiro weyn
Qasadkoodu badi noqon
Qaybahaasi tage oo
Qodob-qodob u aragnaye
Qoraxdoo la weecshiyo
Qiiqii dukhaaankiyo
Dijaal oo quraa haray!

Qaska aad ka qooftoo
Qoonsatay Xuseenow
Qallibnaanta dunidaan
Odayada u qabar tiri
Qaylo dhaanta gaarsii
Maqaawiirta qoladeen
Xogi kama qarsoonee
Qalbigay adkaysteen
Qaneecay ka qaateen
Xadiis qiimi loo weyn
Suubanuhu laga qoray

Asoo buunku qaylshey
Shaqadii qabyo ahayd
Laan qurac hadday tahay
God-na loo qodaayey
Inaan laga qawaafine
Biyo lagu quweeyo
Qasdi loo hagaajo
Waa waajib qabadoo
Quusi noocba ay tahay
Qiil inaanba loo hayn
Id-qaan hawli qabad tahay

Qodab kale mid aad tiri
Shabaabkaan qalloocane
Baadda qaadanaayee
Quraankana akhrinayoo
Qawlkii Rasuulkana
Uga qiil dayaaya
Dhiigga ay qubaayaan
Qodab iiga soo mari

Iyagaas qudhooduna
Qiyaamaha horriisaba
Qawaariji inay iman
Dunidana qasaayaan
Muslim lagu qataaray
Dhiigooda qubayaan
Quraankaaba sheegoo
Qadar kale ka soo qaad

Qodob kale Xuseenow  
In kastoo qalooc-iyo   
Adduun qaalma rogadkiis   
Qaadaa dhigtoo tiri   
Rashiidoow u qiil bixi 
Qodabada su’aalaha 
Uma qaadan quusee   
Anigaad i qodaysaye   
Iga qabo qiraal kale

Si kastoo qallooc-iyo
Qaladaadku uu koro
Dulmi looba qiil dayo
Al shabaabku qaraxyada
Qur-gooyada ay badiyaan
Soomaali qoyskeed
Qof intuu ka nool yahay
Qaran-jabid ma iman karo
Qasadkennu wuu jiri
Qaalib baynu noqon abid

Qoomiyad dhanoo idil
Ciyaal inay qafaalaan
Qoofal ay surtaanoo
Qabbaaanimo u hayatan
Nolashay ku tahay qadaf
Qodobkaas-na iga qoro

Qaybtayda jiiftada,
Halkaas baan qotomiyee;
Aw-xirsi! ka sii qabo.

Cabdirashid Khaliif Xaashi

Leave a Reply

Your email address will not be published.