Friday, May 03, 2024
Wardheer News
  • Maqaallo
  • Slideshow

Jiifto- Qabbiran

W/T Xirsi Jaamac Gaani

Jiiftadan Qaafleyda ahi waxay qayb ka tahay silsilad uu curinteeda bilaabay abwaan Xuseen Cabdi Xalane uuna ku hal qabsaday saaxiibo dhowr ah, oo aan ka mid ahaa. Aniguna waxaan uga qayb qaatay jiiftadan Qabbiran: 

Maansada Qalliban ee
Xuseen qalinka saaree 
Qoraayada u yeedhee 
Ila qiil baxshaay yiri
Qiimaha waqtiga loo
Qaayuhu u dheer yahay
Raggu uu ku qaan baxay
Qabashada Dan-Qaran baa
Iga qaaday anigoo
Q-da maanso curintii
Qayrkay la doodkii 
Qaa’ibay ayaantaan

Marse hadduu Qumanihii
Qaaliga ahaayee 
Maansada qutubin jirey
Qalinkiisa igu dhebey 
Qasab weeye maantee
Qaddar iyo daqiiqado 
Waa inaan u quuroo
Qaalibkeed ha joogee 
Qufulada barkood furo

Qaryaanoow Xuseenow
In kastoon Qarnigii tagey
Qayb yar aan ku yeeshoo
Qaangaadh ku soo maray
Taariikh qadiimaa
Qeexaysa xaalkee

Inay weydu qurux tahay
Sowtii qalanja luulada
Gabdhihii dhaclaha qabay
Laafyaha qurxoonaa
Si aan qaarka hore iyo
qamankiyo dhabankiyo
Dhexda qarada liifliyo
qarqarada miskaha iyo 
Qanjaha luqunta raaciyo
Qoortay kuusha suratiyo
Qabsinadu u weynaan

Hooyooyin qaranoo
Qaabkiyo asluubtiyo
Muusood Qosola iyo
Qasadkiyo hiddaha baraa
Tii shaah qurqurisee
Qasharkiisa ruugtaa
Qoobka iyo raafyaha
Qod intay halgaadaan
Qabadsiin jireen nabar
Qabbiray oo mid degay

Qaryaanow Xuseenow
In qaawani xarrago tahay
Qaaqluhu nin door yahay
Tuuggii la qaban jiray 
Qaadigi Bulshada yahay 
Ninka qori ku naaxee 
Xaaraanta quutana
Qiimaha rag dheer yahay

Qalinduure jaahila
ama Qaadi xaaraan
Quutaa fatwoon kara
Qiso waliba yaab lehe
Qaalmihii lo’aadee 
Galay beerta qarihiyo
Quwaaxu ay dhex jiifaan
Asagoon u qiil dayin
Hubin qayb ma leeyahay
Xukun qararac siiyee
Wiil ku qaylyayaa yimid
Qiiraa ku haysee
Lo’daad qayb ku leedahay
Qudhii horeba hadaliyo
Maba uu qanaasine
Ushii uu qotamiyuu
Qun yar jiifiyaay yiri
Qandi uu ku qaatiyo
Qiil miyuu u waayaa
Qabbiray oo mid kale degay

Midda Qowmu lud kana
Waagii Qur’aan barad
Qadda riiqisteennii
Qul’acuudu taynkiyo
Quluuxiyada dhaafkii
Qaaf yeersigeennii
Qasas sii marriinkii
Racad qaradambeedkii
Qiraa’ada tajwiidka le’ 
qayladiyo sawaxankii
Subax waadigii qoray
Qaabkii loo halaagaye
Iga daa qanjiirada
Iyo calow qaskaagiyo
Shuushka aad qalbiga galin
Qabbiray oo mid kale degay

Qabkii wiilki Ciisana
Qowrac inuu naftii bido
Quwad baa u geeyoo
Qaarad lama u joogine
Qaantaba aynu bixinnee
Adigoon qudh goynaan
Qaadh weyn la gaadoo
Qabadsii mid laba jeer
Bal inaad qabowdoo
Qalbiga laxowgu kaa go’o
Qosal weeye maad lehe
Qaadaadhig haw celin

Xuseenow Quraankiyo
Qowlkii Rasuulkiyo
Qiyaaskeena fiqigiyo
Qaaciddo islaamiyo 
Qaamuus haddan dayey
Kutubtaa qadiimka ah
Qaar badana baal rogay 
Dhaayahaygu may qaban
Meel ay ku qoran tahay
Qof islaama dhiigiis 
Qaab loo bannaystoo
Qaraxa loogu aasaa
Qabbiray oo hadana degay

Qoladaan Qarribanee
Qaadi xukunka meershiyo
Qowm suuqa buuxiyo
Qori waa’ nin sidan jiray
Qudka reer u weynaa
Shiikh Quraanka ruugiyo
Ilmo subac Qamiisaad
Naqtiin qaabilaayee 
Qayilaa balaayaa ah
Isbaaraysan jiray qoys
Ayagoo qoqobahayn
Qaraxa la beegsanaayee
Qoys saaka soo kacay 
Qofna aan ka reebayn 
Qisaas hay dambaysee
Qaadirkeen agtiisana
Adduunyado qalibantaa
Qof islaama dhiigii 
Kala qiima badan yahay

kagase qanac Xuseenow
Qaabiilba Haabiil
Qooq Aadanoo galay
Kibirkiyo is qaadqaad
Qalooc iyo is yeelyeel
Qudha waasagii jaray
Asagoo qaracanoo
Qoomamadii  la ciishoon
Quraab Eebe soo diray
Qabriyada habkoodiyo
Sida loo qoduu baray
Qabbiray mid kale degay

Qaryaanoow Xuseenow
Qalbigu suusan kuu jabin
Qarar uusan kaa gelin
Qac muraayaddaa oran
Murugadu ku qaayibin
Aan kuu qaboojee
Ayagoo quraankiyo
Qumu laylka kacayey
Qur’aadii saxaabada
Qaliifkii( RC) afraad ee 
Qaadirkeen ciseeyee
Loo qiray jannada bay
Qudha wada jaraayeen
Qarnigaan nin joogaa
Muxuu qiima dheer yahay
Oo lagu qadariyaa
Nin ka qaadi mooyee
Qabbiray oo halkaas dhigay.

W/T: Xirsi Jaamac Gaani

Halkan ka akhriso qeybihii hore ee Silsilada- Jiiftada

  1. Adduun Qalliban W/T Abwaan Xuseen Xalane
  2. Qiyaame: W/T Cabdirashiid Khaliif
  3. Qaan: W/T Aadan Aw Xirsi

We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.