Saturday, April 20, 2024
Wardheer News
  • Maqaallo
  • Slideshow

Ismaan-dhaafka Fekradeed ee Dhexyaal Puntland iyo Somaliland

W.Q. Maxamuud C/llahi Axmed

Xuduudaha maamul goboleedyada dab baa ka holcaaya 

Qormadan waxay isku deyi inay tilmaanto ismaan-dhaafka ka dhexeeya Puntland iyo Somaliland in uu salka ku hayo is-diidka labada feker (conflicting ideas) ee lagu kala qotomiyey asaaskii labada maamul iyo saamaynta ay ku yeesheen Soomaaliya inteeda kale. 

Horraamihii sannadkii 2019, maalmo ka dib markii loo dooratay Saciid Cabdullahi Deni madaxweynaha Puntland, ayaa waxaan dhegaystay waraysi Idaacadd BBC-du la yeelatay. Isagoo ka falcelinaya su’aal ahayd in Somaliland sheeganayso xuduuddii Ingiriisku dhigay, wuxu ku jawaabay “ Hadday iyagu [maamulka Somaliland] noqdeen Ingiriis, hadda annagu Talyaani ma nihin”. Wuxuuna tilmaamay, markii Soomaaliya burburtay in reer waliba halkuu joogay maamul iyo nabad ka alkumay.

Wuxu madaxweyne Deni qiray Ismaan-dhaafka dhexyaal Puntlad iyo Somaliland inuu salka ku hayo labada fekradood ee lagu kala asaasay labada maamul: abtirsiinyo raac iyo xuduud taariikhi ah raac, macnihii xadkii u dhexeeyey maxmiyaddii Ingiriska ee Somaliland iyo mustacmaraddii Talyaaniga ee Soomaaliya. Waxa Somaliland intaas u dheer rabitaankooda gooni-isu-taagga; oo macnaheedu yahay waanu ka baxnay Jamhuuriyaddii Soomaliyeed ee dhalatay 1dii Julay 1960. 

Bal aan wax yar lafagurno fikradaha kore, kuna horreyno ta abtirsiin raaca ah. Sida hadalku u socdaa waa dadka wadaaga abtirsiinta “Harti” meel kasta ay degaanba, laga reebo Dawlad Deegaanka Soomalida Ethiopia, waxay hoos imanayaan maamulka Puntland. Ilaa hadda dawladda Puntland ma sheegto xuduud-dhuleed cayiman oo la garan karo. 

In adduun-arragga (world view) dadku cajiib yahay waxa kaaga markhaati ah: maamulka Puntland, marnaba, maankooda kuma soo dhicin inay mideeyaan magaalada Gaalkacyo. Sababta keliya ee ay  sidaa u xaawili waayeena waa Koofurta Gaalkacyo isku abtirsiin ma nihin. Taas macanheedu ma aha waa kala dad. Waa dad wiil, gabadh iyo walaalo ah. Waa arrin murugo leh in Gaalkacayo khad cagaarani dhexmaro ama labo maamul dawlo ka kala tirsan yihiin. Jiheeyaha abtirsiintu juqraafi ma yaqaan!

Haddii isla fekerkaas abtirsiinta lagu dabaqo mid ka mid ah gobollada Puntland ku taanto, gobolka Sanaag, waxaa khadkaas oo kale uu dhex-mari karaa magaalada Ceerigabo. Waxaa intaa weheliya in aan la garan karin sida loo kala soocayo deegaanda miyiga ee dadka reer guuraaga ahi deggan yihiin ee gobollada Sanaag, Sool iyo degmada  Buuhoodle. 

Taxliil ahaan, su’aalo faro badan ayaa la iska isweydiin karaa sida: xad dawladeed oo ku salaysan abtirsiin ilaa intee ayuu suuragal yahay? Maxaa ku jaban in la raaco xuduudadaha taariikhiga ah?  Jawaabaha su’aalahaasi ma sahlana, laakiin, kolay,  maamul dawladeed xad mucayin ah kama maarmo. 

Ururkii Midowga Afrika (OAU) ayaa 1964tii isku raacay in xuduudaha Afrika sidii iscticmaarka Yurub u dhigay loo daayo. Ma aha raali bay ku ahaayeen, waxaase ay garwosadeen in dhibka ka dhalan karaa uu aad iyo aad uga badan yahay manfaca laga dheefi karo. Kolkaa ma ka filaysaa in abtirsiin-raac faa’ido cid u keenayo, halka Afrika oo dhammi ka baqatay isir-raac (ethnicity). 

Marka ay timaado xuduudaha taariikhiga ah, ma aha inay xuduudihii isticmaarku ka tegay oo keliyi yihiin taariikhi. Waxa kale oo xuduudo taariikhi ah noqon kara 8dii gobol ee ka jiray dalka 1960kii ilaa 1972dii. Ogow, sannado tirsan mooyee, isku gobol ma noqon Garoowe iyo Lascaanood, Buuhoodle-na waxay ku jiri jirtay Burco; Badhan/Laasqoray-na Ceerigaabo. 

Bal aan yar xusno iraadada dadka ku nool degmooyinkaa kor ku xusan. Waxa kuu soo bixi in qudhoodu ku kala feker duwan yihiin halka mustaqbalka degaankoodu ku dambaynayo: qaar u janjeedha Garoowe iyo kuwo Hargysa u xagliyaba way leeyihiin. Waxase dad badan werwer weyn ku haya gooni goosashada Somaliland, cabsi ay ka qabaan inay aqaliyad (minority) ku noqdaan Somaliland, kana xadhig furmaan tolkood. Taas oo loo macnayn karo ma diidana Somaliland ee gooni-isu-taagga/goosiga Somaliland ayaa qalaynaya. 

Ururka Khaatumo ee uu hoggaaminayey Professor Cali Khaliif Gallayr (AUN) oo iyagu markii hore qabay inay ka madax-bannaan yihiin Puntland iyo Somaliland ba, waxay talo ku deysteen in maamul hoosaad la sameeyo, hoos taga Somaliland; iyadoo aan laga tanaasulin midnimada Jamhuuriyadda Soomaliya. Cali (AUN) wuxuu is tusay in fursadda Somaliland aqoonsi caalami ah ku heli kartaa tahay mid aad iyo aad u yar, kol ay ahaatana mar uun ku soo noqonayso xayndaabka Jamhuuriyadda Soomaaliyeed; sidaa darteed lagu sii nasto Somaliland, reer waqooyinimada taariikhiga ahna la quweeyo.

Somaliland waa maamulka keliya ee iraadadiisu tahay in uu ka weynaado reer, waxase laga yaabaa inay khaldayaan dariiqada ay u marayaan. Xasuuso in siyaasiintii hore ee Somaliland, sida Cabdiraxmaan Axmed Cali (Cabdiraxmaan Tuur), AUN, ay ahaayeen kuwii ugu horreeyey ee ku dhawaaqa in la qaato nidaam federaal ah oo taariikhi ah (waqooyi iyo koofur), dad badan oo reer waqooyi ahina weli sidaa qabaan. 

Waxa in badan laga maqlaa madaxda Puntland iyagoo leh haddii Somaliland rabitaankeedu yahay inay Soomaaliya ka go’aan, iyana waa inay aqblaan ikhtiyaarka dadka deggan gobollada Sool, Sanaag iyo Cayn; iyagoo u duur-xulaya in afti laga qaado beelaha reer waqooyiga ah ee Harti. 

Waxa halkaas laga soo daliishan karaa in madaxda Puntland iyo Somaliland, ee hadda talada hayaa, isku mowqif yihiin; macnihii  iskuma diidana kala goynta waddanka, waxa keliya oo ay ku muransan yihiin reeraha Jamhuriyadda ka baxaya iyo kuwa ku soo hadhaya. Talow ma dhaadeen midkaas!

Haddaba, haddii maamulka Somaliland, fekrad ama mabda’ ahaan, si uun, ay ugu soo noqdaan xayndaabka Jamhuuriyadda Soomaaliyeed, waxa aan qabaa in la demin karo dabka dhexyaal labada maamul; lana baajin karo dhiig, naf iyo barakac dambe oo ka dhaca deegaanadaas. Haddii taa la helo, ma jirto sabab caqli-gal ah oo ay Puntald muran iyo colaad ku sii waddaa. Puntland iyo Somaliland waa labo maamul oo ahaa muddo dheer labo nuur oo Soomaaliyi ku soo hirato. 

Laakiin haddii ay sii socota colaadda soo noq-noqotay, ee ka dhalatay isdiidka labada fekradood ee asaaska u ah labada maamul, waxa looga aayi doonaa waa labada shumac ee ka shidan Garoowe iyo Hargeysa oo isla dema. Ilaah baan ka magansanay.

Ayaan darradu se waxay tahay in maamuladii kale ee gadaashood laga sameeyey koofurta waddanka ay qaateen fekerka abtirsiin raaca ah ee Puntland, haba kala yara duwanaadaane. Sidaas ayey Puntland ku qaadatay magaca hooyada federaalka Soomaliyeed, ee abtirsiin raaca ah. Aniga igala dhigan abuur sun ah oo carrada lagu beeray, laguna wada dayday.

Dastuur kasta, qurux badan, oo federaal ahi ma sugi karo xasiloonida xad dawladeed oo  ku salaysan abtirsiin. Soomaaliyi waxay ku heshiin weyday dawladdii dhexe ee midka ahayd (unitary state). Ma waxay nabad ku ahaanayaan dawlado yar-yar (fiefdoms) oo ku salaysan abtirsiin/reero? Xaasha! 

Nidaamka dawladeed ee noocan ah, abtirsiin raac, waxa maamul waliba halis ku yahay (existential threat) kan kale ee la deriska ah. Waxa laga dhitaystaaba waa colaad aan dhammaad lahayn (perpetual war).

Isku soo wada duuboo: xuduudaha maamul goboleedyada dab baa ka holcaaya. Ilaahoow, adigaan ku magansanay.  

Wa Bilaahi Towfiiq 

W.Q. Maxamuud C/llahi Axmed
 Email: [email protected]


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.