Friday, March 29, 2024
Wardheer News
  • Maqaallo
  • Slideshow

Iskumaranta Run iyo Been: Dhibaatada Isafgaranwaaga Soomaalida

W.Q. Rashiid Sheekh Cabdillaahi(Gadhweyne)

Rashiid Sheekh Cabdillaahi (Gadhweyne)

Siyaasi magac leh baa maalin goob la isu gu yimid ka hadlay.  Arrimo danaha guud ah buu waxii uga muuqday iyo wax uu ku darsaday ba ka yidhi.  Hadal run iyo been ba lagu xambaari karo ayuu yidhi.  Dooddeedu wax badan oo fikrado iyo aragtiyo ah, bay soo ifbixin lahayd, la la ma se aadin dhinacaas.  Laba keli ah baa loogu kala guuray.  Kuwo been keli ah oo aan hal xalaal ah lahayn bay ku sheegeen; kuwo kale na waa runtii oo badhax la’ bay yidhaadeen.  Laba aag oo aan barkulan lahayn baa loogu kala jabay.  Inta badan socotada siyaasadda Soomaaalidu ma aha dood ee waa “mudacyo afkood” iyo waxa waayadan loo baxshay magaca ‘Fadhikudirir’.  Waa weerar iyo weerarcelin afka ah. “Waa laga dambeeyaa iyo meel kale ayaa wax loo wadaa; waa khiyaamo qaran” iwm…. “Wax aad u badan baa la qabtay iyo horumar baa la keenay”. “Maya; wax ba la ma qaban;bal wax waliba way sii xumaadeen oo ka sii dareen iwm”.  Ma run baa mise waa been waxa la sheegay?  Oday magac qabiil sita oo asagu na shirkiisa ka hadlaya, ayaa odhan: “Innaga ayaa nabadda dalka hayna oo wanaagga u taagan; qolada ama qolyaha kale, ayaa belaayo wada”.  Run iyo been midkee loo qaadaa hadalkan?  Waxaa jira siyaasi kale oo asagu kugu dirqiyaya in aad hadalkiisa beensato.  Asagu na xafalad ilyartu isqabatay buu galab ka hadlay: “Qarannimadu ku ma dhismayso qabiil; muwaadinnimo, sinnaan iyo caddaalad bay ku dhismi kartaa”.  Waa hadal wanaagsan.  Hayeeshee marar baa laga arkay hadallo iswada burinaya iyo asaga oo dhinacyo kala jeeda wax u wada.  Xataa haddii uu markan run sheegayo(shaki baa aniga runtiisa iga ga jiro e), hore ayey Soomaali u maahmaahday oo tidhi: “ beentaada hore, runtaada dambe ayey dishaa”.     

Meesha aanay jirin soohdin la isku raacsanyahay oo run iyo beeni ku kala baxaan, wax ba la ma kala garan karo.  Runi been bay ku dhex ambatay.  Weliba Tani waa ay ka sii xagjirtaa; waayo wacyiga reerhebelnimo waxaa hoggaamiya xintanka ka dhexeeya annagada iyo ayagada’; xintamaa na weligii ba ma arko xaqiiqada duunkiisa debedda ka ah.  Tiisa oo qudh ah ayaa u jirta; tii kale ba na waa u been.  Run iyo beeni wax asaga ka baxsan ba ma aha.

Marka aynu u nimaadno wada-xidhiidhka bulsheed na isla suuradan baynu la kulmaynaa.  Waagan la joogo, koox kasta oo isku qolo sheegataa waxa ay, si joogta ah, ugu kulantaa guri xaafadaha magaalada ah.  Warar iyo faallooyin, ayaga qurxinaya, cidda kale na ceebo marmarinaya, bay isa siiyaan.  War iyo faallo ba waa curintooda oo looga ma horraynin, hadda na run bay ka dhigtaan oo ay u qaataan.  Waa wacyigii reerhebelnimo.  Koox waliba ta ay ayadu isu sheegtay baa u run ah; ta qoloda kale sheegtay se, warkeed ba ma maqlaan; waayo isu ma tagaan oo isma waraystaan.  Balaf waxii ku soo gaadhaa na agtooda waa been.  Sidee dadkani u wada noolaan karayaan, haddii aanay run iyo isrumaysi ba lahayn?  Bulsho qaran, haddii la rabo, rayi wadareedyo dadku wadaago laga ma maaramo.  Qaayosoorrada bulsho ku dhisanto, runtu waa rukun ka mid ah oo weliba mudan ah.  Runtu na way galgalataa, beentu na way ku marantaa.  Garashadeeda, qaayosiinteeda iyo kuwada-dhaqankeeda ayaa xidhiidhiya bulshada.  Waxa ay u baahan tahay in wax la isweydiiyo; ayadu na waxa ay rabtaa kaadsi iyo dulqaad. 

Shaki iyo Ismoodsiis

“Reer-Hebel wax ba inooma oggola iyo Reer Hebel wax aan waxyeelladeena ahayn laga ma filan karo”!  Iyo “Xumaan keli ah bay wax ku leeyihiin” iyo “Inta ay nabadda kugu yeelaan colaadda kugu ma yeelaan”!  Waa dhaqan nacaro qabiil ka soo jeeda oo sida uu u dhan yahay waa hawraaro ka tibaaxcelinaya shaki iyo ismoodsiis.  Asaga oo wejiyo badan leh baa lagu soo tallaalay nolosha maanta ee qarannmidoonka ah.

Siyaalo kale oo badan buu Ismoodsiisku isku muujiyaa; waxaa na ka mid ah: “Waa laga dambeeya, ciddaa iyo ciddaas, dawlado iyo gaalo iyo duulal shisheeye, ayaa wata”!  Ma run baa mise waa been?  Ismoodsiisku -xataa haddii u run yahay – mar kasta, waa kugu been; Alle (SWT) hortiisa na demibgiisa ayaa kuu yaalla, waayo waa danni.  Xaaladdan qalalaasaha bulsheed iyo anshaxeed, waxaa jira ismoodsiis been ah oo lagu dan-qunsado.  Waxaa ka mid ah: “Nin na inta uu kuu jiro kuu ma soo dhaafo iyo iigu shub, anigaa ku abtirsiin xigee “.  Dhangaagaalaha tirada badan baa run loo tusaa; waxa uu badi ba gaar u soo mudhbaxaa xilliyada ololaleyaasha doorasho iyo tabaha hunguriga lagu raadsado.  Runta ay beenta moodsiiskani daboolka saaraysaa waa in aan qaranka shisheeye iyo sokeeye lagu kala noqon karin ee qarannimada uun lagu waayayo.  Kuwa beenta ismoodsiiska iyo moodsiiska ah dan mooda, ugu dambaynta, runtaa ku kedisa oo ka kala daadisa.

 Runta iyo Beenta Munaafiqa 

Run baa been u dhacda.  Munaafaqiintii Maddiina  ayaa Nebi Maxamed(SCW) u maragkacay in uu Rasuulkii Alle yahay.  Alle na(SWT) waxa uu leeyahay: Alle waa ogyahay (Nabi Maxammedow) in aad dhab ahaan, rasuulkii Alle tahay, waxaa na uu Alle ka marag yahay in munaafiqiintu been sheegayaan. “إذجاءك المنافقون قالوانشهد إنك لرسول الله والله يعلم إنك  لرسوله والله يشهد إنُ المنافقين لكاذبون”(سورة المنافقون)

Run bay sheegeen Munaafaqiintu, ayaga oo been sheegaya.  Sidaas ayaa qowlka Alle sugayaa.  Waxii aan qofka ka dhab ahayni, waa ku been, xataa haddii ay run tahay.

Run iyo beeni marar badan waa kadhigashada iskeen.  Cid waliba iskeed bay si wax isu tustaa oo run bay ka dhigataa.  Qof, koox iyo bulsho dhan ba, taasi way ka timaaddaa.  Iskeed bay rumaystaa oo isma weydiiso xaqiiqo ayada ka baxsan oo aan damaceeda iyo deexashadeeda ku xidhnayn.  Tusaalaha qof ahaaneed waa xaaladda uu asagu isla qumman yahay ee uu qaato been ay naftiisu u sheegtay; waa  na cudur taasi.  Mar kale na waa beeta asaga ku saabsan ee cido kale uga timaadda oo uu isku daawado. Tusaaleheedu waa ammaanta beenta ah ee laga badiyo kelitaliyaha, uu na rumaysto; ayadu na waa cudur la mid ah.  Ta bulsheed na isla-falgalka dadka ayey ka unkantaa.  Runteeda soke waa inta lagu wada dhaqmayo ee lagu negi yahay.  Haseyeeshee ayada lafteedu na been bay noqon kartaa.  Waxaa jiri karta oo la soo arkay bulsho ku wada nool afka oo la isu macaaneeyo, ayada oo aan naxariis la isu haynin; waa meel ma-jirto lagu wada hadlo oo ay sidaasi tahay caado iyo curfi la isku ogyahay.  Waa dhaqan ka dhasha cadaaladdarrada talomaroorsiga arxanka daran.  Jinni-boqorka laga cabsanayo oo ammaan afka ah loo miisaa dhaqanka bulshada ayuu sadheeyaa.  Waxa uu sababaa in runta laga dhawrsado oo been lagu dhuunto.  Cabsida laga qabo jowrka xoogagga kelitaliyahu, been bay dhashaa; aakhirka na runta ayaa la isku nacaa; bal marar waa la isku dilaa.  Marka cabsidaasi dadka dhexdiisa sii badato ba, been-isu-dhiibka munaafaqada ayaa ku sii badata.  Waa la caadaystaa oo dhaqan munaafaqnimo ayaa bulshada ku xididdaysta.  Waxaa la mid ah danaysiga qofeed ee xadkiisa dhaafa, haddii uu bulshada ku fido oo lagu tago, munaafaqayn bulsheed baa ka abuuranta.  Mar kasta iyo si walba na, war munaafaq waa been, xataa marka uu run sheegayo.      

Run iyo beeni halkee ku kala baxaan?

Daawadu waxa ay bilaabantaa  marka la kala garto, halka ay ku kala baxaan run iyo beeni ee la sugo; mid walba na la dhigo meesha ay qiyamta dadnimada ku leedahay.  Majare lagu liibaanay baa jira, waase haddii la wada garowsado oo la yeelo.  

Hor iyo horraanteed:  jiritaanka Alle (swt), keli ahaantiisa Alle ahaaneed iyo dhammi ba sifooyinkiisa asaga ku sami, waa run buuxda; inta ogaalka rabbi ku maqan(qeybka) ee uu kitaabkiisa kariimka ah kaga warramay na waa run buuxda.  Qofkii se taas dhab ahaan, rumeeyey baa rumaystay; kii kale se warku waa u sida kale iyo sidii uu doono.  

Kolka  xiga: Abuurta Alle, inta isheennu qabato, intii ogaalkeenna ah iyo intii aqoonteenna cilmiyeed gaadhay na waa inoo run; ha yeeshee iyadu na waa socoto si joogto ah u kororta oo isu beddesha; taas owgeed, wax si loo yaqaannay baa ogaalkiisa lagu sii durkaa; run hor leh baa loo tagaa oo tii hore ayaa ku beenowda.  Qarniyo aad u badan buu adduunku ahaa inta iyo sida isha keli ahi u aragto; dhulku na ahaa sagax ballac u yaal oo qorraxdu cidhifkiisa bari ka soo baxdo, kiisa galbeed na ka galbato.  Aqoontii ku durugtay xaqiiqada oosha dunidu waa ta beenisay lammoodkaas asaga ahaa.  Run iyo beeni waa laba isa-sudhan ah oo midi ba midda kale ayey tustaa.  Runta ayaad beenta ku ogaataa oo aad kaga tagtaa; geesta kale waa la mid.  Aqoonta soo daba gaabani waxa ay ku tustaa run aan dhammays tirnayn, been buuxda na  way u dhuran kartaa.  Runtu been bay ku dhex qarsoontaa; aqoon iyo daacadnimo(ashax) wada jira, ayaa kala saari kara.  Bulshada dhexdeeda taas laga waayaa, qalalaase ba’an bay ku jirtaa. Waxaa ay u dhibmudataa oo haddii ay weydo, u jabtaa wada hadal iyo wadatashi iyo xeeldheeraha aqoonyahankeeda oo waxba la weydiiyo, dhawaqiisa na la dhegeysto.  Odhaah-murtiyeedda Soomaalida ee “Muslinow run sheeg Muslinow na uga qaado” waxa ay inoo tilmaamaysaa kaalinta runta iyo rumaysigu ku leeyahay dhismaha bulshada caafimaadka qabta.  

Runi waa isu geyn

Bal u fiirso sheekada laga dhaxlay soonjireenka dhaqanka Hindidii waayo qiyaastii, ku siman 1500 sannadood.  Waa sheeko siyaal badan loo weriyo, murtideedu se meel ku wada biyoshubayso.  Lix nin oo indho la’aan ku dhashay baa uu ku badtay warka noolaha maroodigu la dhahaa.  Waxa ay ku talogoosteen in ay soo ogaadaan waxaa uu yahay iyo sida uu u yaallo ba.  Malaa waa la hagaye, waxaa ay u tageen maroodigii.  Midkood ba waxa uu kaashaday xasuusta walaxaha uu tijaabada nolosha ka hayo ee uu taabashada ku kasbaday.  Taas buu ku suntaday baadida runta uu dabasocdo.  Midkood dheegga ayuu maroodiga ka taabtay oo gacanta mariyey; waxa uu yidhi maroodigu waa wax ballaadhan oo sallax ah; waa gidaar oo kale.  Mid kale na waxa uu taabtay gacanka maroodiga oo waxa uu yidhi maroodigu waa sida mas weyn oo kale.  Ku kale na foolmaroodiga ayuu gacanta ku qabtay; asagu na waxa uu yidhi maroodigu waa waran dhumuc weyn.  Midkii kale lugta ayuu labada gacmood isugu geeyey oo maroodigii waxa uu la noqday jirrid geed oo kale.  Kan kale na waxa uu taabtay dabada oo kuye: ‘maroodigu waa sidii xadhig oo kale’.  Kii lixaadna waxa uu qabtay dhegta maroodiga oo waxa uu istusay in uu yahay wax babbiso(marawaxad) u eg.  Markii ay gooni isu la baxeen ee iswaraysteen, nin walba warkiisu aad buu uga duwanaaday kuwa kale oo sidaas darteed, muran ismariwaa ah baa dhexdooda yimid.  Nin ba tiisa oo qudh ah ayaa u run ah; tu kasta oo kale na waa u been.  Ogow oo nin waliba waxa uu hayaa garooc runta ka mid ah; runtii oo dhammaystiran baa ka wada maqan.  Weliba ku darso oo runtii maroodigu ku ma dhamma isugeynta qurbyada ay kala haystaan.  Ma ahayn nimankani Soomaalida maanta oo kale.  Dad bay u tageen oo qurubyadooda runta ugu soo ururiyey.  Ka dib na suuro isku mid ah bay maroodigii ka yeesheen. 

Bulsho aan xogogaal iyo aqoonyahan wax la weydiinnin oo qof waliba halkiisa ‘islaqummane’ ku yahay, aaye san ma yeelan karto.  

Moodista iyo ismoodsiisku waa kala laba. Moodista loo ma kaso ee waa xaalada qofka ku iman karta oo sidaas darteed, dulmi ma wadato.  Hayeeshee ayadu na khasaaraheeda ayey yeelataa.  Tusaaleha dhow ee ismoodsiisku waa sheeko-murtiyeed ka mid kuwii “Cigaal Shidaad”.  Waxa la yidhi in uu magaalada u safro oo uu arrad-bax iyo saad ba, baahida qoyska ka keeno, ayey dani yuurursatay.  Malaha, meel durugsan bay ahayd oo aan maalisawaal laga ga soo geyoon karin; sidaas darteed, guuro habeennimo ayaa lamahuraan noqoday.  Waxaa la yidhi si weyn buu uga walaacay, waxa se ka badatay gawraxii marantidiisa.  Wuu  guurogalay oo waddada ayuu, ugu dambayntii, cagta saaray.  Kolkii uu cabbaar baaledaymood soconaya ahaa, ayuu arkay mututuul madow oo waddada qarkeeda ah. ‘Wuxu ma bahal baa mise talow waa wax kale’?!  Waa bahal buu nafta u sheegay.  Ma sii hakanin ee run buu ka dhigtay.  Ta uu asagu isu sheegay buu rumaystay.  Hore tallaabo kale u ma qaadin.  Waxu geed buu ahaa oo markii waagu walalacay, ayey runi hortiisa timid; waa uu ku maalinsawaalay oo canaani na ku raacday.  Cigaal Shidaad waa male-awaal uu garaadka wadareed ee dadka Soomaalidu hal-abuuray; ilaa maanta na murtideeda, ayaa la la baxaa.  Ta sheekadani waxa weeye: xataa marka aanay xin iyo xumayni ka dambaynin, garaadka sami khasaaraha beenta ayuu ku talogalaa oo uu ismoodsiiska kaga ga tagaa.  Yaqiintaa la doortaa, la na raadshaa oo lagu shaki-baxaa.  Soomaalida maanta aad bay u yartahay inta ay runta ku kala shaki-baxdaa.  Beenta ay male-awaashay, ayey isku dilaysaa oo khasaaraheeda ayey rarataa. 

Caqilga san iyo dhaxalka aqoonta aadamigu waxa ay inoo sheegayaan in runta adduunkani ka badan tahay oo ka weyn tahay inta qof, laba iyo kooxi haleesho.  Runtu waa dhinacyo-badan; waa socoto goob iyo goor leh oo jiritaankeedu waa jiraallo isku wada xidhan.  Caqliga qumman iyo cilmiga dhabta ah ee aadanahu runta wuu ku durkaa oo in uu ku sii dhawaado mooyiye, mar na gunteeda ma soo taabto.  Inta hal qof arkayaa na waa wax aad u yar.  Biirsiga iyo isku darsiga wadarta ayey ku jirtaa.  Murtidu waxa weeye: runtu inta kelidaa kuu muuqata ma aha ee dadka kale na wax weydii. “Galladu na waxay saaran tahay wax isu geygeyn”; waxa sidaas yidhi Maxamed Ibraahim Warsame Hadraaawi(Gudgude).Midda kale, runtu way galgalataa oo socotada taariikhda ayey isla rogrogtaa.  Ahaanshaheedii waayo hore, baa beryo dambe noqda sida kale.  Immisaa kaymo duud jiq ahaan jiray, baa dalalowsi iyo witir ban ah noqday; meeqaa ceel buqdho ahaa, baa hunguufti madhan ku dambeeyey.

Isku-maranta run iyo beeni waxa ay dhextaal walaxaha jiraalka debedda inaga ah ama inaga noqon kara iyo iskii-araggeenna gaar ahaaneed, kow iyo kooxba. Waayo-aragga kooxda bulsheed iyo ta qofeed ba waxaa ka dhasha si-aragyo, uqaadasho, iyo jidraacyo la caadaysto.  Sida ay ugu hirgeshay baa loo rumaystaa oo maguuraan loo qaataa.  Maalin daran bay runtu hirdidaa.  Soojireenkii boqollaal sannadood lagu dhaqmayey, garashada dadka wuu midiidinsadaa.  Waa la isaga hoggaansamaa oo la isma weydiiyo run iyo been, waxtar iyo waxyaallo uu leeyahay midna.  Goor khasaarihiisu badtay baa hawl iyo haydaaaro laga ga guuraa.  

Sidaas darteed, soojireenka dhaqanka iyo hiddaha bulsheed na run iyo been baa isku maran.  Aadamigu waa noole busheed;  jiritaan kale weligii ba ma laha, lagu ma na arag.  Haseyeeshee, heer kasta ba kob iyo kobo baahiyeed bay bulshaynimadu ka unkantaa. Waxa ay yeelataa qaab-dhismeedyo iyo garaad ay bulshannimadu ku negi noqoto.  Isbed-beddelkeeda maaddiga ah ayaa ka sahlan oo ka soo horreeya garashadeedda.  Waxtar iyo waxtaransiba teedii hore ayaa beenowda; haseyeeshee “sidaas baa wax ahaan jireen” baa la dhahaa oo loogu dhegganaadaa.

Hadda marar badan baynu maqalnaa, kuwo badan oo yidhaa: dhibaatadeennu waa: dhaqan wacan baynu lahayn oo aynu ka tagnay” iyo “daawadeennu waa dhaqankeennii suubbanaa oo aynu ku noqono“.  waa garaad ama wacyi ku  maqan riyo iyo beri si wax ahaan jireen.  Waxa lagu dheggan yahay waa dhaqan aan runta maanta jirta xidhiidh weyn la lahayn; baahida bulshada maanta iyo waayaha adduunkeeda na mugdi baa kaga jira.  Waa qof arki la’ runtii shalay ee maanta beenowday.  Nin baa xaaladda Soomaalida, waxa ay tahay iyo waxa laga yeeli karo, ka soo jeediyey dood adag iyo su’aal deedafo ah. Waxa uu yidhi: qabiilka miyaa laga maarmaai karaa?  Su’aal ka ma aha ee waa duurxul u dhacaya “laga ma maarmi karo”.  Run aan biyo ka dibcin buu taas u arkaa.  Waa garaad weligii ba ku maqan sidii waayo hore wax ahaayeen, ka na maqan sida maanta wax yahiin.  Kelida qofeed iyo kooxda bulsheed ba, ma aha kuwii waayo hore jirey; ma na jiro maanta qabiilkii baahida nolosha la la hoos geli jiray. 

Tusaale kale na, (waa iga male-awaale): laba Soomaali oo runta aad ugu kala durugsan baa kulmay.  Koodii hore ayaa weydiiyey oo yidhi: Qoloma ayaad tahay?  Kii labaad baa su’aal ku warceliyey oo waxa uu yidhi: ma aniga ayaad aqoonsigayga rabtaa?  Haa buu yidhi.  “Hebel oo Ina Hebel ah baan ahay” buu yidhi.  Ma uu siisan oo waxa uu ku yidhi: “Waar isu kay sheeg; anigu magacaaga ku ma aan weydiine; qoloma ayaa tahay“!  Bal aynu isweydiino ee aqoonsiga runta ah ee qofka ayamaa ah?  Ma magac qabiil, mise magaca qofka iyo tilmaamaha kale, sida xirfaddiisa, shaqadiisa, meesha uu deggan yahay, cinwaanka gurigiisa(haddii uu jiro) iwm?  Ka ba soo qaad oo qabiilna ku dar;  maxaa ay ugu fadhidaa sugidda jiritaanka qofkaas?  Waxaa jiray beri ay wadar qabiilo talo iyo tallaabo mid ah lahayd, qofku na, xeer iyo xaagaan ba, uu qolodiisa ahaa.  Sidaas darteed su’aasha ‘Qolo ma ayaad tahay?‘ run jirta ayey daba socotay.  Maanta runtaasi halkee taallaa?  Qabiil, magaca mooyiye, talo mideysa iyo jidraac isu hayaa ma jiro. “Reer Hebel baa sidaas yeelay ama tan iyo teer falay” awel been wax ka jiraan bay ahayd; maanta se waa been soocan’.

Cudurku meeshii u darrayd buu bulshada ka hayaa.  Waa Qiyamtii anshaxa dadnimo.  Halka ay runi ku baxday ee been laga doorbiday, waxaa ku baxay isrumaysi. Taas owgeed, waxa ay nolosha siyaasadda Soomaalidu ku falgashaa shaki iyo ismoodsiis. Waa ta keentay in arrin kasta oo timaadda ba uu ka dhasho is-afgaranwaa kolkii ba u guura isqabasho halis ahi.  

Meel run iyo isrumaysi laga waayey, wax badan oo kale ayaa la waayaa. Dulqaadashada, istaxgelinta, ammaanada iyo is-aaminaka iyo caddaaladda, sarriigashada, ceebta oo laga dhawrsado iyo wax kasta gobonnimo ahayd,  dhismaha bulsheed na ku taagnaa ba waa la daayaa; lidkeeda ayaa la doorbidaa oo wax walba sida kale ayaa loo rogaa.  Dhibaatada Soomaalidu waagan, waa tu arooraysa ilaa dareenka is-ahaanshaha Soomaalinnimo.  Haddii tani si socoto ma jiri doonaa dad magaca Soomaali ku dhaataa mise maya?  Badbaadadeedu waxa ay sugaysaa garasho ku dhisan caqli iyo majare raac cilmyeed, iyo damiir anshax dadnimo leh oo falaadka siyaasadeed iyo bulsheed mayalka u qabta. Haddii ay weydo, oo ay runtu agteeda dayro ka ahaato, beenta na la weheshado, aakhirka magaceeda ba aduunka waa laga waayi; Alle kama dhigo. 

W.Q. Rashiid Sheekh Cabdidillaahi “Gadhweyne”

Email: [email protected]


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.