Thursday, April 25, 2024
Wardheer News
  • Maqaallo
  • Slideshow

Isdiidan Doorasho Xor iyo Xalaal ah iyo Dastuurka Puntland

W/Q Maxamed Ismaaciil Maxamed (Siibad)

Waa run, in Dawladdi Puntland ee ugu horaysay jiritaankeedu ku xirnaa loona igmaday in saddex sano gudahood ay dastuur ku soo diyaariso, dalkana ka hirgeliso doorasho xor iyo xalaal ah. Nasiibdarro, shacabka Puntland wali ma arkin doorasho xor iyo xalaal ah.  Dawladihii isaga dambeeyay Puntland ee dayacay shaqadii loo igmaday, waxay keentay in ay maantay Puntland geedi socodka dawladnimada Soomaaliya ay gadaal ka raacaan. Puntland, Soomaaliya horseed ma u noqon kartaa? Haa, laakiin ma noqon karto haddii wali la adeegsanayo maskaxdii gayaysiisay in ay maanta marti ka tahay.

Nasiib wanaag, kal hore ayaa Madaxweyne Deni dhabada u xaaray geedi socodka nidaamka xisbiyada badan.  Wuxuu durba magacaabay Guddiga Doorashooyinka ee ku Meelgaarka ah (TPEC).  Guddigu wuxuu isla markiiba soo bandhigay qorshaha nadaamka lagu hirgelinayo, oo ay ka mid tahay in saddex degmo oo cayiman laga qabandoono doorashada Golaha Deegaanada oo hordhac ah, natiijadana lagu dari doono tan caamka ah ee dhici doonta Oktoobar, 2021.

Qoraaga maqaalkan oo ah Guddoomiyaha Urur Siyaasadeedka Mustaqbal (USM) ahna xubin baarlamaanka Puntland, ayaa muujin doona in geedi socodka dimoqaraadiyaynta Puntland uu leeyahay goldaloolo badan oo u diidaya doorasho xor iyo xaal ah in ay dhacdo, haddaan doorsoomayaasha nadaamka hagaya wax laga beddelin.

Waxaa xusid mudan in Puntland ansixisay dastuur, 2012, uuna yahay waxa haga geedi socodka doorashooyinka Puntland.  Haddaba, maxaa isdiidan oo Dastuurka ka dhigaya mid aan lagu gaari karin doorasho xor iyo xalaal ah?

Waxaa u diiddaya waa dastuurka oo aan caddayn iyo xeerar qofka “muwaadinka” ah ka qaadaya xuquuqda uu isku sharixi karo ama cidduu doono ku dooran karo.  Waa awoodda siyaasadda dalka oo lagu gaar yeelo, si sharci ah, 10-ka sano ee soo socda saddexda xisbi ee ku guulaysta doorashooyinka Golaha Deegaanada ugu horeeya. 

Waa xeerka u diiddaya dadka Puntand in ay sharixi karaan cidda ay jaclaystaan in ay xil u qabato ama u diiddaya “muwaadinka” Puntland in uu xil isu sharaxo, haddii aanu soo sharixin xisbi ka mid saddexda xisbi. Waa qabashada doorasho hordhac ah oo laga qabanayo degmooyin cayiman, taas oo burinaysa dastuurka Puntland oo amray in doorashooyinku ay caam noqdaan.

How daymo la’aan, in goldalooladu tahay in nadaamka geedi socodku ka xayuubinayo inta badan ee reer Puntland awoodda siyaasadda dalka loona xirayo in yar.  Ma suurtowdaa? Haa.  Sababtu waxay tahay in marar badan Dastuurka Puntland uu xuquuq siiyo “muwaadinka”, isla markaana uu xuquuqdaas kaga qaado faqradda xigta, ama xeer.  Tusaale; Qodobka 22aad ee Dastuurka (Xaqa Saxaafadda): 1. Saxaafadda iyo warbaahinta xorta ahi waa ay ka madaxbanaan yihiin faragelin dawladeed, waxayna u hoggaansamayaan sharciga oo kaliya. 2. Xeer gaar ah ayaa xadidaya xoriyadda saxaafadda.

Xeerkaa gaarka ahi waa Xeer Lr. 5 ee 29/7/2014.  Qodobka 6 aad (Waxyaabaha ka Reeban Warbaahinta), B. (In la baahiyo):  2. Warar iyo dacaayado dhaawacaaya nabadgelyada, xasiloonida qaranka, dhaqaalaha iyo danaha guud ee ummadda Puntland.

Halkan, waxaa xeerku ka reebayaa warbaahinta in ay baahiyaan war haddii uu dhaawacayo Puntland.  Warbaahintu ma baahin karaan war run ah, xittaa haddii xukuumaddu meel kaga dhaco aayaha Puntland ama ay caddahay in xukuumaddu si aan sharci ahayn u adeegsatay hantida dalka.  Ma kala cadda haddii uu warku dhaawacayo Puntland iyo haddii uu dhaawacayo xukuumadda markaa jirta!  Mase Puntland waxaaba Xeerku u yaqaan xukuumadda markaa jirta?

Sidoo kale, Qodobka 44aad ee Dastuurka (Doorashooyinka): 1. Muwaadin kasta oo buuxiya shuruudaha doorashada wuxuu xaq u leeyahay inuu wax dooran karo lana dooran karo.

Haseyeeshee, qodobkan dastuuriga ah waxaa buriyay Xeer Lr. 6, Qodobka 7aad (Murashixiinta u Tartamaysa Doorashooyinka). 1. Qof kasta oo muwaadin Puntland ahi wuxuu xaq u leeyahay in la doorto, waxna uu doorto, hase yeeshee, waxaa murashax noqon kara: b. Qof ah muwaadin Puntland, urur/xisbi uu soo sharaxay, buuxiyayna shuruudaha Dastuurka iyo xeerku dejiyay. t. Waa in uu yahay Muslim kuna dhaqmaa diinta Islaamka.

U fiirso, in Qodobka 44(1) ee Dastuurku “muwaadinka” Puntland xaq u siiyay in uu cid dooran karo lana dooran karo, markuu shuruudaha Dastuuriga ah buuxiyo.  Haseyeeshee, Xeer Lr. 6, Qodobka 7 (1) (b & t) ayaa laalay xuquuqdaas.

Waxaa cajiib ah, in Dastuurka dhinac ka siinayo warbaahinta in ay ka madaxbanaan yihiin faragelin dawladeed,  dhinaca kalena uu ka garbaduubayo xornimadaas, iyada oo aysan jirin wax xadgudub ah oo lagu sameeyay Xeerka Ciqaabta Soomaaliyeed.  Sidoo kale, Dastuurku wuxuu “muwaadinka” xaq u siinayaa in la dooran karo waxna uu dooran karo, laakiin xuquuqdaas waxaa laalay Xeer Lr. 6 ee 2016.

Intaa waxaa dheer, in Dastuurku faray in la tiro koobo dadka reer Puntland intaan doorashooyin loo dareerin. Dastuurku wuxuu farayaa in tirada xubnaha Golaha Deegaanadu iyo tirada xubnaha Golaha Wakiiladu ay ka turjumaan tirada shacabka ay wakiilka ka yihiin.

Marka laga hadlo tirakoobka, Dastuurku wuxuu qorayaa,  Qodoba 6aad (Tirakoobka): 1. Dadweynaha Puntland tobankii sanaba marbaa la tira koobayaa. 2. Xeer gaar ah ayaa tilmaami doono waqtiga iyo habraaca tirakoobka.

Inkastoo Dastuurka la ansixiyay 2012 uu sidaas faray, haddana ma jirto wax tirakoob ah oo la sameeyay, mana jiro xeer loo sameeyay, ilaa iyo hadda.

Uma baahna caqli badan in la garto in Baarlamaanka gudihiisa codka xildhibaanadu uu isku miisaan yahay, sidaas darteed, ayay muhiim u tahay in ay tirada dadka ay wakiilka ka yihiin ay isleegyihiin.  Sidaan waxaa caddaynaya Qodobka 44aad ee Dastuurka oo ku saabsan Doorashooyinka.  Si aan shaki ku jirin wuxuu farayaa in waqtiga doorashada kuraasta Baarlamaanka iyo kuwa dawladaha hoose ay ku xirnaan doonaan tirada dadka ee deegaan doorashadaas.

Qodobka 44aad (Doorashooyinka) ee Dastuurka faqraddiisa: 5. Sharciga ayaa xadidaya aagagga doorashooyinka ee Golaha Wakiilada iyo Golayaasha Degmooyinka.  Tirada kuraasta uu gobol ku yeelanayo Golaha Wakiilada iyo xubnaha golayaasha degmooyinka waxay ku xirnaanaysaa hadba inta uu le’eg yahay dadweynaha ku nool gobolka ama degmada.  Waa marag ma doonto, in Dastuurku cadeeyay in aysan doorasho xor iyo xalaal ah dhici karin iyada oo aan tirakoob la samayn.

Isla qodobkaas 44aad faqraddiisa: 4. Codbixintu waxay noqonaysaa mid caam ah, dadku u simanyahay, shakhsi ah, qarsoodi ah, waxaana reebban in qof lagu farageliyo doorashada meesha uu codka marinayo.  In kastoo, qodobkani uu caddaynayo si aan shaki ku jirin in doorashadu ay noqoto mid caam u ah reer Puntland, haddana TPEC waxay qorshaynaysaa in ay saddex degmo oo cayiman ay doorasho hordhac ah ka qabato, iyada oo natiijada lagu dari doono doorashada caamka ah oo mar dambe dhici doonta.

Haddii arrintani dhacdo, waa ula kac meel lagaga dhacayo Dastuurka.  Iyadoo awalba Dastuurku nuglaa, ayay tani ku noqonaysaa goldalool dheeraad ku ah geedi socodka dimoqoraadiyanta.

Dastuurka Puntland waa caddeeyay cidda aan xil isu sharixi karin iyo sababta ka reebaysa “muwaadinka” in uu murashax noqdo, waxayna ku cad yihiin Qodobka 45aad.  Balse, shuruudahaas kuma jirto in aan “muwaadin” xil isu taagi karin haddii aan urur ama xisbi soo sharixin.  Haseyeeshee, Xeer Lr. 6 Qodobka 7aad ayaa ka reebaya in uu xil isu sharaxo haddan urur ama xisbi soo sharixin.  Arrintani waxay meel ka dhac ku tahay xuquuqda  aasaasiga ah ee “muwaadinka”, taas kaliya ma aha ee waxay u muuqataa in awoodda siyaasadeed ee Puntland loo xirayo kooxdo gaar ah.

Sidaan kor ku sheegnay, geedi socodka dimoqraadiyaynta Puntland waa mid goldaloolo badan leh oo aan doorasho xor iyo xalaal ahi ka soo bixi karin, haddaan wax la sixin.  Maadaama Dastuurka uu hago nadaamka doorashooyinka, haddaan dib u eegid lagu samayn qodobada saxaafadda iyo doorashooyinka, oo saameeya sidii ay doorosho xor iyo xalaal ahi u dhici lahayd, la daawayn mayno cudurka  ee waxaan la tacaalaynaa astaamaha cudurka.

Haddaba, waxaa lagama maarmaan ah in xukuumadda iyo Baarlamaanku ka wada shaqeeyaan talaabooyinka lagu saxayo goldaloolada geedi socodka nadaamka.  Gaar ahaan, baarlamaanku waa hay’adda ugu muhiimsan oo shacabku ka filayo awooddana u leh dhaqangelinta iyo/ama wax ka beddelka arrimahan soo socda:

  1. Dastuurka: Qodobka 22aad waa in lagu ekeeyaa qiridda xornimadda saxaafadda.  Wixii xadgudub saxaafadeed ah waxay noqonayaa waxyaabo dembi ku ah Xeerka Ciqaabta Soomaaliyeed. Tusaale; fidinta war been ah oo loola kacay in dal iyo dad wax lagu yeelo ama aflagaado qof loo gaystay. Si kastaba, dastuurku uma madax banaanayn karo in xukuumadda jirtaa waxa la baahinayo ka dhigi karto la jiifiyaana banaan.  Haddii xukuumadda markaa jirtaa ay arrin ku fashilanto waa in shacabku war helaan.
  2. Xeerka Lr. 5: Qodobka 6 B (2) oo reebaya waxyaabaha aanay saxaafaddu baahin karin, waaba in gebigiisaba meesha laga saaraa maadaama aan doorasho xor iyo xalaal ahi qabsoomi karin xornimada saxaafadda la’aanteed.
  3. Dastuurka: Qodobka 6 (1 & 2) ee ku saabsan tirakoobka waa in la hirgeliyaa intaan wax doorasho ah la holiyin.  Hirgelinta qodobkan waxay keenaysaa in uu hirgalo Qodobka 44 (5) ee Dastuurku, kuna saabsan tirada xildhibaanada iyo xubnaha Golaha Deegaanada ee laga soo dooranayo gobol iyo degma walba.
  4. Xeer Lr. 6: Qodobka 7 (1) (b & t) waa in la laalaa si “muwaadin” kasta ee Puntland oo buuxiya shuruudaha doorashada uu u helo xuquuqdiisa dastuuriga ah, ahna in la dooran karo isna cid dooran karo. 
  5. Dastuurka: Qodobka 46 (3); Saddexda urur siyaasadeed ee ugu codadka badan tartanka koowaad ee Golayaasha Deegaanada ayaa noqonaaya saddexda xisbi siyaasadeed ee rasmiga ah.  Faqradan waa in wax laga beddelaa maadaama uu si ula kac ah uu awoodda siyaasadeed ee dalka ugu jajuubayo saddexda xisbi ee marka ugu horeeya ku guulaysta Golaha Deegaanada. Maxaa saddex xisbi oo kaliya u xiray awoodda siyaasadda dalka?  Maxay u noqon waayeen shan, todoba, toban, ama kuwa aan tiradoodu xaddidnayn?  Shacabku ma wuusan kala saari karin xisbiyada ku guulaysanaya hogaanka dalka, xilli doorasha kasta, mase waa bahaa’in oo laguma halayn karo?
  6. Dastuurka: Qodobka 46 (4); Labadii xilli doorasho kaddibba waxaa furmaya tartanka ururada siyaasadeed. Faqraddan waxay isku dayaysaa in ay dadka ka dhaadhiciso in xisbi toban jirsaday uu la tartamo urur higsigiisu yahay Guddiga Doorashooyinku ma kuu aqoonsan doonaa urur siyaasadeed? Markaan si kale u niraahno, waxaa tartami doona ilmo 10 jirsaday iyo mid wali uurka ku jira!

Waxaan ku soo xoorinaynaa, in aan cidna shaki kaga jirin in ciddii qortay Dastuurka niyaddoodu ay rabtay samaha Puntland. Haseyeeshee, Dastuurka iyo xeerarka uu abuuray ee aan hadda haynaa ma aha kuwo gaarsiin kara doorasho xor iyo xalaal ah.  Doorasho xor iyo xalaal ah waa waxa Puntland u baahan tahay gaarsiinna kara wadajir siyaasadeed, maamul wanaag, iyo horumar dhaqaale. Tani waxay ku iman kartaa iyada oo shacabku awood u yeeshaan in si xor iyo xalaal ah ay u doortaan madaxdooda.  Wixii intaa ka sukeeya, markay ugu fiicnaato waa awoodda dawladnimo oo kooxi maroorsato, haddii kalena waa bakaylow nin iyo bur. 

Haddaba, si ay shuushow bax u noqoto waa in shacab iyo dawadba gacmaha la isqabsadaa oo Dastuurka wixii sixid u baahanna la saxaa wixii hirgelin u baahanna la hirgeliyaa markaasaa doorasho xor iyo xalaal ahi qabsoomi kartaa.

Hon. Mohamed Ismail Mohamed (Siibad)
Email: [email protected]

————–
Xildhibaan Maxamad Ismaaciil Maxamad (Siibad) waa qoraa, macallim, iyo diblomaasi hore ee Soomaaliya.  Wuxuu xilal kala duwan ka soo qabtay Maamul Goboleedka Puntland, haddana waa Guddoomiyaha Urur Siyaasadeedka Mustaqbal iyo Xildhibaan Golaha Wakiilada Puntland.


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.