Friday, April 19, 2024
Wardheer News
  • Maqaallo
  • Slideshow

HUBSIINO HAL BAA LA SIISTAA!

W.Q. Cabdirisaaq Baraag

Baraag
Cabdirisaaq Baraag

Qormadaydani waxa ay leedahay labo ujeeddo oo kala ah, kow: in aan soo dhaweeyo af aqoonka Dr. Georgi Kapchits oo wax ka yiri qormo aan dhawaan qoray oo cinwaankeedu ahaa ‘Ayax Tag Eel na Reeb’.

Waxa uu uga jawaabay qormo uu u bixiyay ‘Gacan Gadaal ka Baqaysa Geed ma Goyso’. Labo: inaan cilmi ahaan iyo taariikh ahaanba sharxo xigta aan kor ku xusay ee Ayax taga eelna reeb..

Ugu horrayn waxa aan soo dhawaynayaa af aqoonka reer Ruush Dr. Georgi Kapchits. Waxa aan dareemayaa in uu wax badan isku hawlay afkayga hooyo, middaas oo aan ku bogaadinayo ugana mahad celinayo. Waxaa kale oo aan dareemayaa in uu aqoon u leeyahay tixda afka iyo tiraabta ba, taasi na waa sababta uu qormadayda wax uga yiri inkaste oo xoogaa xanaf ahi ka muuqato sida cinwaanka qormadiisa iyo meel uu ku sheegay in aanan baaris badan samayn iwm. Hadda se, waxa aan leeyay aynu isku rati ku guurno intii aynu goosad goosan noqon!

Hadda ba, su’aalaha imaan kara waxaa ka mid ah: Armaa ‘ayaxa’ laga hadlayaa yahay midkii cayayaanka ahaa?

Asalkeeda ba, xigtani ‘Ayax tag eel na reeb’ waa xig xaraf raac leh. Xarafkeedu waa ‘shaqal’. Shaqal intiina aan garanayn waxaa loola jeedaa goorta la joogo tixda waa in ka mid ah astaamaheeda. Tusaale, ‘walaalkaa markhaatiga ku fur, magta na la bixi’ waa maahmaah xaraf raac leh. Xarafkeedu waa ‘m’. Taas micnaheedu waxaa weeye in ay ku socoto ‘m’ oo la ma oran karo ‘walaalkaa markhaatiga ku fur, geela na la bixi’ oo xaraf raacii ayaa jabaya. Sidaas si la mid ah goorta tixda la joogo shanta shaqal ‘a, e, i, o & u’ waa isku xaraf. Markaa xigtan xarafka ay ku socotaa waa ‘shaqal’. Oo maxay ayay sharraxaadddaasi faa’iidaynaysaa?

Waxaa suurtowda in dad ku doodo in xigtani maahmaah tahay oo Ayax Maxamed Dhawre aanuu ahayn ‘ayaxa’ dhab ahaantii la jeedo ee uu yahay ‘ayaxii’ koronkorta dhali jiray oo hadhaw dhulka inkaartu ka soo yaaci jirtay. Hadda xusuuso ‘ayaxu’ waxa uu dhalaa ‘koronkor’. Anigu waxa aan leeyahay haddii ayaxaas laga jeedo waxaa la oran lahaa ‘ayax tag, koronkor na ka tag’. Sabab?

Mararka qaar si loo ilaaliyo xaraf raaca oo aanuu u jabin aya la baddalaa sidii uu hadalku ku toosnaa tiraab ahaan. Tusaale, wiil tuug ah ayaad la soo fariisatay maalintii dugsiga kuugu horraysay. Waxa uu ku yiri, ‘war sow ma arkaysid in aan kaligay ahay? La ilama fariisto aniga’! Inta aad iska dhaga tirtay ayaad kursigii bannaanaa fariisatay. Biririftii ayaad soo laabatay iyada oo qalinkii kaa maqanyahay. Show wiilkii cabbanaa ayaa kaa jeeb siibay. Saaxiibbo kale ayaa kuu maahmaahay oo ku yiri ‘nin kuu digay ku ma dilin’. Maxay ayay u oran waayeen ‘nin kuu digay wax ku ma yeelin’ oo ay meesha dil aan joogin u keeneen? Sababta oo ah waxaa la ilaalinayaa xaraf raaca maahmaadan oo ah ‘d’.

Markaa dooddaydu waa ayaxu ‘koronkor’ buu reebaa ee ‘eel’ ma reebo. Sidaas darteed, ayaxa laga hadlayaa waa Ayax Maxed Dhawre ee ayaxa xasharaadka ah ma ahan, sababta oo ah ma jirto sabab ‘eel’ meesha loo keeni karay iyada oo maahmaahda xafakeeda la ilaalin karay.

Oo haddaa ma Ayax Maxamed ayaa ‘eel’ reebay? Haah! Sidee? Iskeeda ba, ‘eel’ waa xanuun dib u soo kicitima. Waxaa la oran jiray xanuunka uu reebo nabar dusha ka dadan gudaha se ka buka. Markii uu soo kacdoomo ayaa la oran jiray ‘eel’ buu soo ceshay. Hadda ma shaki baa kaaga jira in ujeeddadu ahayd in uu Ayax ka tagay gabayo mar dambe dhib laga dhaxli doono? Maya, oo meeshii la oran lahaa ‘Ayax tag, gabayo na ka tag’ ayaa halkii ‘gabayo’ ahayd ‘eel’ lagu baddalay si xarafka xigta loo ilaaliyo.

Taariikhdu maxay ka leedahay xigtan? Yaa se jileyaal ka ah sidii ay ku baxday?

Goobtu waa Mudug goortu na waa horraanta qarnigii labaatanaad ee ina sagoontiyay. Duddadu waa Majeerteen, Cumar Maxamuud, reer Khalaf. Iyada oo nabad loo dagganyahay ayaa Ayax Maxamed Dhawre oo afhayeenka beesha gabayada ku difaaca ah wax qoonsaday.

Lo’ caruuri raacday ayaa ciriq aan la mahadini ka soo laabatay. Sac jabay oo la xalaaleeyay ayay iniqdu daarranayd. Magaddiisii in la iska dhaarsado ayay ugu dambayntii tagtay. Dabaakho hore, qoonta saca iyo kuwo kale oo uu Ayax saadaalinayay in ay mustaqbalka iman karaan ayaa kala boodka keenay. Waxaa sheekada jilayaal ka ah:
Ayax Maxamed Dhawre: waa jifo quudka iyo qaaraanka ba reer Khalaf ah aan se dhalasho la wadaagin. Magacoodu waa reer Dagaal. Laba ilaa saddex qarni ayay reer Khalaf isku labnaayeen oo wax walba wadaageen. Middaasi waa tu Soomaalida dhexdeeda caan ku ah oo haddii duddo tun yari la bido waxa ay ku biirtaa mid ay cadawga iska kaashadaan, wax wada coodtaan, ceelka wadaagaan, cududdooduna wada jirto. Ayax na waa afhayeenka beeshiisa reer Dagaal iyo beesha ay la midowday ee reer Khalaf inta ba.

Cigaal Axmed Warsame Khalaf (Cigaal Caymo): Cigaal waa nabaddoon waana abwaan. Xigta sare kali ah lagu ma xasuusto ee sidoo kale waxaa lagu xasuustaa xigta iyana buugga gashay ee ah: ‘Ximcaddow: Rabbi deeqdi kuuma dhinna ee biyahaaga cesho’. Maxay ku baxday? Waa ayaa Cigaal soo ag dagay balli Ximcadde la yiraahdo oo aan biyaha ceshan asuusan isugu sidaas horay u ogayn. Roob ayaa da’ay mahiiggaan ah subaxdii se goortii reer Cigaal u arooreen balligii waa eber oo xalay ayuu biyihii sii daayay. Waxaa gadaal laga ogaaday in ay sidani balliga caadadiisa tahay. Maalin dambe ayaa Cigaal ag jirsaday balligii oo roob ku da’ayo. Goortii roobkii kacay ayuu balligii la ballamay. Xigta sare ayaana ballantii Cigaal Caymo ka dhalatay.

Jilayaal kale iyana waa jiraan waxaa se maanta mihiim inoo ah sidii ay wax u dhaceen. Ayax waxa uu guddoonsaday in uu reerahan ka guuro oo reero kale la middoobo waxa uuna tiriyay gabaygii tariikhda galay ee ‘Qab qab dhaafay’. Gabaygu waa mid ka mid ah gabayada Soomaaliyeed kuwa ugu dhaadheer. Taariikhyahanada qaar ayaa in uu 120 tudcood ka badnaa gaarsiiya, waa se aan soo gaabinayaa.

  • Qoddob waa qolada reer Xasan ah qawl aan maqashiiyay,
  • Dadku waligiis waa is qoomi jiray taniyo qaabiile,
  • Qawaaniintu waa inuu nin ragi kula quwoodaaye,
  • Rabbi labaduu kala qaadayaa qurux ma yeeshaane,
  • Wax se qoonsimaadkeen ka kacay qaadistii saca e,
  • Qarankeen waxuu jabay markii qaaddi la is badaye,
  • Naftaa laga qiblooday ruux yamiin qoorta loo suraye,
  • Qab qab dhaafay bay labo qabiil qaran ku waydaaye,
  • Waa qaydar law kaaga go’ay hadalka qaarkiise,
  • Qabbaanimo ninkii iga damciyo ii qasaal marada,
  • Qaddartaas Ilaahay igu ma qaban qoodhay xeradaye,
  • War yaan xaajo aan I qaban lagu igu soo qaadin,
  • Qabkaad Mudug la joogtaan rag waa isku qatalmaysaane,
  • Haddaan qaranka reer Diini tago qaali baan noqone,
  • Qalax iyo haddaan Aricad dago ma adiinkaa I qooran?
  • Xaajada qumaataa aniga la I gu la qaataaaye,
  • Kolka awrka maan soo qabsado quusashaan ahay!!!

Waa jeerkan marka Cigaal Caymo Ayax laga daba diray. Waxaa la dareemay in ay gaf ahayd sidii Ayax loola dhaqmay hadda na aan laga maarmi doonin maadaama colaadi soo aaddantahay ay reerihii reero kale is qoomeen, daannooyin isu gaysteen, gabayo na soo tiriyeen. Waxaa la dareemay in ay adagtay in la helo cid aan Ayax ahayn oo reeraha gabayga ka toosin karta. Meeshii uu Ayax ku aaddanaan jiray ayaa dabayl aan loo adkaysan karin ka soo dhacday. Markaan ayaa Cigaal oo aan isagu Ayax wax ka duudsiyin ay saaxiibbo dhawna ahaan jireen yaraantii Ayax loo diray. Waxaa loo sheegay in Ayax loo yeelidoono waxii uu ku qancayo maanta dabadeed na aan qadaf lagu la kicidoonin abid. Waa tan se jawaabtii Ayax. Waa midda ‘eelka’ reebi doonta sidii Cigaal arkayay.

  • Cigaalow dadkii wada ogaa saad ka damacdeene,
  • Dirham nimaan kuu quurahayn dahab haddaad siiso,
  • Dariskooda nacay reerihii damaca waallaaye,
  • Dabac iyo wanaag baan ka helay daris Mareexaane,
  • Reer Diini oo idili way dabbaal dagaye,
  • Wax dhan baan dagaal iyo af xumo dirir u taagnaaye,
  • Iska diiday reer Hagar haddaad cid u diraysaane,
  • Dabaylaha ceelkakan waxaadan loogu dacasoobin,
  • War dantaada garo goortaan damcaan qolo ku duufaaye!

Hadda dabadeed, ma dood baad ka taagan cidda dhab ahaantii iska lahayd xigta qormooyinkan labada ah ee dambe dhalisay ‘Ayax Tag Eel na Reeb’ –Cigaal Caymo? Maanta dabadeed se miyaa yaraani cid u qusurin doontaa? Cabdiraxmaan Barwaaqose miyuu noqon doonaa abwaan dadka qalaadi cilmi af Soomaali ah ka qaataan? Miyaase baarid badan la isku hallayn doonaa?

W.Q. Cabdirisaaq Baraag
Email: [email protected]


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.