Thursday, April 18, 2024
Wardheer News
  • Maqaallo
  • Slideshow

Gacan Gadaal ka Baqaysaa Geed Ma Goyso!

W.Q. Dr.Georgi Kapchits

kapchits
Dr Georgi Kapcnits

Waxaan aad ugu faraxsanahay in qayb kasta oo ka mid ah murtida Soomaaliyeed ay weli nooshahay soona jiidato dhallinyarada.

Haddii wax laga taataabto maqaalka la yidhaahdo “Ayax teg, eelna reeb” ee uu qoray Cabdirisaaq Baraag, waxay ila tahay inuu mudan yahay in faallo kooban laga bixiyo.

Marka ugu horreysa, waxaan raalli ka ahay in Cabdirisaaq uu yahay nin geesi ah mar hadduu ku dhiiraday in uu muujiyo ra’yi ku saabsan “maahmaah” iyo “xig” isagoon cilmibaaris badan ku samayn sheyga uu xiiseynayo.

Anoo u jawaabaya Cabdirisaaq ayaan marka hore jeclaan lahaa in aan u tilmaamo maqaalkii aan hore ugu qoray WardheerNews oo aan ku magacaabay Tol Waa Nin Qumman Qabanqaabadiis iyo Nin Qalloocan Qabanqaabadiis”, kaasoo aan ku muujiyey waxay ku kala duwan yihiin maahmaah iyo oraah, misna noocyada ay labadoodu u kala baxaan.

Taa waxaa weliba u sii dheer in aan dooneyo in aan la qaybsado Cabdirisaaq qodobbo dhowr ah oo ku saabsan aragtida casriga ah ee la xiriirta maahmaahda. Isagoo ku halqabsanaya odhaah Ingriisi ah, wuxuu yidhi: “Maahmaahdu waa weedh gaaban ee ku saleysan waaya’aragnimo qoto dheer leh”. Waa suurtoggal, inkastoo ay jiraan kumanyaal qeexidood (definitions) oo kale oo muujiya maahmaahdu waxay tahay. Hase yeeshee midna kama ay salgaarin dabiicadda maahmaahdu waxay tahay.

Sida runta ahna maahmaahdu waa astaan xaaladeed (a sign of a certain situation). Dabeecadda astaameed ee maahmaahdu waxay ka dhigtaa shey ku habboon af la arkaba, waxayna ka jawaabtaa su’aasha ah: Maxaa jira ee maahmaahaha u kala gaarka ah dadyawga kala duduwan ee adduunka ku nool ay aad isugu eg yihiin? Sababta ay isugu eg yihiin waxay tahay in xaaladuhu (situations) ay iskaga mid yihiin meel walba, weliba hab-ku-fekerka dadyawga, meel ay joogaanba, uu isku mid yahay:

Far keli ah fool ma dhaqdo (Soomaali) = Far keliya diqsi ma qabato (Oromo) = Nin keliya col ma aha (Ruush). Saddexdaas maahmaahood macno-ahaan waa isku mid. Waxaa keliya ee ay ku kala duwan yihiin waa hummaaggada laga adeegsaday.

Haddiise wax laga taataabto maahmaah iyo xig (xigasho, halqabsi, halkudheg, ku wad), labadoodu waa weedho qof afkiis ka soo baxay. Waxayse ku kala duwan yihiin in qofkii maahmaah gaar ah curiyey magaciisu uu yahay mid aan la aqoon (la iloobay, maadaama uu noolaa muddo dheer ka hor), kii xig gooni ah alkumayna magaciisa la yaqaanno (maadaama uu weli nool yahay ama uu geeriyooday kol dhoweyd).

“Ayax teg, eelna reeb” muddo dheer ka hor ayay noqotay maahmaah, taasoo aan ku arkay buuggaag badan oo la daabacay ka hor intii af-Soomaaligu uu helay far rasmi ah, sannadkii 1972kii. Siduu ii tilmaamay Cabdiraxmaan Faarax “Barwaaqo” ee aan arrintaa kala hadlay, “Ayax teg, eelna reeb” waxay ka mid ahayd maahmaahihii uu daabacay Sh. Maxamed Cabdi Makaahiil sannadkii 1351kii ee Hijriyada. Waxaana xilligaa laga joogaa 86 gu’.

Xig waliba si ay u noqoto maahmaah laba shardi bay ku xiran tahay: 1) waa inay aad u faafto oo ay bartaan dad badani; 2) waa in la iloobo qofkii curiyey magaciisa.

Haddaba arrinta yaabka lihi waxay tahay, anigoo muddo aad u dheer ku hawlanaa urrurinta iyo baarista maahmaahyada Soomaaliyeed in aanan hore u maqal arrinta uu Cabdirisaaq ku andacoonayo ee ah in Cigaal Caymo uu iska lahaa murtida Ayax tag eelna reeb.

Arrinta kor ku xusan oo aan anigu shaki badan ka qabo xaqiiqnimadeeda waa mid u baahan in dib loogu noqdo dood badanina ay ka dhalan karto.

W.Q. Dr.Georgi Kapchits
E-mail:[email protected]
Website: www.kapchits.narod.ru
Moosko

———-
Dr. Kapchits waa khabiir ku takhasusay luqadda Soomaaliga, waxa uuna qoray buuggaag iyo qoraallo tiro badan oo la xidhiidha Afka iyo Suugaanta Soomaaliyeed. Dr. Kapchits waxa uu aad isugu taxalujiyaa baadhista iyo ururinta sheekooyinka hiddaha iyo maahmaahyada Soomaaliyeed. Dr. Kapchits waxa uu qoraalladiisa ku soo bandhigaa degalka WardheerNews. 


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.