Friday, March 29, 2024
Wardheer News
  • Maqaallo
  • Slideshow

HORTA YAA GOONI-GOOSATO AH: MA HARGEYSA MISE XAMAR?

W.Q. Maxamuud Cabdillahi Axmed

“Dhul aan ceel lahayn baan dhaankii u rarayaa
Adna dhool guyaadiyo Dhibicdii ma hayside
Dhacar baad ku nooshahay”. Ereyadii abwaan Cabdi Aadan Xaad (Cabdi-Qays)

Heesta khadra Daahir iyo Saado Cali ay wada qaadan ee “Dhul aan ceel lahayn“, waxay si xikmad iyo fan ba leh ugu maakubtay kala maaran la’aanta labada gobol ee taariikhiga ah ee Soomaaliya: koofur iyo waqooyi; iyo haddana is-faham darrada dhextaal.

Haddaba wuxu maqaalkani  isku dayi in dib loo yara jaleeco macaamilka siyaasadeed, taarikhda dhow, ee dhexmaray waqooyiga dalka (Somaliland) iyo Koofurta dalka (Soomaaliya), si wax looga barto.

Akhriste la soco, maqaalakan gudihiisa waxa isku bedelmi kara ereyada Somaliland/waqooyi/Hargeysa iyo ereyada Soomaaliya/koofur/Xamar/DFS.

Haddaba, aan ku billaabee, waxaan dhowaan dhegaystay waraysi uu bixiyey Professor Cabdi Ismaaciil Samatar oo uu cabasho ka muujiyey in wada-tashiyada qaran ee muddo ka socday Xamar ay had iyo jeer ka maqan yihiin wakiillo ka socda gobollada waqooyi (Somaliland) ee dalku; taasoo niyadjab weyn ku keenta hormuudka midnimo doonka ah ee reer waqooyiga.

Inta badan niyadjabka kaga dhaca Xamar midnimo-doonka reer waqooyi, waxa u sabab ah midnimada afka baarkeeda ah ee siyaasiyiinta koofurta; iyo dadweynaha koofurta,  oo intooda badani, aysan aad uga dhaad-qabin muhiimadda juqraafi, istraateji iyo taariikhda gaarka ah ee Somaliland. Waxa intaas dheer faham-darrada budhtuurka (elite) koofurta oo had iyo jeer maseeya, marka ay hadlayaan, Somaliland (SL) iyo Isaaq. Somaliland, taariikhiyan, waa ay ka ballaaran tahay reer keliya. 

Gefefka siyaasiyiinta koofureed ku faleen waqooyi waa badan yihiin. Tusaale ahaan, bishii Abriil 1991ayuu Cali Mahdi (AUN) iskaga dhawaaqay dawlad isagoo aan tixgelin dareenka shacabka waqooyi ee xasuuqa ba’ani ka soo gaadhay gacantii diktatoor Siyaad Barre. Malintaas laga bilaabo waxay qaadeen waddo ay og-yihiin inay xanuun iyo xanaf badan tahay: gooni-joog iyo ictiraaf la’aan.

Dawladda Federalka Soomaaliya (DFS) waxay oggolaatay in degmooyinka bariga Somaliland, gaar ahaan kuwa beelaha “Harti waqooyi”, kuraastooda baarlamanka la raaciyo Puntland; haddana waxay beesha caalamka ka aqbaleen in qoondada caawimada caalamiga ee ku soo hagaagta degmooyinkaas la mariyo Hargeysa. Bal adiguba is-qabadsii labadaas.

Ilaa iyo dawladdii Carte lagu soo dhisay, sannadkii 2000, ilaa hadda, mar qudha ayaa qof reer waqooyi ahi ra’iisal wasaare noqday (Cali Khaliif Galleyr), Ilaah ha u naxariistee. Duudsigaas waxay madaxda Xamar ugu qiil sameeyaan Somaliland meesha ma joogto noo, ama nidaamku 4.5 waaye noo.

Siyaasiyiinta koofurtu waxay dhegaha ka furaysteen baaqyadii waqooyiga ee ahaa in la abuuro Soomaaliya federaal ah oo ku salaysan koofur iyo waqooyi: maxmiyaddii Somaliland (SL) ee Ingiriiska iyo mustacmaraddii Talyaaniga ee Soomaaliya, ee is-raacay 1dii Luuliyo 1960kii. Laakin dheg looma jalaqsiin, waxayna madaxda Xamar qaateen nidaam federal ah oo ku salaysan reero iyo abtirsiin. Miraha qaraar ee looga aayey-na waxaad ka garataa is-marin waaga maanta ka aloosan koofurta.

Taasi waxay noqotay irdhayn iyo takoor ula kac loogu geystay xarakada waqooyi ee jecel doogista jamhuuriyaddii Soomaaliyeed ee dhalatay 1dii Luuliyo 1960kii, maalinta ugu mudan taariikh Soomaaliyeed. Qarannimadu ma aha calan la lulo iyo heesta “Soomaaliyeey toosoo” oo lagaga daryaamiyo fagaarayaasha.

Xilligii dawladda Xasan Sheekh Maxamuud, magacyada shakhsiyadaha wasiirrada ka noqonaya DFS, ee  beesha Isaaq, waxa yeedhin jiray maamulka Hargeysa. Dhanka kalena, Irridka madaxtooyada lagama sii deyn jirin, badiyaa, siyaasiyiinta culus ee beeshaas ee ku sugnaa Xamar. Waxa si dadban uga marag kacay la taliyihii hore ee Villa Soomaaliya, kana qoray maqaal ku soo baxay WardheerNews (2018).

Wada-hadalkii bishii Juun 2020 ee Somaliland iyo Soomaaliya ee ka dhacay Djibouti, waxa la yaab leh in wafdigii ka socday DFS aanu ku jirin hal qof oo reer waqooyi ahi; taas oo ka cadhaysiisay dadka reer waqooyiga ah ee midnimo-doonka ah, meel ay joogaan-ba. DFS waxay ku sababaysay il-duufkaas siyaasadeed inay fulinayeen shardi uu qabsaday maamulka Somaliland. Isla markaana, waxa uu MW Farmaajo guddida wada-hadallada ku daray rag aad ugu dhowaa taliskii Siyaad Barre oo  dafirsan in xasuuq ka dhacay waqooyiga waddanka.

Waxa intaas dheer in la maqlo, mararka qaar, rag masuuliyiin sheeganaya oo oranaya: xildhibaannada baarlamaanka Dawladda Federalka Soomaaliya (DFS) ka tirsan ee ka soo jeeda Somaliland ha iska tagaan. Waa caddahay inaysan kuwaasi lahayn garashada astaanta “midnimo qaran” ee ay u taagan yihiin xildhibaanadaasi.

Dhacdooyinkan kore ee maqaalku kor ku taxay waxa kaaga soo bixi in madaxda Xamar/koofurtu inay iyagu yihiin gooni goosato, macnihii oggol, kas ama kas-darro kay ka tahay ba, in Somaliland  ka go’odo dalka intiisa kale.  

Xagga xidhiidhka caalamiga ah, bishii Luuliyo 2019, waxay DFS sida fiinta uga qaylisay booqashadii madaxweyne Biixi ee dalka Guinea, kuna dhawaaqeen inay xiriirka u jareen dalkaas. Waxase ay ciidda madaxa geliyaan marka madaxweynaha Djibouti – Ismaaciil Cumar Geelle – roogga cas u dhigo m/weynayaasha Somaliland, isla markaana loo qaabilo heer booqasho-qaran (state visit), qasarka m/weyne Geelle-na loogu sameeyo casho iyo madadaalo

Ma aha in DFS diblomasi ahaan tahay daciif, waxaad taas kaga qanacdaa in bishii Janaayo 2022, wasiir ku xigeenka arrimaha dibedda ee Ingiriiska, Vicky Ford, ay iska dheeraysay dooddii ka dhacday baarlamankooda, kuna saabsanayd aqoonsiga Somaliland; ka dib markii DFS ay diidmo (protest) ka muujisay arrinkaas. Laakiin inta ay sidaasi dhacday waa tiro ad u yar; inta ay ka indho-saabteen baa badan.

Waxa dhowaan – bishii Disembar 2022 – booqday Somaliland shaqaale ka socda  xafiisyada xubno ka tirsan baarlamanka Maraykanka (congress-ka iyo Senate-ka), kuwaasoo u dhabbo-gelayey sidii Maraykanku u isticmaali lahaa dekedda Berbera. Xamar juuq iyo jaaq, midna, ma odhan.

Booqashadaasi waxay ku timi shaqo, dedaal iyo galaangal (lobbying) badan oo wakiilka Somaliland ee Washington (Bashir Goth) sameeyey iyo shirkadda galaangalka (lobbying firm) ee Glover Park Group ee ay Somaliland wakiilatay, si loogu qanciyo dawladda Maraykan inay toos ula macaamisho Hargeysa, iyagoo ka faa’ideysanaya dareenka shiine diidka ah ee dawladda Maraykan.

Maamulka Somaliland wuxu ku bixiyaa adeegga shirkadda “Glover Park Group” bishii $22,000; halka m/weyne Farmaajo ku bixiyey $150,000 shirkadda galaangalka “LFA Holdings”, si Maraykanku ugu raaco muddo kordhintiisii bishii Abriil 2021. Waa kaaf iyo kala dheeri labadu.

Dadka reer waqooyi ee midnimada jecel waxay yaqiinsan yihiin in qoomiyadda Soomaalida ee ku dhaqan Geeska Afrika mustaqbalkoodu mugdi yahay haddi ay kala furmaan labadii gobol ee is-raacay 1960kii.

Gunaanadka maqaalku waa su’aasha dhextaalka u ah heesta maqaalku ku halqabsaday: “Dhulkan kala fogaadiyo/Labadeenan kala dheer/Yey isku soo dhoweeya? Jawaabtu waa sahal: waa Xamar oo gurigeeda hagaajisata, u taagnaata ilaalinta qarannimda dalka, soo dhoweysa dadka reer waqooyi ee midnimodoonka ah,  garawsatana tabashada shacabka waqooyi.

Wa Bilaahi Towfiiq
Maxamuud Cabdillahi Axmed
Email: [email protected]


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.