Tuesday, April 16, 2024
Wardheer News
  • Maqaallo
  • Slideshow

HORTA ADIGU DOWR MA LEEDAHAY?

W.Q. Xirsi Jaamac Gaani

“if you don’t know where you are going, any road will get you there”. Lewis Carrol

Ummaddaha waxaa horumar gaarsiiya, isbeddalna u horseeda dadkooda waxgaradka ah sida Aqoonyahanka, Culimaa’uddiinka, odayaasha dhaqanka, haweenka, dhalinyarada. ayadoo dhanka kale haddii ay dadkaasi gabaan ama dayacaan dowrkooda ay  khatari ku iman karto jiritaanka ummaddaas.

Haddaba si ay ummaddi heer fiican uga gaadho nolasha una dajiso hannaanka dowladnimo oo wanaagsan, waxaa lagamamaarmaan ah inay isku tashato, garato meesha ay u socoto kana baaraandegto dariiqa ugu wanaagsan ee ay ku gaari lahayd.

Waxaase nasiib darro ah, marka ay dhacdo inay ummaddi garan weydo habkii iyo qaabkii ay ku gaari lahayd yoolkeeda, waxaase ka sii daran haddaysan yoolba (vision) lahayn. Waxaa ummaddaha yoolasha u calaameeya, u dejiya qaabka lagu gaarayo, kuna haga yoolka hoggaanka ummaddu leedahay. Waxaa laga yaabaa inaad marar badan aragtid hal-ku-dhigyo (slogans) ay dowladduhu shacabkoodda ugu sheegayaan meesha loo socdo, tusaale ahaanna aad u soo qaadan kartaan Kenya oo ah waddanka aan dariska nahay “Kenya2030 vision”, “2020 vision South Sudan” iyo “vision 2030 Jamaica” ay leedahay.

Yoolka waxaa lagu sheegaa tiigsi qorshe howleed iyo meesha waddanku ka gaari doono xiliga la calaameeyey, hadba waxa muhiimadda u leh dalka, sida: aqoonta, nolasha, dhaqaalaha, dowlad wanaagga iwm.

Waddamadu waxay u xilsaartaan yagleelidda yoolka, dad aqoon iyo waaya’aragnimo u leh odorasidda waxyaabaha yoolka laga dhiganayo iyo weliba dariiqa ugu sahlan ee lagu gaari karo. Daraasadda dadka loo idmadey howsha yool samayntu, waxay jeexdaa jid ama waddo cad oo ay ku qeexayaan hannaanka loo marayo.

Aduunka aan maanta ku noolnahay dowladduhu marka ay dajiyaan yoolasha, hay’adaha dowladdu waxay ku soo rogaan goobaha waxbarashada inay soo saaraan dadkii ka shaqayn lahaa baahida la qabo. Tusaale ahaan jaamacaduhu iskama qori karaan injineero ka badan intii loo baahnaa ama shaqo heli kartay. Waana sida loo sargooyo ardayda suuqa shaqada u soo banbixidoonta. Marka lagu guulaysan waayo in la abuuro shaqoonyin ku filan dadkii la soo saaray waxaa ka dhasha dhibaatooyin badan oo hadhow ku soo noqda ummadda iyo waddanka, kuwaase oo aan ka soo qaadan karo, fal dambiyeedyo la galo oo ah waxa ugu badan oo adduunka maanta la daalaadhacayo, tahriib iyo barakac, waana arrinka aan TV-yadda caalamka xiliga aan joogno aadka uga daawano, Soomaalidana saamayn weyn ku yeelatay, ayna dhalinyaradoodii baylahda ugu yihiin badaha adduunka iyo waliba dambiileyaal caalami ah oo ka ganacasada dhoofinta iyo tahriibinta ay ku dheehan tahay naxariisdarradu.

Haddii ay dhacdo in jaamacaddaha iyo mac’hadyadu maadooyinkay rabaan dhigaan, aqoonyahanaday doonaana soo saaraan, taasi oo aan ka tarjumeyn ama ku salaysneyn, oo baal marsan yoolkii horey loo qorsheeyay,  waxaa dhacaysa in dad badan oo shaqo la’aan ah suuqyada ku kulmaan, taas oo ay ka dhashaan dhibaatooyin badan oo aan xal loo heli karin.

Hadabba waxay dad badan oo ummadda Soomaaliyeed ka mid ah isweydiinayaan waddankeena Soomaaliya ma jiraa, mase leeyahay wax yool ah oo loo dejiyey?, haddii jawaabtu maya tahayna yaa laga sugayaa inay sameeyaan ama cid u saaraan?, yaa ku eedaysan haddii la samayn waayo?.

Su’aalaha aan kor ku xusnay, waa kuwo mudan in jawaab loo helo. Qofkasta oo bulsho weynta ka mid ahna wuxuu dowr ka ciyaari karaa xal-uhelidda iyo ka jawaabidda su’aalaha aan soo xusnay.

Tan iyo intii ay burburtey dowladdii dhexe ee Sooamaaliya waxaa na soo maray dowladdo ku yimid qaabab kala duwan, la kulmay duruufo kala duwan. Dawladdahaas qaarkood waxay ahaayeen KMG, kuwo kale muddo yar ayey shaqeeyeen, sidaas oo ay tahay waxaa na soo marey kuwo lays oran karo waxay haysteen fursaddo dahabi ah, haba ugu horrayso tii Madaxweyne Xasan Sh. Max’ud oo waqti badan ku lumisay xurguf aan loo baahnayn, walow markii dambe ay is dabaqabteen.

Farmaajo iyo Kheyre
Nasiib darro, waxaa hadda muuqanaysa in khaladkii dowladdii Md. Xasan Sh. Maxamuud, ay kusoo celinayaan qolyaha hadda xukunka haya, ayagoon qarsanayn dagaalkooda. Waxaa marar badan la isku dayey in la hogatusaaleeyo, looguna maahmaaho howshii dowladdii Md. Xasan Sh. Maxamuud iyo dagaalkii ay galeen. Dhegaha ayeyse ka furaysteen. Soomaalidu waxay tiraahdaa “haddii malag dhawaaqaayo miidaamin dhego ma leh” oo la macno iyo nuxur ah maahmaahda kale ee tiraahda “nin meeli u caddahay meeli ka madow”. Abshirtase alle hayna waafajiyo.

Waxay dad badan oo Soomaaliyeed markhaati ka furayaan inay jiraan shakhsiyaad siyaasadda ku bahloobay oo dhex ordaya dowladda federaalka ah iyo dowlad goboleedyada, iyagoo ka dhex arka dano iyaga u gaar ah, kuwaas oo ay ku dhibaataynayaan dantii guud ee ummadda. Nasiib darose ma jiraan dad tooshka ku ifinaya si looga digtoonaado. Waxaan rajaynayaa mar ay noqotaba in kuwaas la soo qaban doono.

Su’aasha lays weydiinayo ayaa waxay tahay tolow dowladda madaxweyne Farmaajo ma xiliga ololaha doorashadda ayey la gaari doontaa iyagoo wali sidaan ku jira mise way is daba qaban doonaan oo is waansan doonaan inta aan la gaarin xiliga doorashadda, oo waddankay u shaqayn doonaan? . Jawaabta ayagaa laga sugayaa.

Waxaase kale oo kuu taal inaad ka jawaabtaan mudaneyaal iyo marwooyin ma jirtaa kaalin ama dowr aad ku leedahay adigu muwaadin ahaan, mise waxaad tahay “uur jiif hooyadiis ku gowracan”.

Waxaan anigu is leeyahay ma jiro qof aan dowr ama kaalin qaadan karin, mid wanaagsan ama mid xun. waase hadduu garwaaqsado.

Soomaali horey bay ugu maahmaahday: “ceelna uma qodna, cidna uma maqna” mise xaalku waa: “Waraabe meeshii loo eryaba waa u hor”, oo meel loo socdo cidi ma taqaan.

W.Q. Xirsi Jaamac Gaani
Email: [email protected]


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.