Saturday, June 15, 2024
Wardheer News
  • Maqaallo
  • Slideshow

HESHIISKA AMNI EE IMAARAADKU: WAA KU XADGUDUB MADAX-BANAANIDA QARANNIMO EE SOOMAALIYA

W.Q. Maxamuud Cabdillahi Axmed

Dhadhamooyin badan baa jiroo, aad ku dhimataaye

Dhereg ma leh dhuuniga xumeen, cunaha dhaafayn

Ha u dhuran dhurwaagii laftuu dhuuxay eersaday.

Gabay, Axmed Ismaaciil Diiriye “Qaasim” – AHUN.

**************

Bishii Febrayo 6-deedii ee sannadkan 2023 ayaa golaha wasiirrada ee Dawladda Federalka Soomaaliya (DFS) ansixiyeen heshiis militari iyo amni oo ay kala saxeexdeen DFS iyo dawladda Imaaraadka Carabta (Imaaraadka). Heshiiskan oo ku saabsan iskaashiga ciidan, nabadgelyo iyo la dagaalanka argagaxisada.


Nuqul ka mid ah heshiiska la ansixiyey ayaa u liigay xagga warbaahinta. Waa heshiis ku qoran luqad waadix oo aan u baahnayn fasiraad garyaqaan.


Heshiisku wuxu ka kooban yahay 13 qodob oo mid waliba u sii kala baxo 4 ilaa 8 farqadood. Cinwaanada qodobada heshiiska waxa ka mid ah: ujeeddada heshiiska, waajibaadka labada dhinac, ciidamada iyo hubka, dhulka iyo furdadaha, guddida hirgelinta heshiiska, taliska ciidanka, anshax-marinta iyo kuwo kale.

Markaan anigu akhriyey heshiiskii  nuqulkii u liigay xagga saxaafadda, waxay indhahaygu ku hakadeen qodobadan hoose oo u dhacaya sidan:

Qodobka 9aad, farqad 3 – DFS (Soomaaliya) waxay u wakiilanaysaa Imaaraadka adeegsiga ciidanka ay tababartay si loo fuliyo hawl-gallada la dagaalanka argagaxisada ee Soomaaliya.

Tani waa dhallinyaradaada u dhiib quwad shisheeye, isla dalkaaga gudihiisa, wax talo ahna lagaa weydiin maayo. Cajiib!

Qodobka 9aad, farqad 5 – DFS wax dabrid ah kuma samayn karto xorriyadda dhaqdhaqaaqa xubnaha Imaaraadka. Ka dhigan in dawaladda Imaaraadku, iyadoo adeegasanaysa ciidamada ay tababartay, in meeshii ay doonto iyo sida ay rabto uga dhaqmi karto gudaha dalka.

Qodobka 10aad, farqad 2 – dhinaca Imaaraadku waxay xaq u leeyihiin inay awoodooda sharciyeed ku fuliyaan xubnahooda iyo shaqaalahooda. Taasoo ka dhigan garsoorka Imaaraadka ayaa ka sarreeya ka maxkamadaha DFS ee dalka.

Qodobka 10aad, farqad 3 & 4 – dammaanad iyo xasaanad buuxda ayuu siinayaa xubnaha ciidamada Imaaraadku tababarteen, xasaanad difaac oo qaanuuni ah, heer qaran iyo heer caalami ba. Macnihii wax dembi ah looma raaci karo ciidamada Imaaraadka ka amar qaata, jawr-fal kasta oo ay u geystaan shacabka.

Qodobka 10aad, farqad 6 – dhinaca Imaaraadku qaadan maayaan wax masuuliyad ah oo ka dhalata hawl-galadooda mid sharci ama mid magdhaw ba. Macnhii dawaladda Imaaraadku magdhaw laguma laha, wixii ay dhib geystaan ciidankoodu; macnihii waxa  qaadanaysa DFS. Dabcan waa in cid xilkaas qaadataa jirtaa.

Qodob 3, farqad 3 – dhinaca Imaaraadku waxay xaq u leeyihiin inay ka qayb-galaan baarista iyo xog-ururinta kiisaska gacanta lagu soo dhigo ee canaasiirta iyo argagaxisada iyo ciddii kale ee gacan siisaba. Qodabkani wuxu khasab kaga dhigayaa DFS inay ka qayb-geliso Imaaraadka baadhitaanka  kiisaska dadka haya’daha nabadgelyadu, sida NISA oo kale, ay soo qabtaan.

Qodob 6aad – wuxu u oggolanayaa in dawladda Imaaraadku soo gelin karto, kalana bixi karto dalka hub, raasaas iyo agab ba, taas oo aan wax xakamayn ah lahayn. Farqadaha qodobkan dhammaantood waxay wax u dhimayaan sugnaanta xuduudaha iyo furdadaha badda, dhulka iyo cirka ee dalka; isla markaana jebinayaan xeerka Qaramada Midoobay ee cunqabataynta hubka.

Haddaba Inta aan laga jawaabin su’aasha ah in qodobadaasi wax u dhimayaan madax-banaanida qarannimo ee dalka iyo in kale, waxa habbon in la is la garto cabbirada lagu halbeegayo madax-banaanida; taasoo ay adkaan karto in la isla meel dhigaa. 

Laakiin waxaynu soo qaadan halbeegga ugu fahamka fudud ee dadka intiisa badani isku raaci karaan. Qaran wuxu madax- bannaan yahay marka dawladdiisu tahay awoodda keliya ee ka jirta geyigeeda (dhul, bad iyo cir-ba), had iyo jeerna looga dambeeyo iyada. Qaacidadan waxa ka farcami waa inaysan jirin dawlad kale oo ajenebi ah, oo soo labaysa awoodeeda. Heshiis kasta oo taas ku lid ahina wuxu jidaynayaa ku xadgudubka madax-banaanida qarannimo ee dalka. 

Qodabadan kore iyo qodobo kale oo ku qoran heshiisku waxay meesha ka saarayaan in DFS tahay awoodda keliya ee looga dambeeyo dalka. Haddaba heshiisku, sida uu hadda u dhigan yahay, wuxu xaq u siinayaa Imaaraadka inay adeegsan karaan awood aan dabar lahayn gudaha Soomaaliya. Sidaa darteed, heshiiskani madax-bannaanida dalka hadh-cad buu gawracay, lama ba hadoodilin taas.

Heshiiska amni ee DFS iyo Imaaraadka waxa ku cad in Imaaraadku ciidan ka qoranayaan bulshada Soomaalida, kuwo kelana dibedda ka keensanayso; fasax-na u haystaan inay qalab iyo hub soo geliyaan dalka. Cududdaas ciidan iyo hubeed waxa lagula dagaalamayaa, canaasiirta iyo argagixisda. 

Waxa werwer leh in heshiisku bannaysanayo ku xadgudubka xuquuqda qofka. Ka garo heshiisku sida uu isugu sidkayo labada eray ee canaasiirta iyo argagixisada iyo sida heshiiska uga caraarayo la xisaabtanka. Erayga canaasiirta u akhri in looga jeedo ashkhaasta siyaasad ahaan islaam raaca ah, hubaysnaynna. Malahaygii, wadaaddadii qunyar socodka ahaa loo soo dhigay!

Waxa kale oo  laga soo dheegan karaa in Xeerkii NISA ee dhowaan la ansixiyey iyo heshiiskan xiriir ka dhaxeeyo;  macnihii NISA noqoto hay’ad hoos timaada Imaaraadka. Waxa kale oo heshiisku u qiil-bixinayaa in Imaaraadku xabsiyo  ka samaysan karaan dalka sidii ay ka faleen Yemen. Warbixino badan ayaa laga qoray sida ciidamada Imaaraadka ka amar qaataa uga dhaqamaan Yemen iyo Libya; ilaa haddana labadaa dal midkoodna nabad iyo xasilooni ma haysto.

Shaqaaqada maanta ka oogan dalka Suudaan waxay salka ku haysaa maleeshiyaadka Imaaraadku taageeraan, Sudan Rapid Forces (SRF).

Heshiiskani wuxu sii murginayaa wada shaqayntii ciidamada ajenebiga ah ee dalka hore u joogay iyo ciidamada qaranka. Waxa kale oo ka muuqda siyaasdda Hagaysa heshiiskan inuu yahay dhaqan ku badan madaxda dalalka Geeska Afrika oo loogu yeero “suuqa xaraashka siyaasadda”(political market place) Waa dhaqan aan qaran dhisayn, weliba markay timaado xidhiidhka caalamiga ah.

Bilawga maqaalka, sida gabyaa Qaasim (AUN) inooga digay: yaan loo dhuran dhurwaagii laftuu dhuuxay eersaday. Anigu garan maayo meesha uu madaxweyne Xasan Sheekh ku degdegayo!

Haddaba baarlamanka DFS ayuun baa ka badbaadin kara dalka cidhib-xumo la mid ah ta Imaaraadku geyeysiiyeen dalalka dhiggeena ah. Ilaah ha garan siiyo madaxdeena. Ilaah baan magansanay.

Wa Billaahi Towfiiq

Maxamuud Cabdillahi Axmed

Email: [email protected]


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.