W.T. Idris M. Cali
Tixdani waxay soo baxday 18ka Abriil 2019. Waxayna hummaagyo isku dhafan ka bixinaysaa dawladnimada (hoosta ka akhriso dulucdeeda, oo ah sida qoruhu ismoodsiiyay). In ay tixdu curato waxaa horseeday xurguftii Goodax iyo Deni ku dhex martay arrinkii imtixaannada, siiba aaraa’dii Deni ee ahayd (sid), “Dawladnimadii lama yaqaan!” Waxay tiri:
I Daruur ku da’aysa dalkii Udugoo
Durtaba diif mayri baad tahay
Dadaal mirihiisu daray yahayoo
Doolshaha ka macaan ayaad tahay
Dirayska asluub difaac burji loo
Dartiis hurdo loo gam’aad tahay
Duntii qarankiyo garsoor dooriyo
Dibiga weysha Daalis baad tahay[2]
Dadkoo taliyoo cod doorasha loo
Danaha guud dhawrayaad tahay
Dawladnimo daacad laga yahayoo
Dastuur loo dejay ayaad tahay
II Markaan hadda dayase xaalka dalkii
Qalfoof laga dayrin baad tahay
Dahabka carrigoo la sii daldashiyo
Diq aan laga doogin baad tahay
Duurjoog iyo haad dameer farowgii
Dabkii dhirta lagu gubaad tahay
Dil iyo boob duumo iyo daaf iyo
Dareen kufsi diidin baad tahay
Docdoo laga yeero diirad la’aan
Dawseeg diradire ayaad tahay
Dayuuska xil doonayeen fulinayn
Diyaafadda doolar baad tahay
Durbaankiyo daabka cadow tumayiyo
Duullaanka shisheeye baad tahay
Dirsooc iyo gumaysi lagu diimiyo
Dalluun gobalaysi baad tahay
III Markaan dayo saad darraato ahayd
Macaan iyo dacar ayaad tahay
Dunida calan daahiroo yimidiyo
Danaysiyo dibudhac baad tahay
Dalxiis iyo meel ganacsi dararana
Dirkaba hal magaalo baad tahay
Digteetar nidaam dastuur ku dhaqmiyo
Daa’uus nabar moog ayaad tahay
Daryeelka afkoo dugsiya yeeshiyo
Duruus kala go’aysa baad tahay
Dubbaha askar aanan daalayn iyo
Dariiqii lagu dunshaad tahay
Dadkoo casabada is wada dooxiyo
Deelleey afka uun ah baad tahay
Digtii nabarkii dadweynaha iyo
Dagaalki sokeeye baad tahay
IV Taniyo dura dawladdeenniiyeey
La doon oo la hel ayaad tahay
Darwiish calan uu u soo diriroo
Dusheenna hareeyay baad tahay
Darkii gobannimada soo diiqiyo
Damaashaadkoodi baad tahay
Dabuubta qabyaalad-diidkii iyo
Dabiibkii Timacaddaad tahay[3]
Ducaysane diin lahoo waxtariyo
Deeqiyo Luul-sharaf ayaad tahay[3]
Dawladnimo, doon shiraacatay baad
Dusheeda jirtee hadmaad iman?
DULUC
Kow, qaybta hore ee tixdu waa dawladnimadii oo “sidii la rabay” ah; waana dawladnimada fiyow.[1] Halkan tixdu waxay ka faalloonaysaa hawlaha ay dawladnimadani dhaqangeliso, sida: ka faa’idaysiga khayraadka dabiiciga ah (nimcada Eebbe), nabad ku naalloonshaha, caddaalad ku dekaynta iwm.
Labo, qaybta xigta waxay tixdu inoo sawiraysaa dawladnimadii oo galbatay, oo qalfoof madhan ah. [Waa xaaladihii aannu ku sugnayn tan iyo qaranjabkii. Wixii dhacay baa dhacay; waxaa dhacaya baana dhacaya, oo dhacdooyinkani waa qalin-ma-koobaan.] Dawladnimada caynkan ah tixdu way cambaaraynaysaa.
Saddex, qaybta ku xigta waa hummaag labaad oo aan sidii kii hore oo kale u foolxumayn, balse inoo muujinaya dawladnimadii oo bukaan socod ah. [Waa sannadihii u dhexeeyay qarandhiskii 1960kii illaa qaranjabkii 1991kii. Waa macaan iyo qadhaadh wixii dawladnimada bukta lagala kulmay, illaa ay ka dhimato.] Dawladnimada caynkan ah iyadana tixdu way cambaaraynaysaa.
Afar, qaybta ugu dambaysa waa dawladnimadii oo la helay, loona han weyn yahay. [Waa xilligii gobanimodoonka. Waxaa nool xusuusihii gumaysi la dirirka, oo lagama geyoodo muunaynta halgankii hore, sidii Qaasin u yiri: “Allow yaa Darwiishkii farriin debacsan gaarsiiya?”] Waxa ay dawladdani noqonayso lama oga, balse niyaddu way fiican tahay.
Qaybtan u dambaysa iyo qaybta koobaad ee tixda ayaa sidan isugu qoofalan: dawladnimada fiyow weeyi tii ay gobanimadoonkeennu filayeen in qaranku yeelanayo. Balse taas ma dhicin, sida qaybaha kale ee tixda ku cad, Qaasimna u yiri: “Isma doorin gaalkaan diriyo daarta kii galaye.”
Haddaba, xil weyn ayaa naga saaran sidii dawladnimadan fiyow ee mar hore shiraacatay loo soo celin lahaa, iyadoo sababihii ay la shiraacatay la gorfaynayo. Si kale marka loo dhigo, dawladnimada aynu maanta haysanno ayaa loo baahan yahay in baxnaaninteeda loo guntado, oo ugu yaraan meesha laga saaro arrimaha ay tixdani ku dhaliilayso.
FAAHFAAHIN
[1] Dawladnimada fiyoobi waxay ku taagan tahay saddex tiir oo isku sargo’an oo kala ah: sharci dejin, sharci fulin iyo sharci ilaalin. In ay tiirarkani isku sargo’naadaanna waxaa wacaya dastuur ay dawladnimadu qoratay, kaas oo dhawra xuquuqaha madaniga ah ee muwaadiniinta, oo ay codayntu ugu doorroon tahay.
[2] Weylka iyo weysha, kolba saca Daalis neefka uu dhalo, oo ninkii ka seexday aan laga khiyaamaynin, weeye ujeeddadu, oo aan la dabbaqin, xaaladdan lama dabbaqi karee, maahmaahdii ahayd: Ninkii seexdaa sicii dibi dhalay! Sababtoo ah, sharci iyo caddaalad baa hooskooda la harsadaa.
[3] Waa suurtaggal inay jiraan dad badan oo aan aqoon Cabdillaahi Suldaan Maxamed oo ku magac dheeraa “Timacadde,” ninkii ku gabyay: “Dugsi ma leh qabyaaladi waxay dumiso mooyaane.” Taasna waa tabaalaha wakhtiga!
[4] Ducaysane, Deeqa iyo Luul waa magacyo guud oo loo soo qaatay muujinta inta samaha jecel ee dalka u shaqaysa. Luulku waa xalnaanta, haddii la sii macneeyo. Dadka inta xariirta ah baan wali naga dhammaan, oo waligood soo jiray. Iyagaana dawladnimada u gargaari kara.
W/T: Idiris M. Cali
Dhanjac: [email protected]
We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.
WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.
WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.
Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved