Thursday, March 28, 2024
Wardheer News
  • Maqaallo
  • Slideshow

Hawl Qaran: Qorista Suugaanta Quban

W.Q. Idiris M. Cali

Tobankii sano ee la soo dhaafay qoraalka afkeennu aad buu isu soo taray. Dhalinyaro badan ayaa ku soo biirtay saaxada qoraalka, kuwaas oo aad ugu hamuun qaba aragtida waxqorista lafteeda. (Waayeel aan farakutiris ahaynna way ku haystaan!) Buugaag aan yarayn baa la qoray, oo qaarkood yihiin halabuur, hadday tahay sheeko, curisyo, maanso iwm; qaarka kalena ay yihiin ururin suugaan internetka ku dhex filiqsan, oo u badan maanso. Dadaalladani waxay ka marag kacayaan in lagu baraarugay faa’iida qoraalka. Hayeeshee wali wax baa qabyo ah.

Aniga iyo jaallahay Maxamed Cadbillaahi waxaan ku dadaalnay dhawr arrimood: Kow, waxaan dib qornay tixo badan oo uu leeyahay, oo uu marinayo!, Sheekh Caaqib Cabdillaahi, oo aan ka helnay kobta: Media Collections Online. (Jaallahay Axmednuur Xasan baa ku mahadsan inuu bartan farta iigu fiiqay!) Labo, dhawr qoraal oo dhaxalgal ah, siiba mid uu qoray Axmed Cali Abokor, ayaan dib u qornay, ka dib markaan qoraalladan ka helnay kobta: Archivio Somalia. Hawlahani badweyn bay nagu noqdeen, oo cagajiid baan ku wadnaa.

Isweydiin baa markaas timid: Ka warrama ardayda ku jirta dugsiyada sare ama jaamacadaha ee dalka haddii lagu digaafiyo hawshan iyada ah? Ka warrama, haddii ardaydan maaddo looga dhigo inay qoraan suugaanteenna internetka ku hagaastay, ee maalinba maalinka ka sii dambeeya ka sii libdhaysa? Hubaashii, waxay arrintan ka kororsan karaan dhawr waxyaalood: 1) Qoraalkooda oo toosa, 2) ogaalkooda suugaaneed iyo sooyaaleed oo hanaqaada, iyo 3) inay arkaan dadaalkoodan oo waxtar badan u yeesha bulshada.

Waana hadafkan saddexaad waxa ugu muhiimsan ee ay tahay inay maanka ku hayaan ardaydani. Hadday hadafkan gaadhi waayaan waxay ogaanayaan in dadkii wax soo baray hagradeen! Hadday hadafkan gaadhi waayaan, haddaba ogaada, waxay dadkii ardaydan wax soo baray ka hagradeen barista sida wax loo baaro; sida wax loo qoro, iyo sida wax loo gorfeeyo. Inkasta oo la hagraday, haddana ardayda isla hadafkan ka niib keenta dhabtii waxay muujiyeen karti lala irkigo, oo lagu ammaano, laguna derajeeyo.

Hagrashada iyada ah way wajiyo badan tahay. Keliya ma aha in ardaydan la hagraday ee waxaa la hagraday murtidii iyo sooyaalkii ummadda. Tani kama dhigna inaan wax laga geysan diiwaanaynta murtida iyo sooyaalka ummadda. Dabcan, dadaallo badan baa socda, sida laga arki karo buugaagta aan badnayn ee lagu soo bandhigo dalka iyo dibadahaba. Mana qarin karno cadceedda kaaha weyn ee Dr. Kapchits, oo intaas inoo weeleeyay murti baaxad leh, oo malaha Al-Xakawaati inna gaarsiin karta!

Keliya waxaa innaga maqan in la kobciyo dadaalladaas yar yar, oo ciidan ardayda dalka ah lagu sii daayo! Waa mide, suugaanta aan qornayn, ee ruwaayad iyo heesba leh, waa bad dhan oo aan wali la gelin. Midda labaadna, wakhti badan ayaa lagu lumiyaa tacliin madhalays ah, oo aan waxtarkeedu innaga muuqan.* Haddaba, in labadan caqabadood la isku dhufto, oo meesha laga soo saaro waxtar qoritaan iyo arday hawshaas garaaddo lagu siiyo, maxaa innaga hor taagan?

Keliya waa farsamo li’i amaba fikir li’i waxa loo aanayn karo inaysan hawshani inooba bilaabnayn, oo taasi waxay inooga muuqataa maktabado la’aanta amaba maktabado yarida dalka! Xitaa haddii la heli waayo kharash lagu daabaco xogta la diiwaangelinayo, ma waxaa la heli waayayaa kobabgalsho bilaash ah oo WordPress laga furtay, dugsi walibana ardaydiisu ay wax ku qoraan? Illaa iyo immika, kobabgalshaha caynkan ah ee farakutiriska ah waxaa iska leh shakhsiyaad dadaalay, oo ururradu (hadday tahay dugsi, jaamacad, hay’ad) way ka seexdeen hawshan iyada ah.

Hurdase la isku ogaaday, dib cidda u gashata ayaa daran!

Haddaba, waxaan soo jeedinayaa in manhajka waxbarashada ee qaranka lagu daro maaddo ardayda lagu ababinayo sidii ay suugaanteenna kala quban u qori lahaayeen; halka ardayda jaamacadahana lagu tartarsiinayo sidii ay suugaanta qoran—ee ay ardayda dugsiyadu qoreen—u gorfayn lahaayeen.** Fikirkani waa mid aannu u wada baahannahay, ee gobolkee, jaamacaddee ugu hor hirgelin doonta?

Intaan taas la helin, bal marka hore, yaa khayr helay, oo akhriyay maqaalkan, oo ku dadaalay inuu dib inoogu qoro ruwaayaddii, Beenay Waa Run? Dadaalka loo socdo waa kan oo kale oo tallaabada koobaad ee loo qaada sidan u yar tahay. Ballan haddii aan hawshan bil gudaheed laga soo bixin, bisha xigta dusheenna ayay saaran tahay, oo aan idiin soo gudbin doonnaa. Tartankuna sidaas ayuu inoogu furan yahay, oo sida filin kasta oo Hollywood ah looga qoro buug waa inaan suugaanteenna iskudubbaridan ee ruwaayaduhu ka kow yihiin buug mid kasta looga soo qoraa.

“Haakaalle Eebbow ninkii, libin hoyaadshaa leh.”

W/Q: Idiris M. Cali

Dhanjac: [email protected]

* Tacliinteennu inay madhalays tahay ma aha natiijada iiga muuqata ardaydeenna! Ee runtii  madhalaysnimadu waxay ku jiraa xogta loo adeegsado barista ardaydan. Yaab waxaa igu noqotay, maalin hore, inaan arkay bare jaamacadeed oo buugaag badan oo uu magiciisa ku dul qoray ay dad kale leeyihiin, ayna yihiin buugaag manhajeedyo dad kale, waddamo kale, loo diyaariyay. Markaan yara rogrogay xogtii buugaagta ku xusnayd, waxaan arkay in agabka iyo ereyada buugaagtaas ku xusan aan af-Soomaali loo rogin, Soomaaliduna aysan adeegsanin, inkasta oo ay beeralay iyo xaalalay soo ahayd qarniyo badan! Ardayda dalkeenna ma waxaa loo diyaariyaa inay ka soo shaqaystaan dalal kale, mise inay dalkooda ka shaqaystaan? Haddaan aragno siyaasi afaf kale ku qudbaynaya, isaga oo is leh Soomaali ayaad ku hadlaysaa, saw ka ma sii darna qof buuni isku sheegay oo afkiisa afkiisa ku hagardaamaynaya, ardaydiisana ku shubaya wax aanay kula sheekaysan karin dadkooda reer miyiga ah, iskaba daa in inta ay is fahmaan ay markooda sii kaydiyaan aqoontii illaa dura jirtay ee Soomaalidu u lahayd degaankeeda e?

** Illaa waayo waayo, jaamacaduhu way soo saari jireen arday suugaanta odhaahda ah soo ururisa, oo gorfaysa, ee ma lihi hawshani hore iyo haddaba uma jirin, ee waxaan leeyahay hawshani waa qabyo! Buugga aan dib u qoray ee Shirib ee ay qortay Caasha Maxamuud Maxamed ayaa tusaale fiican u ah arrintan. Sidoo kale, waxaa tusaale fiican u ah qoraalka Saadaq Xaaji Xamsa Saneey ee uu ku soo bandhigay giiskii Maymuuna Biyow. Hadduusan Saadaq daabici lahayn qoraalkan runtii ma heleen. Haddaba, qoraallada caynkan ah oo si fiican loo nashqadeeyay saw ma habboona in laga helo Academia iyo meelo la mid ah? Meeye jaamacadihii oo aawaye barayaashii arrintan ku ababin lahaa ardayda?

 


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.