Haweeney La Kufsaday Kadibna La Dilay iyo Meydka Wiil Qoorta Laga jaray oo La Helay

Haweeney  La Kufsaday Kadibna La Dilay iyo Meydka Wiil Qoorta Laga jaray oo La Helay

Muqdisho, Abril 15, 2013 (WDN)- Wararkaa aan ka heleynno dagmada Wanlaweyn ee  gobalka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in maanta lagu dilay haweeney dadka deegaanka kamid aheyd, iyadoo islamarkaana  la sheegay in inta la kufsaday kadibna la dilay.

Sida ay ku waramayaan dadka deegaanku haweenaydan ayaa la sheegayaa in ay aheyd hooyo dhashay dhowr carruur ah, ayna sidoo kale ka mid aheyd reer miyiga ku dhaqan duleedka Wanlaweyn.

Lama garanayo sababta loo dilay haweeneydaasi, iyadoo wararku ay intaa ku darayaan in rag ku hubeysnaa baangado iyo middiyo ay hooyadaasi intey kufsadeed dabadeedna ay dilkeeda u adeegsadeen qalabkii ay wateen.

Dhacdadaasi, ayaa dadka deegaanku si aad uga damqadeen una cambaareeyay.

Falaka kusiga ayaa aad ugu badan dalka Soomaaliya iyadoo maamulada halkaasi ka jiraana aanay wax xil ah iska saarin sidii wax looga qabanlahaa dhibaatdan lagu hayo haweenka Soomaaliyeed.

Dhanka kale wiil da’ yar, ayaa isna meydkiisa laga helay deegaanka Leego ee duleedka Wanlaweyn isla maanta.

Wiilkan, oo aan la ogeyn cidda dishay, ayaa qoorta laga jaray. Dilkaas, ayaa waxa uu werwer ku abuuray dadka deegaanka, iyagoo islamarkaana si aad ah u cambaareeyay.

Lama oga cidda dishay wiilkaasi iyo sababta loo dilay midna.

Jamal Axmed Cismaan
WardheerNews

Leave a Reply

Your email address will not be published.