Tuesday, April 23, 2024
Wardheer News
  • Slideshow
  • Warar

Haween agabka hiddaha iyo dhaqanka ka macaashay

Dhanka bidix Barni Cali Maxamed, Xabibo Axmed Cadow, Xaliimo Barre Osman, Geni Siyaad Xasan/ Axmed Cabdulaahi/Ergo

Konton haween ah oo ku nool xeryaha Dhadhaab oo sameeya alaabaha hiddaha iyo dhaqanka Soomaalida iyo agab dhaqameed kale oo laga isticmaalo dalka Kenya ayaa dhaqaale fiican oo wax weyn ka taray nolosha qoysaskooda ka soo saara agabkan.

Haweenkan oo shaqadan si wadajir ah u soobillaabay sannadkii hore 2018-kii  ayaaagabkan oo ay iibiyaan ka soo xereeyadhaqaale gaaraya bishiiba ugu yaraan $5000.

Safiya Xirsi oo ka mid ah haweenkan oo ku midaysan urur lagu magacaabo Yote Farsamo Group waxaa dhaqaalaha ay hesho ku tiirsan nolosha qoyskeeda oo ka koobansiddeed qof.

Waxay sheegtay in alaabahan ay u iib geeyaan magaalooyinka dalka Kenya oo aadlooga isticmaalo.

Safiyo oo samaynta agabka hidaha iyo dhaqanka baratay intii ay joogtay xeryahaqaxootiga ee Dhadhaab, waxaa fursaddan ka heshay Yoote Farsamo oo tababar siisaysanadkii 2017.

“Masafaha ayaan sameeyaa, dambiilaha ayaan sameeyaa, dermaha waan sameeyaa, sidoo kale dharka waa ranjiyeeyaa, maasha aad baan hadda farsamadaa u fahansannahay waan bartay,  maadaama ay waxaan ay waxaan hidaha iyodhaqankayagii ay tahay oo aan samaysan jirnay,” ayay tiri safiyo.

Safiyo ka sokow in samaynta agabkani ay u tahay xirfad ay ka raadiyo nololmaalmeedkeeda dhinaca kale waxay sheegtay in ay qayb tahay shaqadani soonoolaynta hiddii iyo dhaqankii Soomaaliyeed.

Agabka dermaha, dambiilaha, saliyada babisyada, Masafyada, koofiyadaha iyo dharkaaliindiga ahi waxaa uu ay ka mid yihiin agab ay haweenkani ku sameeyaan xaruntoodaoo ku taala Xerada qaxootiga ee Xagardheer. 

Haweenka Xirfadlayaasha ah waxaa miradhalka shaqadan ka caawiyay hay’adahasamafalka ee Norwegian Refugee Council  NRC iyo  International Trade Centre ITC.

Cadar Haajir Cabdi, oo ah guddoomiyaha haweenka sameeya agabkan, waxay RaadiyoErgo u sheegtay in ururkoodu hadda xiriir ganacsi la leeyahay dad badan oo daneeyawaxyaabaha.

“Soomaalida marka ay arakaan aad bay ugu farxaan oo waxaa laga yaabaa xataa qofaan iibsan rabin in uu sali kaa iibsado ama dambiil uu kaa iibsado,  Nairobi maalindhoweyd mar aad aad nay oo Peace Pas meel la yiraahdo Bandhig aan u aadnaySoomaali debedaha ka imaadeen baa naga iibsadey saliyo,” ayay tiri Cadar.

Barni Cali Maxamed waa hooyo ka mid ah xirfadlayaasha sameeya agab dhameedkan. Waxay qabashada shaqadan u tahay sida ay Raadiyow Ergo u sheegtay il dhaqaale ooay ka kabto nolosha qoyskeeda oo ka kooban 14 qof.

Barni ayaa lacagta ka soo gasha shaqadan sida ay xustay ku deberta kala bar cuntada quutal daruuriga.

Barni waxay samaynta agabkan baratay iyada oo aad u yar oo markaa joogtay dhulkabaaddiyaha ee gudaha dalka Soomaaliya. 

“ Dadka waa jecelyihiin oo waa soo jiidataa, dharka kariska iyo waxyaabahaa aad baa loo jecel yahay, wixii hadda nolol maalmeedka cidiheena aan ku maarayno meeshaanuun baan ka helnaa,,” ayay tiri Barni.

Xigasho: Radi Ergo


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.