Thursday, April 25, 2024
Wardheer News
  • Maqaallo
  • Slideshow

Hargeysa Ma Sii Haysan Karaysaa Magaceeda Caanka Ah: Hoyga Fanka Soomaaliyeed?

Hibo Eebbe ku siiyey, Habeen la iskama qaado.

W.Q. Maxamuud C/llahi Axmed

Bishii Julay 17keedi 2020, waxa dawladda Somaliland xabsiga u taxaaabtay maamulihii telefishanka Astaan TV, Cabdimanaan Yusuf, dhawr jeeerna maxkamad la keenay  iydoo aan marna lagu soo oogin kiis cad. Nasiib darro 14kii bishii Noofember 2020ka ayaa lagu xukumay 5 sanno oo xadhig ah iyo ganaax lacageed, Astaan TV Hargeysana irridaha ayaa loo laabay. Bil ka dibna Cabdimanaan xabsigii waa laga sii daayey, waxaana dayuurad loo saaray ilaa Xamar.

Ururka caalamiga ah ee weriyaasha aan xuduuda lahayn, Reporters without Border (RSF), war-saxaafadeed ay arrinkan ka soo saareen waxay ku tilmaameen in uu ahaa kiis muhmal faro-badani ku gadaanaa, min billaw ilaa dhammaad. Waxay RSF ku dartay in aysan ahayn markii ugu horreysay ee jawrfal suxufiyiin lagula kaco, isla markaana saddex meelood oo meel xadgudubyada loo geystay weriyaasha Soomaalida, sannadkii 2019ka, ay ka dhaceen Somaliland. 

Bishii Juun 2020, waxa maamulka Somaliland/Hargeysa uu xabsiga dhigay fannaaniinta Xamda Yusuf Ibrahim iyo Barwaaqo Xaashi. Labo bilood ka horna, bishii April 2020, waxa xorriyadiisa laga qaaday fannaanka heesaaga ah ee Saalax Carab. Sannadihii ka horreeyeyna waxa jeelka loo diray kuwo kale oo ay ka mid yihiin abwaaanada Naciima Qorane iyo Cabdiraxmaan Abees.

Haddaba waa maxay sababta ka dambaysa tacadigan loogu geysanayo fanka Hargeysa, gaar ahaan dhacdada Astaan TV? Waxa maqaalkani qabaa in falkaasi ahaa dhimbiil ka dhalatay, ama xidhiidh la leh, in Astaan TV noqotay bar kulan faneed oo ay soo dhoweeyeen dhammaan dadka Soomaaliyeed; maamulka Hargeysana aanu jeclaysan; isla markaana ay ahayd mowqif siyaasi ah oo ficil loo rogay.

Waxa jirey labo barnaamij oo mataanaysan oo midna Hargeysa Astaan TV soo saartay oo la yidhaa Qaaci Show iyo mid Xamar laga soo saaray oo la yidhaa Astaan TV Heelo Show. Waxa iyana jira mid kale oo isla Hargeysa ay ka soo saareen Hawraar Music Productions ee Dayax Band Qaaci.  Barnaamijyadan oo runtii ay dadka Soomaaliyeed meel ay joogaan ba aad uga mabsuudeen, farax weyna geliyey, qalbigoodana ku abuuray yididiilo, kalgacal iyo isu-hilaw.

Barnaamijyadaas Hargeysa ka soo burqaday waxay soo laliyeen, You Tube kana soo dhigeen, heesihii hore oo fannaaniin koonfur ka soo jeedaa ay qaadi jireen oo dhalinyaro Hargeysa joogtaana dib u qaadayaan, iyadoo loo garaacayo qalab fudud oo aan digital ahayn. Mararka qaarna waxa aad is odhan iyagaaba kaga cod-baxsan kuwii asalka ahaa.

Waxa daawade kasta, oo dhegahana u jalqiyey, u riyaaqay codka iyo tacbiirka wiilka dhalinta yar ee Farxaan Qaboojiye, jooga Hargeysa, ka tirsan kooxda Dayax Band oo isku labo-rogay heestii Cabdi-khadar Xasan (AUN) ee “Waxaan Uurka Kaa Jirin“. Waxa isna qiirada daawadayaasha meel sare geeyey wiilka kale ee C/Karim Cali Shaah markii uu ku dhuftay heesta “Hannaan Socodka Laafyaha” ee uu qaadi jirey fanaankii Cumar Nuur Cabdulle (AUN). Ha ka tegin Najma Nashaad oo Qaaci Show isku kala bixisay heestii Fadumo Qaasim ee “Aaway Hee”. Boqolaal kun oo jeer ayaa mid walba goonidiisa looga daawaday You Tube-ka. 

Xagga Xamar na, waxay ku soo jawaab celiyeen iyagoo qaadaya heesihii fannaaniin reer waqooyi ah sida kuwiii Sahra Axmed, Axmed Mooge, Amina Cabdillaahi, Maxamed Nuur Giriig iyo Amina Feyr. Waxa tusaale kaaga filan heesaaga Xaliima Sacdiyo iyo Ibrahim Gacan oo si la yaab leh u darandooriyey heestii Gar-ma-qaate ee ay hore ugu luuqeeyeen Maxamed Nuur Giriig iyo Amina Feyr. Ku dar Safiya Maxamed oo iyana kaga dananisay heestii Sahra Axmed ee Ma Ragaadin Taladee. Ilaah ha u naxariisto intooda aakhiro u xijaabatay, inta noolna ha uga dabo naxariisto. Aamiin. 

Faallada ay ka qoreen daawadayaashu (comments) barnaamijyada Hargeysa laga soo saaray waxa mid ah: bilaash looma oran Hargeysa waa hooyada fanka/Somaliland Hoyga Suugaanta/fanku waa u dhalad/Ilaahoow Hargeysa noo daa/Hubaal fanku inuu Hargeysa ka alkunmay kuna dambayn dooono/ thank you Hargeysa caalamkaa na barteene/ Hargeysa waa mishiinka fanka kicisa iwm.  

Faalooyinka kore waxay shegayaan mid keliya: fanka waa la wada leeyahay, ee lama kala laha; waana hanti dadka ka wada dhexaysa.

Haddaba haddi maamulka Somaliland/Hargeysa ku guulaystay inuu fannaaniinta Hargeysa joogta ka maanaco inay siyaartaan Xamar, su’aashu waa: maamulku ma baajin karaa kullamada iyo bandhigyada faneed ee ka socda hawada sare (cyber space) iyo internetka?  Jawaabtu waa maya.

Waxa xusid mudan in Hargeysa ku qaadatay magaca hoyga fanka Soomaaliyeed, in dad badan oo hibo faneed leh, ka soo jeeda geyiga Soomaalida oodhan, ay saldhig ka dhigteen Hargeysa.

Siyaasadda maamulka Somaliland ee ku aaddan in aanay ka raali ahayn wadaagga bandhigyo faneed uu shacabka Somaliland la wadaago Soomaali inteeda kale, ma ay qarsan. Shirkii wada hadallada Somaliland iyo Dawladda Federalka Soomaaliya ee ka dhacy Jabuuti bishii Juun 2020, waxa uu maamulka Hargeysa sida fiinta uga qayliyey, kuna gacan saydhay soo-jeedintii ahayd in aan la xayirin, carqalad-na la gelin isku socodka fanka iyo dhaqanka. Waa mowqif siyaasi ah.

Mar walba waxa maamulka Hargeysa laga maqlaa in aan la siyaasadayn caawimada caalamiga ah, isla markaana waxay si joogto ah u siyaasadeeyaan fanka, weliba ku daraan in xabis iyo tacaddi loo geysto fannaaniinta iyo hal-abuurka kala duwan ee fanka. Macnihii deeqda caalamiga ah aynu wadaagno, fanka iyo dhaqanka se maya. Cajiib!!

Haddii maamulka Hargeysa aanu beddelin wadiiqadan uu cagta saaray ee ah is-gooniyeynta iyo is-faquuqa faneed/dhaqan, ee aan Ilaah badin, waxa sahal uga wareegi doona magaca caanka ah: Hargeysa Hoyga Fanka Soomaaliyeed. Xasuuso odhaahda caalamiga ah: qof-na gasiirad maaha (no man is an island), sidoo kale shacabka Somaliland.

In Hargeysa xarun u noqoto fanka Soomaalida wax ku hagaaga mooye, waxba ku xumaan maayaan. Hibo Eebbe ku siiyey, Habeen la iskama qaado.

Wa Bilaahi Towfiiq

W.Q. Maxamuud C/llahi Axmed

Email: [email protected]


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.