Thursday, November 21, 2019
Wardheer News
  • Maqaallo
  • Slideshow

GORFAYN BUUG: ABABINTA TOOSAN

W.Q. Caliqeyr M. Nuur

“Ababinta Toosan” waa dhigane si cilmiyeysan oo qoto-dheer uga hadlaya barbaarinta ilmaha. Bishii Agoosto 2019 ayaa lagu daabacay magaalada Stocholm.  Aw Cabdiqani Xasan oo ah qoraha buugga  waa wadaad, aqoon-yahan,  bare, suugaan-yahan iyo qoraa aad u yaqaan dhaqanka Soomaaliyeed. Balse buuggani waa kii iila wanaagsanaa intii uu qoray. 

Hubaal, inta badan waalidka Soomaaliyeed ee qurbaha waxaa haya welwel dhanka carruurta ah. Si maalinle ah ayaa loo maqlaa ilmo dugsigii ka saaqiday, mid maandooriye iibiya, mid irdhoobay ama tan maanta London ka taagan oo ah in wiilashii Soomaalidu ay dariiqyada isku dooxayaan. Dhib  weyn oo aanay qoysaskii hore  dooxayaan. Dhib  weyn oo aanay qoysaskii hore qabi jirin ayaa halkan ka oogan. Sidaasi ha jirtee dalalka Reer Galbeedku way ka  horumarsan yihiin dalkii Soomaaliya marka loo eego arrimaha saameeya carruurta, sida dhaqaalaha qoyska, tayada wax-barashada, adeegga caafimaadka iwm. Iyada oo ladnaantaasi jirto ayaa haddana waxaa taagan  aafa la moodo inay Soomaalida uun ku kooban tahay.

 “Ababinta Toosan” waa buug kulmiyey asalka dhibka, xalka iyo talooyin waalidka ku hagaya barbaarin la saanqaadi karta nolosha casriga ah ee maanta. Aw Cabdiqani oo ah qoraaga buuggu waa aqoon yahan, wadaad iyo dhaqan-aqoon. Sidaas darteed, cilmi-baarista uu arrinkan ku sameeyey waxay barbaarinta ilmaha naga tusaysaa dacallo aanan kala maarmin. Marka koowaad wuxuu si  dadban isu barbardhigayaa doorka ay aragiyada islaamka, dhaqanka Soomaaliga iyo hab-nololeedka martida loo yahay ee Reer Galbeedku ku leeyihiin barbaarinta ilmaha. Marka aad ogaato waxa ka dhalan kara  isla falgalka saddexdaas arrin kaddib ayuu haddana buuggu ku siinayaa talooyin ah  “sidaas yeel” iyo “sidaas ha yeelin”. 

Talooyinkiisu waxay koobayaan heerarka kala ah xulashada guurka, maareynta nolosha guud ee qoyska iyo barbaarinta ilmaha. Waa meerto nololeed oo uu qof kastaaba iska dhex-arkayo, xogna waxaa ugu suubban tan aad iska dhex-aragto. Aan tusaale u soo qaato bogga 92 -93aad oo qoraagu uga hadlayo raadka ay cayda iyo inkaartu ku reebto ilmaha. Halkan wuxuu ku qeexayaa saddexda jaad ee ay caydu u kala baxdo.

  1. Caraado: Caraadintu waa hadal ama maanso loola jeedo guubaabo iyo dhiirri-gelin. Tusaale ahaan qof baa maanso ku bilaabaya “Soomaalaay gun baa tahay”. Ama waalid ilmihiisa caraadinaya ayaa oranaya “Qof nool ma tihid ee fadhiga ka kac”. Erayadaas caraadin ama guubaabo tii lagu sheegaba, salkoodu waa cay. Hubaashuna waa in iyaga oo haaro ah ay ku qormayaan qalbiga ilmaha oo lagu sifeeyo sida warqad cad oo kale. Waa qalbi iyo dareen ku koraya hadba wixii uu ka maqlo waalidkiis. 
  1. Xin-gelis: Xin-gelisku waa in ilmaha la barbar dhigo ilmaha faciisa ah ama cid kale si uu uga ficilo-qaato. Tusaale ahaan waxaan maqalnaa “Hebel baa kaa fiican” ama “heblaayo oo kugu fac ahba waa taas sidaas iyo sidaas yeeshay”. Ujeed kastaba ha yeesho, balse arrinkani waa xumaan laga dhex abuurayo ilmaha, marna waa dhaqan xaasidnimo ama quuri-weyto ah oo lagu beerayo ilmaha. Xin-geliska waxaa ka dhasha cillad nafsaani ah oo uu yar yahay qof ka badbaado, heerka dhibkiisuna wuxuu ku xiran yahay hadba awoodda iyo saamaynta uu qofkaasi bulshada ku dhex leeyahay.
  1. Durqun: Waa cay toos ah oo ilmaha lala beegsado. Tusaale ahaan waxaan in badan maqalnaa –Ey yahow  –wecel yahay –dhillayahaydoqon yahow madaxa weyn iwm. Durqunku maalinle ayuu u  yahay xiriirka waalidka iyo ilmaha Soomaaliyeed; haddii si kale loo dhigana durqunku waa qab-jebin, han-jebin ama bahdil joogto ah. Waalidku wuxuu ilmaha u yahay muraayad ay iska dhex-arkaan, qabka ilmuhuna wuxuu ku xiran yahay hadba waxa uu muraayaddaas ka dhex-arko. Taas macnaheedu waa in caydu tahay muuqaal foolxun oo ilmaha laga tusayo qofnimadiisa.

Qoraagu dhibkii uu taabtaba wuxuu gadaal ka raacinayaa xalka ama waxa lagu doorsan karo. Dhibaatooyinka uu halkan ku xusayana waxaa ka mid ah, is diidka dhaqanka qurbaha iyo dhaqankii hore ee qoyska, furriinka, rajaynimada, agoonnimada, saboolnimada, dagaallada sokeeye, balwadda, dhaqan-gaddoonka, astaan-wareerka (identity crisis), iinta xiriirka qoyska, gabaabsiga aqoonta afka iwm.  Dhanka koowaad waxaa ka muuqata in uu buuggu maareynta iyo barbaarinta ilmaha ka soo bilaabayo xilliga guurdoonka taniyo inta ay ka gaafa-baxayaan. Dhanka labaadna waa aqoon qofka ku hagaysa nolosha san, laga soo bilaabo dherebta ilaa iilka. Maadaama uu xag diimeed u janjeerana qoraagu wuxuu talooyinkiisa ku saleynayaa aragti anfacaysa if  iyo aakhiraba. Hubaal, anigu weli ma arag buug uga suubban badbaadada qoyska.

Halka iin ee aan buugga ku arkay ayaa ah in uu soo gaabinayo qodobbo u baahnaa in aad looga faalloodo marka loo eego qoddabbada kale ee la gudban. Waxaan filayaa in qoraagu ebyi doono dheelli-tirkaas daabacaadaha xiga. Sidaas ha ahaatee, waxaan hubaa in buuggani door weyn ka qaadanayo samata-bixinta qoyska. Xitaa jeeskii aan ilma lehayn wuxuu ku kordhinayaa xigmadda wada-noolaanshada dhurowda.

Gunaanud

Aqriste weligaa ma qaadatay aqoon-kororsi ku saabsan ilma-korinta? Immisa buug oo arrinkaas la xiriira ayaad aqrisay? Ama mar qura, cid kale ma warsatay inay kaala taliso barbaarinta ilmahaaga? Dabcan waayaha ayaa wax ina bara, waalidkuna wuxuu u dhexeeyaa in uu  ilmaha ku barbaariyo saddex heer oo kala ah:  Si ka liidata sidii isaga loo koriyey, si la mid ah  ama si ka fiican. Hubaal, waa qodobka dambe hanka waalid kasta. Sidaas darteed, qofkii heli kara waan kula talin lahaa in uu dhiganahan wax ka kororsado.

Caliqeyr Muxumed Nuur

[email protected]

UK, Manchester


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2019 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.