Friday, September 25, 2020
Wardheer News
  • Maqaallo
  • Slideshow

Geeska Afrika iyo Loollanka Webiga Niil

W/Q: Cabdiraxmaan Dhuxul iyo Barkhad Cabduqaadir

Abiy Axmed

Tan iyo markii uu xafiiska yimi Abiy Axmed waxa uu xoogga saaray siduu u hanan lahaa kalsoonida Geeska Africa, uguna guuleysan lahaa siyaasadda webiga Niil oo ay horay Masar u soo dhex mari jirtay waddamada deriska la ah sida: Suudaan iyo Eritreya. Si uu marinkaa Masar uga soo xiro, markiiba wuxuu Abiy Axmed heshiis nabadeed la saxiixday Eritreya, taas oo dhaxalsiisay billadda nabadda oo bishay sumcaddiisa caalamiga ah, wuxuuna isu furay xuduudaha labada dal oo iyagu xirnaa in kabadan 20 sano.

Sidoo kale wuxuu hantay kalsoonida shacabka Khartuum oo dib heshiisiin ayuu u sameeyey kooxihii ku herdamayey dalkooda; kadib markii meesha laga tuuray Cumar Al-Bashir. Intaa oo keliya kuma dhammaan sheekadu e, Abiy waxa uu maamulka Suudaanta ku qasbay in ay iska fogeeyaan bayaanka wadajirka ah ee ay soo saareen dalalka Jaamacadda Carabtu, dabcan wayna yeeshay, Soomaaliyana in jidkaa Suudaan ay qaaddo ayuu Abiy ku dirqinayaa. Bayaankaas oo ay dalalka Jaamacadda Carabtu ku dhaliileen Itoobiya, iyagoo ku tilmaamay mid keliyaysanaysa arrinka webiga, isla-markaana diiddan in si loo dhan yahay la isula meel dhigo. Wasiir hore oo Suudaani ah oo isna hadlay ayaa yiri hadal macnihiisu uu ahaa: “Haddii biyaha Niiilku ay Masar ka imaan lahaayeen, Masar biyaha waxay ku iibin lahayd dhalooyin”.

Suudaantu waa dad la qahray oo waxaa muddo dheer dhalada kaga fadhiyey nidaam keligii-talis ah oo dadka gaarsiiyey xaalad caqasho daran ah, sidaas awgeed iyagu waxay guul weyn u arkaan korontada raqiiska ah ee ay Itoobiya ka heli doonaan kolka uu biyo-xireenku haw-lgalo sanadka dambe. Abiy, waxaan meesha ka maqnayn oo uu saaxiibtinimo dhow la samaystay Soomaaliya iyo Jabuuti; in-kastoo Jabuuti iyo Itoobiya ay horay u midaysay cadaawadda kala dhaxaysay Eriteriya.

Dedaalladaasi waa kuwo bilay sida ay Itoobiya u eg-tahay kolka la joogo maxfallada siyaasadeed ee caalamiga ah, waxaa intaas dheer, Abiy si uu u loodiyo xoogagga mucaaradka ah ee aadka looga daba dhacay oo uu aadka uga baqayo doorashada uu 5 bilood kadib la geli doono, in uu u kabo illaday samaysashada sumcad siyaasadeed oo gudaha dalkiisa ah; isagoo doonaya Itoobiyaanka ay macaluusha iyo saboolnimadu isu laba-murqaynayaan in uu u muujiyo sida ay uga go’an tahay baahitirkoodu.

Biyo-xireenka GERD

Waxa uu dhawaan dib u billaabay dhisamaha biyo-xireenka, waxa uuna qorsheynayaa in roobabka xagaaga kahor uu bisha Juun dhammaystiro buuxinta kaydka koobaad ee biyo-xireenka (first reservoir) oo qaadkiisu dhan yahay 74 milyan oo mitir kuyuubik oo biyo ah, isla-markaana noqonaya kaydka u weyn qaaradda Afrika.

Olole siyaasadeedka arrimaha dibadda ee ay wadday xukuumadda Abiy Ahmed wuxuu kalsooni-darro ku ridday dowladda Kenya oo iyadu majaraha u haysay siyaasadda Geeska. Isla isbuucanna Kenya waxay soo saartay bayaan ay sheegtay in muranka Niilka ay Masar ku taageertay. Sababtoo ah, Itoobiya haddii ay biyo-xireenka ku guuleysato waxay gacanta ku dhigi doontaa awoodda dhaqaale ee gobolka, iyadoo misana noqonaysa midda xakamaysa nalka ifinaya guryaha gobolka, isla-markaana matoorrada u daaraysa warshadaha gobolkeena. Goortaas, Kenya waxaa u muuqata cabsi daran oo ah in ay si fiican shafka dhulka ugu garaacan doonto.

Soomaaliya waxay saaxiib dhow la ahayd Masar iyo Kenya iyadoo kala shaqaysay soo-noolaynta qaranka Soomaaliya, iyagoo qayb ka qaatay shirkii Qaahira ka dhacay 1997 ee dhicisoobay iyo kii kale ee Eldoret ka dhacay 2003-dii oo labaduba ay dedaal ugu jireen helidda xal waara oo laga gaaro dhibaatada Soomaaliya. Waxaa muuqata inay saaxiibnimadaasi wiiqantay oo siyaasadda arrimada dibadda ee Soomaaliya ay u weecatay dhanka Itoobiya. Haddaba, maxaa sababay in Soomaaliya ay la safato dhanka Itoobiya?

Masar waxay xiriir aad u dhow la leedahay waddamada Maraykanka iyo Sucuudiga halka xiriir aanan wanaagsanayn uu kala dhexeeyo Turkiga iyo Qatar. Masar qudheedu hawl badan bay wajahday, muranka webigana si ay taageero ugu hesho lacago laaluush ah ayey bixisay, wasiirkeeda arrimaha dibaddu, mudane Sameh Shoukri waxa uu waayadan ba meeraysanayey dalalka carbeed, si dalalkaasi ay arrinta Niilka ugu garab noqdaan. Iyadoo ay ka doonayaan in dalalkaasi ay si gaar gaar ah u soo saaraan bayaanno taageero ah oo ka dhan ah dalka Itoobiya.

Xiriirka aadka u adag ee Soomaaliya kala dhexeeya Turkiga iyo Qatar ayaa ah mid shidaal siinaya in Soomaaliya ay u dheellido dhanka Itoobiya. Khilaafka baddda ee cakiran ee saameeyey xiriirka diblomaasiyeed ee Kenya iyo Soomaaliya ayaa ah mid u dhaweeyey dhankaa.

Doorashada Soomaaliya ka jirtaa ma saamayn doonaa khilaafka webiga?

Abiy iyo Khayre

Dhawaan ayey Raysal wasaare Kheyre iyo Abiy Axmed isku arkeen Addis Ababa iyadoo qodobbada ay ka wada hadleen labada nas’uul ay ku jirtey doorashada Soomaaliya. Sideedaba, dowladda Itoobiya ma rabto isbeddel siyaasadeed oo ka dhaca dalka Soomaaliya, inta ay walaaca ka qabto dhisidda dowlad cusub oo Soomaaliyeed oo anan ka shaqaynayn danahooda beddelkeed na waxay rabaan in qolada hadda joogtaa ay sii joogaan si ay garab ugu noqdaan qadiyadda muranku marka ay taallo maxfalka Jaamacadda Carabta, dowladdaas oo ugu dambaysta la meel dhigta kiiska Niil iyo murankooda Masar. Taas ayaa sababaysa in Itoobiya ay aad ula shaqayso soo noqoshada dowladda hadda jirta.

Ma tahay go’aan saxsan inay Soomaaliya ku biirto loollanka webiga?

Aragti ahaan, qorayaasha maqaalku waxa ay rumaysan yihiin in degdeg diblomaasiyadeedi uu ka muuqdo dowladdeena Soomaaliyeed. Sababtoo ah, haddii aynu Itoobiya ku kaalmayno dhammaystirka wejiga koobaad ee dhismaha biyo-xireenka ABAY, waxa aynu gacanteenna ku dallacsiinay saraakiishii masiir ahaan inoo deldeli lahaa. Hadhow na sanado badan baynu dib farta dhexda uga qaniini doonaa.

Maxaa xal ah?

Soomaaliya, inkastoo ay sanadihii dambe samaysay isbeddello gudeed iyo kuwo caalami oo wanaagsan, misana weli waxaa marar badan la inoo arkaa boorso gacameed ay Itoobiya kilkilada ku sidato, sidaas awgeed waa in dowladdeenu ay la timaaddo caqli siyaasadeed oo ka fog soo laabasho doorasho oo quraata. Beddelkeed na, waa in aynaan innagu sinnaba qayb uga noqon guul dhaqaale oo Itoobiya gaarto. Sababtoo ah, guushaas dhaqaale waa midda mustaqbalka dhow Itoobiya dhaxalsiin doonta mulkiyad buuxda oo siyaasadda gobolka ah, mulkiyaddaas oo awood dhaqaale ku qotonta. Mustaqbalka na in badan caqabad inagu noqon doonta, dabadeed na ina ka calwin doonta wax badan oo hanaqaadkeenna siyaasiga ah.

Ugu dambayn, haddii Abiy uu dhammaystirka biyo-xireenka ka raadiyey sumcad gudeed iyo doorashadoo uu soo laabto, innagu maaha in aynu ka raadino doorashada Xamar oo lagu soo laabto oo keliya; innaga tallowsiinayna dowladdii u wayneyd ee aynu tartanka taariikheed iyo midka masiiriga ah kula jirnay; ee dowladda Soomaaliyeed waa in ay feejignaan badan ku gasho wax-ku-darsiga hawlahaan degaan-siyaasadeed (Geo-politics). Sidoo kale, walow uusan inoo muuqan, misana waa in ay diyaariso qorshe-istaraatiijiyadeed oo aanan deriska na ina ku dirayn, isla-markaana u qaaraamaya aayaheena dambe.

W/Q: Cabdiraxmaan Dhuxul iyo Barkhad Cabduqaadir

Email: [email protected]


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2020 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.