Sunday, April 28, 2024
Wardheer News
  • Featured
  • Slideshow
  • Warar

Gabadh Yar oo lagu Kufsaday Jigjiga Ka Dibna Si Arxan Darro ah Loo Dilay

Xuquuqda sawirka: BBC/ Faadumao adeekeed

Magaalada Jigjiga ee caasimadda dawlad deegaanka Soomaalida ayaa laga soo sheegayaa dhacdo xanuun badan oo shacabka deegaanka ku abuurtay cadho xoog leh, ka dib maarkii gabadh yar oo 11 jir ah ay kufsi wadareed u geysteen 4 nin oo la sheegay in ay ka soo jeedaan qawmiyado kala geddisan dabadeena ay dileen.

Sida ay xaqiijiyeen baadhitaano ay sameeyeen dhakhaatiirta Jigjiga, gabadhan yar oo lagu magacaabi jiray Faadumo Ugaas Carab ayaa loo geystay kufsi ka hor intii aan la deldelin.

Warka ayaa intaa waxa uu ku darayaa in booliska deegaanka Soomaalidu ay gacnata ku hayaan dadkii geystay falkaas waxashnimada ah sida ay ku sheegeen qoraal ay ku baahiyeen barta Facebook.

Aabbaha dhalay gabadhan yar ee la dilay, Ugaas Carab, oo BBC da laanta Af Soomaaligu wareysatay ayaa sheegay inuu ku baraarugay arrinkan ka dib markii uu maqlay qaylo yeeraysa. “Guriga dad waaweyn ma joogin, anigana qolkayga jiifka ayaan ku jiray, markii aan tuu-tuujiyey oo aan is iri ma naqas baa ku dhegey anigoo isku dayaya inay dhaqdhaqaaq samayso ayaan arkay xarig lagu ceejiyey, waan ka gooyey, dhakhtarka ayaan geynay” ayuu yiri Ugaas Carab. Isla markii isbitaalka la geeyey ayey dhakhaatiirtu xaqiijiyeen inay geeriyootay.

Ragga falka geystay ayaa la sheegayaa in ay ahaayeen shaqaale isaga uga shaqaynayay meel faarad ah oo alaabada guryaha lagu sameeyo oo uu isagu leeyahay.

Falkan oo shacabku aad uga cadhoodeen ayaa la sheegayaa in dad kooban ay dibad bax iyo dhagaxtuur ay arrintan kaga soo horjeedaan ay ka dhigeen meel aan ka fogeyn guriga gabadha haseyeeshee ciidamada booliska ayaa kala eryay markiiba iyagoo adeegsanaya qiiqa dadka ka ilmaysiiya islamrkaana xabsiga dhigay qaar ka mid ah dibadbaxayaashii oo u badnaa qaraabada gabadha yar.

Cagjar oo baadari u ducaynayo

Maamulka uu horjoogaha ka yahay Mustafe Cagjar ayaa tan iyo intii talada loo dhiibtay, waxa uu ku caan baxay in uu wax walba ka hormariyo daryeelka iyo ilaalinta qawmiyadaha kale ee deegaanka ku sugan, kuwaas oo haysta xuquuq iyo mudnaan ayna Soomaalidu ku haysan dhulkooda.

Horgale Cagjar oo ay ku hareeraysanyihiin isla markaana hayaan dhammaan xilalka muhiimka shakhsiyaad xigtadiisa ah ayaa la sheegaa muddadaas uu xilka hayay in uu xoogga saaray sidii uu uga faroqabsan lahaa hantida ummadda deegaanka ee tabbaalaysan isagoo lacago badan u xawishay dibadaha xilligana ka mid ah dadka ugu hantida badan deegaanka.

Si kastaba ha ahaatee shacabka deegaanka ayaa shaki badan ka qaba in gacan ku dhiiglayaashii gabadha yar dilay la horgeyn doono sharciga sida ay ku hadaaqeen qaar ka mid ah maamulka Cagjar maadaama dhacdooyin badan oo middan la mid ah oo hore uga dhacay deegaanka aanay jirin wax tallaabo ah oo maamulku ka qaadday ilaa hadda.

Madaxweyne Cagjar ayaa lagu tilmaamaa madaxweynihii ugu damiirka xumaa ee soo mara deegaanka Soomaalida tan iyo intii Itoobiya laga hirgeliyay nidaamka qawmiyadaha ee federaaliga ah.

Dhanka kale maxaabiis u dhalatay deegaanka Soomaalida oo xabsiga loo taxaabay xilligii uu isbeddelku ka dhacay dalka Itoobiya ayaa la sheegayaa in qaar ka mid ahi ay xorriyaddoodii dib u heleen iyadoo Cabdi Ilay oo gabboodfal badan ka geystay deegaanka muddadii uu ka talinayay aanu ka mid ahayn dadkaas hadda xabsiga laga soo daayay.

WardheerNews, Jigjiga.


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.