Muqdisho (WDN)- Doorashooyinka hoggaanka Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaaalka Soomaaliya, ayaa la soo gabagabeeyay maanta oo ku beegan bisha Janaayo 22, 2017.

Xilka guddoomiyaha Aqalka Sare, ayaa waxaa loo doortay Md. Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo kas oo jeeda gobolada Waqooyi. Md. Cabdi Xaashi ayaa helay 43 cod, halka musharaxa la tartamayay uu helay 9 cod.
Sidoo kale Md. Abshir Maxamed Axmed “Bukhaari” oo laga soo doortay maamulka Galmudug, ayaa loo doortay ku xigeenka koowaad ee Aqalka Sare ee Baarlamaanka. Md. Abshir ayaa helay 30 cod, halka murashax Cabdi Axmed Dhuxulow oo la tartamayay uu helay 22-cod.
Xilka guddoomiye ku-xigeenka 2-aad ee Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa loo doortay Md. Mowliid Xuseen Guhaad, ka dib markii wareegii ugu danbeeyay uu kaga guuleystay Xildhibaan Cabdikaafi Macalin Xasan.
Md. Mowliid ayaa helay 28-cod, halka Cabdikaafi Macalin Xasan 24 cod uu helay.
WardheerNews
