Saturday, April 27, 2024
Wardheer News
  • Maqaallo
  • Slideshow

Doorasho mise ku shubasho: Doorashada Labada Gole ee 2021- Qaybta 1aad

W/Q Cismaan X. Maxamed

Doorashada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee Jubaland

Doorashada Aqalka Sare oo ah qayb ka mid ah doorashada labada Gole ee Baarlamaanka 2021, oo soo jiitamaysay muddo dheer, iyada oo murashaxiinta Madaxweynaha u taagan iyo Madaxweynaha hadda kursiga ku fadhiya khilaaf xooggani u dhaxeeyay. Kaasi oo gaaray xad in ciidamo qaab qabiil u abaabulani, soo galaan gudaha Muqdisho.  Allaa mahadle oo ma dhicin in xabadi dhacdo, laakiin qarka ayey u saarnayd in Soomaaliya markale 30 sano oo  mugdi ah gasho. Garanmaaayo sida ay u fikirayeen dadka jagada Madaxweynaha u tartamaya ee ka danbeeyey in ciidamo qabiil ah ay soo galiyaan Xamar, oo hadana rabay in ay dal iyo dad xukumaan, oo madax u noqdaan.

Madaxweyne Axmed Madoobe

Si kastaba ha ahaatee waxay Doorashadii  dhibta badan loo soo maray ka bilaabantay jubaland 27 July 2021. Madaxweyne Axmed Islaam waxuu soo saarey Liiska Murashaxiinta Aqalka  Sare oo ah afar (4) kursi, oo sideed (8) xubnood ku tartamayaan. Waxa lala yaabay heerka ama darajada musuqmaasuqa ee liiskaasi xanbaarsanaa, oo ahayd waxaan wali horey loo arag.  Tusaalle hadii aan u soo qaato  Senator Fartaag waxaa la tartamayey Darwalkiisa, Senator Iftin Baasto waxaa la tartamayey seedigii.

Senator Abdirazaaq oo kursi Koombe ku tartamayey, waxaa loo badalay Kursi reer (Wabeeneeye), oo Majeerteen kaliya leeyihiin, iyada oo Gari Koombo iyo Hartigii kale liiska  laga reebey. Senator Ilyaas isna sidoo kale ayaa minxiisyo lagula soo qorey.

Murashaxiintii la tartameysay afarta liiska ku soo baxday iyo dadkii  Soomaaliyeed oo dhan waxaa ku dhacay filanwaa, maadaama Madaxweyne Axmed Islaam uu muddo sanad ah ku qaylinayey isaga iyo Madaxweynaha Puntland iyo Murashaxiinta u taagan  Madaxweynenimada 2021 “Waxaan rabnaa doorasho daahfuran, Xor iyo Xalaal ah”.

Taa badelkeedii waxuu ka dhigey doorasho boob ah, xaaraan ah oo inaba aan xornimo meelna ka soo galin.

Sidoo kale waxaa noqday waxaan mabd’a haba yaraatee lahayn Kudladii Murashaxiinta ee Madaxweynenimada rabtay oo la filayey in ay u hiiliyaa caddaalada, ayaa noqday kuwii ugu horeeyey ee taageerey dulmiga.

Murashaxiinta Jagada Madaxweynaha DF Soomaaliya 2021

Dhacdadani waxay qaawisey oo ay banaanka soo dhigtey dadkii lahaa waxaan nahay Badbaado Qaran, in ay u xuubsiibteen dad aan damiir inaba lahayn, sababtoo ah waxa ka dhacay Kismaayo waa taariikh musuqmaasiqii ugu weynaa ay Soomaaliya soo mara. Dhacdadani waxay noqotay sidii buurtii uuraysatay ee foolanaysay labada bilood ee markii danbe cirbada dhashay – Kutaladihii Mucaardku waxay noqdeen kuwa saqiirey oon wax karaamo ah indhaha bulshada Soomaaliyeed iyo tan caalamka midna ku lahayn.

Suaa’shu waxay tahay Madaxweyne Axmed Islaam in uu sidii uu rabo yeelo maxaa keenay ama sababay?

Waxaa sababay awood qayra caadi ah oo  hal qof la siiyey oo aanay jirin cid la xisaabtami karta ama meel looga dacwoon karo. Doorashada Dadban Nidaamkeedu waxuu u   qoranyahay sidatan “ In Madaxweynaha Dawlad Goboleedku uu awood buuxda u leeyahay in uu soo magacaabo xubnaha D/Goboleedka ku matalaya Aqalka Sare”. Waa awood la mid ah ta boqoradu haystaan oo aan wakhtigan Jamhuuriyadda Faderaal ka ah  la joogo aan la jaanqaadi Karin. Sida saxda ah waxay ahayd in loo qoror sidan “ Murashaxiinta Aqalka Sare u tartamaya in ay codsiyadooda u geeystaan Guddiga Doorashooyinka ee FEIT. Taasi waxay dhalin lahayd Doorasho aan ku urursaneyn awooda hal qof, oo daah furani ay dhacdo, islamarkaana dawladu taageero dhaqaale oo ay doorashooyinka ku maamusho ka heli lahayd oo musumaasuqana la xakameyn karo.

Musuqa Madaxweyne Axmed Islaam oo Xataa Jubaland dhaaftay!

Ugu horeyn kursiga Koombe waxaa dalbaday in Majeerteen (Wabeeneeye)  loo xiro Madaxweynaha Puntland. Qoladan oo ah reer yar oo ka tirsan Majeerteen, oo baayacmushtar weyn ku leh wadamada Bariga Afrika ayaa horey u maalgalisay doorashadiisii Madaxweynanimo ee Puntland, isla markaana hadda maalgalin xooggan ku taageeraysa tartanka Madaweynaha Puntland  uu ugu juro in uu isu sharaxo Madaxweynaha JFS.

Madaxweyne Madoobe iyo M/weyne Deni

Maadaama Madaxweyne Dani uunan ka siin karin kursi Puntland, lacago badano ka qabo, waxuu lacag siiyey Madaxweyne Axmed Isaam si uu Jubaland uga siiyo kursiga Koombe oo aan tartan la galin. Tani waa arin ugub ku ah siyaasadda Soomaaliya maadaama doorashooyinkii hore musuqa dhacaa uu ku  koobnaa kaliya Dawlad Gobaleedka .

Afarta Kursi ee kale uu Madaxweyne Axmed Islaam wali kor u hayo, oo sida laga warqabo dooran, ujeedadiisu waa cadahay oo waxuu ka rabaa Madaxweynaha Koonfur Galbeed in uu xubin Ogaadeen ah xubnaha Aqalka Sare ee ka soo baxaya Dawlad Goboleedka Koonfur Galbeed ku soo daro.

Ma filayo in   Madaxweynaha KG  fulin karo  dalabka Madaxweyne Axmed Islaam. Waxaan filayaa sida kaliya uu kursiga Madoobe rabo ku bixin karaa in sidii Kismaayo loo boobay in uu jufo lahayd Aqalka Sare ee Koonfur Galbeed laga fara maroojiyo, taas oo aan u badinayo in aanu yeeleyn Madaxweynaha KG Md. Cabdicasiis Laftagareen.

Sidoo kale Madaxweynaha Koonfur Galbeed waxuu Madaxweynaha Jubaland ka rabaa in xubno uu rabo ka soo saaro Jubaland. Xubnaha uu rabo in la soo saaro ergadooda waxaa laga soo daabulayaa Baydhabo, sida aan xog ku heley. Haddaba Doorashadii Xorta iyo Xalaasha aheyd waxay maraysaa in Dawlad Goboleeddada Madaxweynayaashooda kala iibsadaan kuraasta magac ahaan la leeyahay waa loo tartamayaa!

Waad la socotaan Madaxweyne Axmed Islaam sida uu Madaxweynenimada isugu caana shubay. Waxuu yiri “aniga Guddi Doorasho ma rabo in ay Xildhibaanada Jubaland soo xusho, ee qola kasta saddex xubnood ha soo saarto, oo kaan anigu rabo aan kala baxo una aqoonsado Xildhibaan. Xildhibaanadii uu doortey ayaa isaga doortay – waa nin Jabhad ah oon sharci, Diin iyo Dastuur midna u joogsanayn. La yaab malaha   nin aan sharciyad ku fadhiyin kursiga ee  khiyaano iyo xoog ku fadhiya,  in uu sidii uu ku yimi oo kale xubnaha Aqalka sare kaligiis doorto.

Saaxiibada Soomaaliya -Beesha Caalamka

Beesha Caalamku arrinta Soomaaliya way ka niyad jabtay sababtoo ah wax horumar ah uguma soo muuqata iyagoo intii ay caddaadis saari lahaayeen dhinacyada kursiga Madaweynaha ku tartamaya saartay, intii ay talo siin lahaayeen iyo ka badanba siiyey.

Beesha Caalamku markay aragtey foolxumada iyo musuqa ka dhacay Jubaland waxay ku jawaabaan way garanwaayeen, maadaama dadkii mucaaradka ahaa ay isla markiiba Doorashada Aqalka Sare ee Jubaland u hambaliyeeyeen Madaxweyne Axmed Islaam. Go’aan waxay gaareen Beesha Caalamku in ay isha ka fiirshaan si taxadir leh.

La soco qeybta 2aad iyo 3-xaad

Cismaan X. Maxamed
Email: [email protected]


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.