Tuesday, April 23, 2024
Wardheer News
  • Maqaallo
  • Slideshow

Doorashada Qof  iyo Cod iyo Degmooyinka ka Baxsan Diilinta Madow

W/Q Maxamed Cabdi Maxamuud

Marka laga hadlayo dowladnimada Puntland intii ay jirtay waxay ahayd mid u badan ama ku eg laamiga dheer, ilaa dadka qaarkiis ku tilmaamaan ama naanaysaan ‘Dowladda Diilinta Madow’ oo micniheedu yahay in aysan waxbadan kala socon wixii laamigaas dheer ka baxsan ama adeeg bixintu tahay mid gaabis ah. Tusaalle ahaan, 20% degmooyinka Puntland waxay ku yaalaan laamiga, halka 80% ay yihiin degmooyin ka baxsan laamiga. Waxayna hadda keenaysaa ururadda tartamayaa in ay si gaara u fiirshaan xooggana u saaraan meesha loo badanyahay, iyaga oo ku soo baxaya siday ugu kala cod bataan dhamaan degmooyinka ay doorashooyinku ka dhacayaan Goleyaashooda Deegaanka, ee aysan ahayn  magaala heblaa muhiimsan ama laamiga ku taal.

Doorashooyinka golaha degaanka, 2021

Haddaba doorashooyinka goleyaasha deegaanku wuxuu horseed u noqon karaa maamul baahinta iyo daadajintaba, madaama adeeg bixinta bulshadda badi ay lawareegi doonto Dowladdaha Hoose ee degmooyinka. Marka waxaan si gaara u eegaynaa dooroshooyinka goleyaasha deegaanku  faa’iidooyinka ay u leeyihiin degmooyinka ka baxsan “diilinta madow” oo ay ku xooggantahay dowladda dhexe ee Puntland sida soo socota:

1.Dareemidda ka mid noqoshadda iyo lahaanshaha Dowladnimadda

Bulshadu in ay wada dareento wada-lahaanshaha Dawladnimo waa inay noqotaa mid u siman fursadaha dhaqaalaha iyo siyaasaddaba, ka mid ahaansho iyo ka qaybqaadashaba. Madaama bulshadda ku nool wixii laamiga ka baxsan ay qabaan in aysan wax badan kulahayn maamulka soo dhaafi la’ laamiga.

Marka aan wax yar sii faalayno:  Buuga caanka ee la dhaho ‘Maxay Qaramadu u Burburaan’ ‘Why Nations fail’ oo ay wada qoreen Acemoglu iyo Robinson kana sameeyey daraasad waddama tira badan oo ay ka mid tahay Soomaaliaya, ayaa baaritaankooda ku soo xoorinaan; in hadii  ay jirto in dadka bulshada qayb ka mid ihi ay dareensanyihiin in aysan ka mid ahayn hanaanka dhaqaale ama siyaasaddeed ee qarankaas ay keento in aakhirka uu dumo si kasta oo ay isku diin iyo dadba u yihiin. Marka waa wax muhiima in dowlad-nimadu noqoto mid daadagsan oo baahsan, kana qayb galaan dhamaan qeybaha kal agedisan ee bulshadda.

2.Mooralka shacabka Degaannada ka baxsan laamiga

 Mooralka shacabka ku dhaqan degmooyinka ka baxasan laamiga oo yarayd in ay arkaan ama la kulmaan madaxdooda. Taasi oo ay sabab u tahay maadama madaxdu aysan u arkayn dhulkaa inay aadaan oo u safraan, wax badan oo kaga xiran in uusan jirin ama aysan jirin wax ku riixaya tagida dhulkaa ka baxsan laamiga. Haddii ay dhacdana waxay ahaan jirtay in meel uun ka degaan magaaladda, oo la kulmaan cid gaara, una badan saacado kooban in ay ku nagaadaan degaanka. Tusaalle ahaan waxaa jirtay in Madaxwayna-ku-xigeenka Puntland oo mudo ugu yaraan asbuuc ahayd uu dhex mushaaxayey tuulooyinka hoostaga Degmadda Ufayn, oo ka mid ahayd sadexdii degmo ee lagu tijaabinayey doorashooyinka golaha deegaanka, taasi waxay meesha ka saaraysaa is-aragwaagii dhexyaalay dadka shacabka ah iyo madaxdooda oo qaarkood ka caraysnaan jiray arintaa.

Waxayna sii xoojinaysaa isdhexgalka bulshadda iyo madaxdda oo ka dhalankarta in ay baahiyaha gaar ka ah ee bulshada si fiican u fahmaan. Waxayna sababtay mas’uuliyiinta xilka haya iyo kuwa ururadda oo muujinaya is dhuldhig iyo dhexgal aan awal lagu aqoon jirin madaxda. Taasi  oo ay meesha ka saartay madax soo gasha degmo oo dad gaara la kulanto, iyadoo dadku siiba dhalintu rag iyo dumarba u hamuunqabto in la tixgaliyo, la arko weliba la dhagaysto, dhankoodana maqlaan talooyinka madaxdoodda ahna wax muhiim gaara leh waaqiciga soomaaliya guud ahaan degmo kasta.

3.Kaarar qaadashadda (ID card)

Waxaa jira in isdiiwaan-galinta doorashooyinka Golayaasha Deegaanka ay ka mid ahayd in uu qofkata isdiiwaan galiyo, qaatana kaarka codbixinta; kaarka aqoonsiga (ID) wuxuu inta badan caan ku yahay in laga qaato degmooyinka waawayn ee ku yaala laamiga, laguna qaato lacag aan ka yarayn $20. Qofkii meel ka baxsan magaalooyinkaa waxa khasab ah in ay u soo doontaan, iyada oo ay ugu kacayso lacag intaa ka badan, wakhti iyo hawl. Halka hadda kaarka codbixinta uu yahay mid bilaash ah, isla markaana laga qaadanayo qofkasta goobta ugu dhow (Seejada) ama ha ahaato mid laamiga ku taal ama mid ka baxsan. Marka waa fursad in qof aan weligii kaar aqoonsi aan qaadan, in uu maanta jaaniskaas helo. Wakhtigan danbe waxaa soo kordhaya muhiimada aqoonsiga sida in aad furatid Bangi (Bank) ama in aad lacag ku dirtid ama ka qaadatid xawaalad. 

4.Dhalinyaradda iyo soo bandhiga awooddooda iyo hal abuurkooda

Doorashadu waxay sahashay in dhalin badan oo ku dhaqan degmooyinka ka baxsan laamiga ay helaan fursad ay kusoo bandhigaan kartidooda iyo hal abuurkooda, khaasatan xiliyadda ay jiraan ban-baxyadda iyo ol’olaha ururada iyo musharaxiinta. Marka ugu yaraan waxay keenaysaa in dadku is bartaan, khaasatan dhalinyaradda oo la ogaado hibadoooda iyo awooddahooda, keentana in noqdaan kuwo la arko oo ugu yaraan hela tixgalin iyo maamuus.

Inta badan saxaafadu waxay sidoo kale ku xooggantahay ama koobantahay degmooyinka saaran laamiga, lakiin xiligaan oo kale waxay ka helaan fursad ururadda iyo mushariixiinta qabsanaya banaanbaxyadda iyo ololayaasha. Taasi oo sahlaysaa in ay soo tabiyaan dhalintaa hal abuurka leh. Waxaa intaa sii daba taal in dhalinyaraddu jecladaan wadanka iyo degmooyinka ay ku noolyihiin ayna yarayso barakaca loo aadayo magaalooyinka laamiga ah, maadaama la maqlayo iyagoo jooga degmadooda.

5.Hanaanka Federalka iyo maamul daadajinta

Waxaa jira in ay Puntland tahay udub dhexaadka nidaamka Federalka iyo maamul dajinta oo weli Soomaaliay aysan si fiican u saldhigan madaama weli dastuurkii uu yahay mid qabya ah. Doorashooyinka golayaasha degaanku waxay cadayn u noqonayaan maamulka Puntlnad in ay tahay mid ku dhaqanta maamul daadajinta. Taasi oo keenaysa in degmooyinku noqdaan dowlad u madax banaan adeeg bixinta bulshooyinkooda, sharci u helidda wax yaalaha sida gaarka u taabanaya degaankaas iyo  doorashadda cidii u matali lahy golayaasha deegaanka.

6.Mashaariicda Horumarineed

Mashruuca ugu wayn oo Puntland ka hirgalay shan iyo tobankii  sano ee ugu dambaysay wuxuu ahaa mashruuca loo yaqaan UNJPLG, kasoo ka fula ilaa 13 degmo ee Puntland
(waxaa lacagta isla bixinayey hayado dhawr ah oo ay ka mid yihiin Qaramada Midoobay, Wasaaradda Maalliyada Puntland iyo degmadda mashruucu ka fulayo).  Waa qorshe iyo  nidaam ku dhisan wax la imow, aan wax kuugu daree.  Waa mashruuc lagu caana maalay waxbadana ka qabtay kaabayaasha dhaqaalaha, adeeg bixinta degmooyinka, amaba kor uqaaday hanaanka maamul ee degmooyinkaas, sida ka muuqata degmada Garoowe iyo Buurtinle tusaalle ahaan.

Mashruucan wuxuu ahaa mid in mudda ah ka howl gala degmooyinka waaweyn oo ku teedsan laamiga, markii danbena loo fidiyey degmooyinka ka baxsan laamiga. Marka haddii la helo golayaal degaan oo taya leh, waxa fursad noqonaysa in mashruucaas oo kale wixii laga bartay looga faa’iideeyo degmooyinkaas. Kaas oo noqon kara mid kasii miradhal badan kii hore oo muda ahaa tijaabo iyo cashar barasho. Waana hanaan fudud oo dhamaan degmooyinka lagu hormarin karo.

7.Tusaalle u noqoshadda doorashadda degmooyinka maamulada iyo deegaannada  kale ee Soomaaliya

Dorashadda waxaa cashar ka baran kara dowladdaha xubnaha ka ah dowladda federalka ah ee Soomaaliaya. Waxaa jirtay in mudo badan la aaminsanaa in aysan doorasho gola deegaan ka dhici karin Soomaaliaya, marka laga reebo Somaliland oo ay horey uga qabsoontay doorashooyinka nidaanka xisbiyada badan (multiparty system) dimuqraadiga ku dhisan. Haddase waxaa caddaatay in ay fududahay in doorasho loo qabto degmooyinka, suura galna ka dhigikarta in doorasho noocay tahayba laga qaban karo Soomaaliya; marka laga reebo meelaha duruufo amni ay ka jiraan ama aan ku jirin gacanta dowladda.

Doorashooinka hadda laga hirgalinayo degaanada Puntland, waxay ina tusaysaa in Puntland mar kale hormuud u noqonayso in ay u faa’iidayso dhamaan dowladdaha xubnaha ka ah dowladda federaka ah iyo gobalka Banaadir, wixii khibrad ah oo ku saabsan doorashooyinka golayaasha degaanka.

Udu danbayntii maamul daadjinta cida ka faa’iidaysaa waa bulshadda ku dhaqan dhamaan degmooyinka, si gaarana kuwa ka baxsan waddada laamiga ah, loo baahanyahay in qof kastaa uu adeega u helo si siman, oo markaasi qofna uusan ugu safrin meel ka fog degmadda uu daganyahay). Taasi oo ah in bulshadda loo dhoweeye maamulka, kana tarjumaya  baahiyaha gaarka ah ee bulshaddaas.

Hirgelidda doorashooyinka golayaasha degaanka Puntland, waxa ay bilow fiican u tahay dhamaan degmooyinka Soomaaliya, iyada oo keenaysa wax yaala badan oo ku xeeran hurumarka degaanadda iyo matelaad shacbigu in uu doorto cidda hoggaanka u qabanaysa doorasho qof iyo cod ah (1p1v), islamarkaana kula xisaabtamaan.

Maxamed Cabdi Maxamuud
Email: [email protected]

————
Lataliye Machadka Tababaradda Dowladdaha Hoose ee Puntland 


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.