Friday, March 29, 2024
Wardheer News
  • Slideshow
  • Warar

Doolow: Qoysas soo barakacay oo lagu wareejiyay guryo dhisan, kadibna billaabay ganacsiyo yaryar

Doolow: Qoysas soo barakacay oo lagu wareejiyay guryo dhisan, kadibna billaabay ganacsiyo yaryar.
Yareeyo Tukoow Xasan iyo carruurteeda oo hor fadhiya guriga loo dhisay/Maxamuud Cabdirashiid Cabdi/Ergo

Siddeetan qoys oo ah dad soo barakacay oo ku nool xerada Ladan degmada Doolow ee gobolka Gedo ayaa lagu wareejiyay guryo loo dhisay oo ka sameysan jiingad iyo alwaax. Sidoo kale waxaa la siiyay agabka cuntada, hu’ iyo soolarro yar-yar oo guryaha ay ku iftiin sadaan.

Markii ay heleen caawinaadan qaarkood waxa ay billaabeen ganacsiyo yaryar oo noloshooda ay ku maareeyaan.

Xaawo Mukhtaar Caabud oo dadkaas ka mid ah ayaa sheegtay in markii lagu wareejiyay guri hal qol ah bishii September ay bilowday ganacsi yar oo noloshoodu hadda ay ku tiirsan tahay.

Waxay sheegtay in hoy xumada haysatay darteed ay qorsheynaysay inay ka guurto xeradan, balse go’aankaas ayay badashay markii la siiyay hanti ma guurto ah.

Xaawo ayaa nolosha reerka ka maareysa miis ay ku gaddo Khudaar iyo bagaash ay xustay in maalinkii ay ka hesho $2.5 illaa $3. Waxay furatay bil iyo bar kadib markii ay heshay guriga.

Labo wakhti ayay xustay in hadda ay wax karsadaan, balse ka hor inta aysan billaabin howshan waxay sheegtay inay ku adkeyd in hal xilli dabka ay shitaan. Waxay ka warameysaa waxa iska badalay noloshooda markii ganacsigan ay billowday.

”Alxamdulilaah marki hore suuqa hadii aan galno wax ayaan ka soo waayi jirnay. Hadda waan dharagnay oo waxbaan dabka saarannaa. Wax gacantaada ku jiro iyo wax gacan dad ku jiro way kala yihiin. Waxa aan hadda gado waxay yihiin caano booro, yaanyo shiishiid, baasto, wax kabo ah. Saddexda waqti tabar ayaa dadka u gayneenin, balse labada waqti waan u kariyaa alle ayaan isbadal ka rajeenaynaa oo dhanka ganacsiga ah.”

Ganacsigan waxay ku bilowday $250 oo ay ka heshay wiil ay dhashay oo ka shaqeeya falidda beeraha. ka hor howshan waxay qaban jirtay shaqo aan joogto aheyn oo dhar dhaqis ah, taas oo maalinka ay qabato ay ka heli jirtay ugu badnaan labo Doollar.

Xaawo oo ah hooyada siddeed carruur ah ayaa tilmaantay in xeradan ay deggan tahay tan iyo bishii May ee sanadkii hore, ayna awoodi weyday in guri ay dhisato, dhaqaale yari darteed.

Waxay sheegtay inay ku noolaayeen aqal aan ku filneyn oo xooshad ah, ayna u nuglaayeen qabowga iyo qoraxda. Raadiyow Ergo ayay uga warantay waxa iska bedalay caqabado ay sheegtay in dhanka hoyga ay ka haysteen.

“Buush ayaan ku jirnay aad ayaan u dhibaateys neyn, waan dhabac saneyn, Alxamdulillah hadane ilaahay ayaan u mahad celinayaa. Guri kor iyo hoos jiingad ka ah ayaan helnay. Buushkii kuleelka iyo kortoonka iyo ciriiriga ahaa alle ayaa naga gargaaray. Maacuunta iyadana waa ay ku jiraan digsiyada wax ayaan ku karsanaa, sijaayada wan ku jiifanaa, bustaha waan kor saaranaa. Aad iyo aad ayaan uga raysanay, “ayay tiri Xaawo.”

Xaawo ayaa sheegtay in dantu biday in xeradan ay soo degaan markii abaar ay ka laysay ari 142 ah bartamihii sanadkii 2022, kaas oo ay ku dhaqaneysay miyiga degmada Qansax-dheere ee gobolka Baay.

Qoysaska la siiyay guryaha iyo agabka kale waxaa lagu xushay nuglaasho gaar ah oo ay qabeen sida uu sheegay maamulka degmada oo arintan qaabilsanaa.

Waxay degganaa yeen aqalo xooshad ah oo aan ka xajin karin qabowga iyo qoraxda. Guryaha ayaa lagu kala wareejiyay bilihii September iyo October.

Yareeyo Tukoow Xasan ayaa sheegtay in hoy xumadu ay walaac ku haysay, balse hadda ay ka baxeen markii lagu wareejiyay guri dhisan oo bad qabkiisu ka wanaagsan yahay kii ay ku nooleyd oo ay sheegtay inuu ahaa cooshad aan laheyn bac roobka ka celisa.

A3 “Guriga muddo labo bilood ayaan daganahay. Buush ayaan ku noolaa ciyaalkana dhulka ayay ku rafanayeen. Markii hore iyo hadda hadda ayaa roon. Aniga iyo ciyaalkeyga waan isla xarooneynaa, guriga waan qataaranaa amaan ayaan joognaa wax aan ka cabsaneeno malahan, “ayay tiri Yareeyo.”

Qoysaska xeradan ku nool ayaa inta badan noloshooda ka maareeya shaqooyin xoogsi ah oo ay qabtaan iyo ganacsiyo yaryar oo xerada ay ka dhex furteen.

Yareeyo oo ah hooyada shan carruur ah oo agoon ah ayaa xustay in nolosha qoyska iyada oo kaliya uu ku tiirsan yahay. Waxay ka maareysaa yaanyo ay ku iibiso xerada dhexdeeda, taas oo ay sheegtay in maalinkii ay ka hesho $1.5.

Ganacsigan ayay ku jirtaa tan iyo 16 bishii Noofembar ee sanadkii 2022. Waxay ku bilowday $31 oo ah dhaqaale ay ka uruur satay shaqooyin ay qaban jirtay oo ah dhar dhaqis iyo cows ay iibin jirtay. Waxay ka war bixineysaa sida xaaladooda nololeed ay hadda tahay.

“Sidii aan dharka u dhaqeynay ayaan yaanyada u badashay. Dharkii ayaan dhaqowgiisa ku caajisay. Sidaas ayaan yaanyada ugu shaqeysanayaa. Ciyaal dalac yar uga helayaa iyo shaah yar. Gaajo lagama baxo yaanyadaas ku nool nahay. Habeenkii iyo

subixii bas ayaan karsanaa hadaan helno masago,soor ama bariis wixii ilaahay na siiyo,“ayay tiri Yareeyo.”

Qoyska Yareeyo ayaa ka soo barakacay bishii Maarso ee sanadki hore degmada Diinsoor ee gobolka Baay markii abaartu dhaafisay ari 27 ah oo miyiga ay ku dhaqaneysay.

Qoysaska la caawiyay ayaa xeradan ku nool muddo 13 bilood ah. Qoys kasta ayaa la siiyay guri hal qol ah oo milkiyadiisa uu waligiis yeelan doono.

Kuuso Cali Iidle oo ka mid ah dadka ka faa’ideystay ayaa tilmaantay inay tahay markii ugu horeysay oo ay hesho taageero noocaan ah siddeed bilood oo ay deggan tahay xerada Ladan.

Waxay xustay in markii hore ay ku noolaayeen aqal xooshad ah oo jilicsan, balse sidii ay u heshay hoygan cusub ayay sheegtay in meesha ay ka baxeen wax badan oo ay u nug laayeen

“Hadda waan ka badbaadnay roobka, kuleelka qoraxda. Alaabta ayaan ku xareystaa oo waan qufulanaa. Adiga dhibaatadii badneed waan ka badbaaday. Buushka kulee, carro waxaas ayuu ahaa. Dhar la isku xirxiray ayuu ahaa, aniga ayaa dhistay. Adiga waagi hore dameero wax naga cunni jiray oo xataa guriga naga soo gali jiray, hadda nagama cunnaan alxamdulillah, ayay tiri Kuuso.”

Kuuso ayaa ah hooyada shan carruur ah. Bishii Janaayo ayay ka soo barakacday miyiga degmada Baardheere. Waxay sheegtay in dantu biday in halkan ay yimaadaan markii calaf iyo biyo la’aan darteed ay uga la’deen 50 ari ah oo ay dhaqanaysay bartamaha sanadkii hore.

Qoysku kaligeed ayuu ku tiirsan yahay, waxayna ka maareysaa shaqo xoogsi ah oo ay qabato. Maalinkii hal wakhti ayay xustay in dabka ay shitaan, dhaqaale yari darteed.

“Coys ayaan dadka soo barinaa (beeraleyda), kuwaasaa suuqa geynaa, marka waa xir xiraa, sidaas ayaan u gadayaa. Maalin kasta lama helayo, labo maalin waan joogaa. Shan xirmo iyo lix xirmo oo kale ayaan suuqa keenaa. Haddii shan xirmo aan keeno konton bir ayay noqoneysaa, waxbana iima gooyaan oo rubac sonkor ah iyo rubac bur ah waaye. Haddii lasoo waayo waa iska seexanaa anagu. Xalay kadib haddaan digsi dabka saarareynaa. Manta waxba ma karsan hadda, “ayay tiri Kuuso,”

Hay’adda muhaajiriinta ee IOM ayaa dhistay guryaha, waxaana maal galisay hay’adda qaramada midaabay u qaabilsan qaxootiga ee UNHCR.

Xerada ladan waxaa ku nool ku dhowaad shan kun oo qoys oo ah dad saameyn ay ku yeelatay abaarta sanadkii hore, kuwaas oo ka soo barakacay gobolada Baay, Bakool iyo Gedo.

Cabdifitaax Ismaacil oo ah madaxa arimaha bulshada degmada Doolow ayaa Raadiyow Ergo u sheegay in xeradu ay leedahay biyo bilaash ah oo dadku ay cabaan iyo iskuul hoose oo lacag lacag la’aan ah, kuwaas oo hay’ado ay ka hir galiyeen.

Wuxuu intaas ku daray in hoy xumadu kamid ahayd caqabadaha ugu weyn ee haystay, taasna laga taageeray qoysaskii ugu jilicsanaa.

Cabdifitaax ayaa sidoo kale sheegay in sanadkan gudahiisa guryo loo dhisi doono 1,500 oo qoys oo xeradan ku nool. Ujeedada barnaamijkan ayuu tilmaamay inay tahay in dadka soo barakacay la deegaameeyo si ay u soo kabtaan.

Xigasho: Radio Ergo


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.