Thursday, April 25, 2024
Wardheer News
  • Maqaallo
  • Slideshow

Dhakafaar: Milicsi Buug

Gorfayntii: Idiris M. Cali

DHAKAFAAR
Cabdullaahi Janno
160 bog. CreateSpace Independent Publishing Platform. $12.00
Ka baar: Amazon.com

Ummad qarankeedu jabay ma sheeko yara. Waxaanse aad uga gaabinnay in aynu arrimaha qaxootinnimada qalinka ugu  duugno si taxane ah. Hadda ka hor mar aan haweenay aan isla shaqaynno uga warramay xaaladaha dhawrkii dal ee aan soo maray intii aan qaxootiga ahaa waxa ay igula soo boodday, iyada oo indhaheedu balacsan yihiin: “Waa inaad buug ka qortaa!” Qof Milton, MA deggan, oo ladan, oo taladaas keentay waxaan u maleeyay kadareey: Waxaan u qaatay inaysan waligeed maqal rafaadka qaxootinnimada, oo ay qar iyo buur la tahay nolosha caynkaas ah; dhegna jalaq uma sii siinnin canaanteeda. Haddii aanse akhriyay buugga Dhakafaar ee uu qoray Cabdullaahi Janno waxa aan ku qancay in ay nolosha qaxootinnimadu mudan tahay in doorar badan qalinka lagu hayo.

Dhakafaar waxaa ku urursan afariyo-toban sheeko oo gaagaaban. Jilayaasha sheekooyinkani waxa ay wada matalaan xubnaha bulshada: dhalinyaro, rag iyo dumar; waayeel, rag iyo dumar; iyo carruur, oo uu midka shan-jirka ahi, waa Liibaan e, leeyahay hadalka ugu dhiirran, uguna naxdinta weyn: “Hooyo, aabbe aaway?” Waa weydiin uu jiidhku ku dubaaxinayo—saa waxaad ogaanaysaa in aabbuhu, waa Qumane e, uu fadhikudirir “maqane” ku yahay, isaguna iskula qumman yahay, saas darteedna uga baaqday, kas, xafladda gudbitaanka ee Liibaan yare. Qumane fadhikudirirku waa ragannimadiisa. Balse waa mid uu ka kori doono ka dib markii ay afadiisa Saafi oo qabta macaan, waddana carruurtooda lixda ah, shil baabuur ku gasho maqnaanshihiisa darteed.

Sheekada Qumane waa maadley (comedy), oo waxa ay ku gabagabowdaa farxad: Qumane oo ubadkiisa la legdamaya, Saafina ay daawasho la muusoonayso. Balse Dhakafaar sheekooyinkiisu waa ay noocyo badan yihiin. Sheekada Kakane, tusaale ahaan, waa hadimaley (tragedy). Waxaa arbe ka ah Sheekh Kakane. Dhoobley, 1992 ayuu qudbasireed wiil uga dhalaa Fahmo, oo uu bare u ahaa. Wuu ka tagaa, ku biiraa kooxihii kala duwanaa ee magaca diinta ku xagadhagabsanayay, 16 sano ka dib qaxii ayuuna Fahmo kula kulmaa  Xamar, isaga oo malaha “amiirnimo” isku wada. Wiilkooda Mire ayuu damcaa inuu qoriga la qaado. Balse Fahmo, oo Mire u jihaysay inuu qalinka maalo, ayaa taas ka diidda. Qardoofo baa kala gaadha. Fahmo iyo Mirena habeen iyo maalin is xigta ayay iishaan, oo Kakane oo xaakin ah baa dilkooda go’aamiya.

Sheekooyinka Dhakafaar waxa ay si muc leh u xardhayaan xaaladaha Soomaalida, gudo iyo dibad, intii qaxa ka dambaysay. Sheekada sidata cinwaanka buugga ee Dhakafaar ayaana soo koobaysa xaaladahan. Waxay sheekadu ku socotaa Dhicis Dhiblaawe, oo tuuladiisii laga soo saaray, isaga iyo qolodiisiiba. Darbijiif ayuu dharaaro soo noqday. Dharaaro xigayna dagaal-ooge beeleed baa dagaal geliyay. Markuu furinta dagaalka ka soo baxsadaynna muruqmaal buu noqday, kaaryoone ku shaqaysta. Kaaryoonihiina bambo loogu qariyay jawaan bur ah oo uu qaaday baa ka galaafatay. Kabacaseeye ayuu noqday. Dagaal u dhexeeyay Al-Shabaab iyo ciidammada Itoobiya ayaa shaqadaasna ka dhiigaysay. Minnesota ayuu qax ku yimid. Tacliinta ayaa jiq ku noqotay. Cid gacanqabata markuu waayayna, xatooyo iyo xabsi ayuu dhexdooda ku negaaday.

Dhakafaar waa muraayad aan ka xishoonaynin inay si daacad ah inoo tusto nabarrada aan isku dhignay ee ay dunidu innagu daawanaysay sannadaha badan. Mana aha buug rajada innaga dhigaya, ee waa mid dib inoogu shubaya dhiig cusub oo ah dareenkii wadaninnimo ee dhabta ahaa. Waxaase taas la soo bixi kara qofkii niyad san ku akhriya buuggan, ee ka madaxbannaan calanwalleynta kooxnimo, hadday tahay mid “diin” huwan (eeg sheekada Caagane) iyo mid degaamaysanba. Dareenkaasi waa kii uu Timacadde ka tiriyay meerisyadan: “Anfariirka Shiinaha dhigee Yurub ka uugaantay / Ee alif-malyuun gaadhayaa waa ushaa qudha e… / Innagoon ardaa buuxin baad kala irdhowdeen e!” Dareenkaas buu Dhakafaar dib inoogu beerayaa.

Qoruhu, sidaad ku barateenba qoraalladiisa uu daabacay, hibo iyo xirfad qoraaannimo oo heersarraysa ayuu leeyahay. Haddii uusan ereyada kaaga qoslinaynin, waa uu kaaga oohinayaa; hadduusan kaaga murugsiinaynin, waa uu kaaga farxinayaa. Mar mar ayaadba iswaayaysaa, kursiga ka dhacaysaa, shaaha aad fuudayso dabnaha la waayaysaa, oo ku dheygagaysaa sida uu isugu qoofalay falalka iyo sifooyinka jilayaasha: huruufka iyo sida ay isugu sanqanayaan baad la qajilaysaa! Ereyo uu tumay ayaad kolba la ashqaraaraysaa. Tusaale ahaan, baraf cusub oo da’ay buu ku tilmaamayaa, “buunsho”; mid fadhiistay oo dhagaxoobayna, “dhalo.” Af-Soomaaliga milgihiisa ayaad ugu tegaysaa Dhakafaar.

Idiris M. Cali
Email: [email protected]


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.