Dawladda Soomaaliya oo sheegtey in hawlgal qorsheysan ku dishay 40 maleeshiyo Alshabaab ka tirsan

Muqdisho (WDND)- Ciidamada xoogga Dalka, Nabad-Sugidda Qaranka iyo saaxiibada Soomaaliya, ayaa hawlgal qorsheysan oo bartilmaad ah waxa ay ku dileen 40 maleeshiyo oo ka tirsan xarakada Alshabaab deegaanka Cali Fooldheere oo gobolka Shabeellaha dhexe.

Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ayaa lagu sheegay in xog ay heleen ka dib ciidamada xooga, kuwa Nabad-Sugida Qaranka iyo saaxiibada Soomaaliya ay ka fuliyeen deegaanka Cali Fooldheere ee ku dhaw degmada Mahadaay hawlgal qorsheysan oo ay ku beegsadeen maleeshiyo Alshabaab ka tirsan oo ku dhuumaalaysanayey dhulka Keymaha ah.

Hawlgalkaas ayey xukuumadda Soomaaliya sheegtey in ay ku dileen 40 ka tirsan maleeshiyaadka kooxda argagixisada ah ee Alshabaab, tiro intaa ka badanna ay ku dhaawaceen. Hawlgalkaas oo lagu sheegay in uu ahaa mid looga hortagayey khatarta kooxdaasi.

Hawlgalkan ayaa qeyb ka ahaa mid xukuumadda Soomaaliya ay ka wado gobolo badan oo ka tirsan Koonfurta Soomaaliya, oo lagaga xoreynayo maleeshiyaadka Alshabaab deegaanda ay haystaan. Waxaana xukuumadda Soomaaliya ay sheegtay in hawlgalada noocani ahi socon doonaan inta laga ciribtiraayo maleeshiyaadka Al Shabaab oo ummadda Soomaaliyeed dhibaato xooggan ku haya.

Maxamed Cumar
WardheerNews, Muqdisho