Dawladda Puntland oo joojisay wada shaqayntii ay la lahayd dawladda federaalka

Muqdisho (WDN)- Dawlad Gobolleedka Puntland ayaa war saxaafadeed ay soo saartey ku dhawaaqdey in ay gebi ahaanba ka baxday ka mid-ahaanshihii Dowladaha Xubnaha ka ah Dawladda Federaalka, inta laga xalinayo khilaafka udhaxeeya dawladda dhexe oo salka ku haya qodobo u badan nidaamka federaalka, dastuurka iyo habka loo maamulo awooddaha dalka. Arintan oo macnaheedu yahay in Puntland ay xariirkii u jartay Dawladda Federaalka Soomaaliya.

Madaxweyne Siciid Cabdullaahi, Puntland

Dawladda Puntland ayaa war saxaafadeedkeeda ku xustay in inta laga soo dhamaystirayo lagana gaarayo heshiis wada ogol ah aanu suurogal aheyn wax wada shaqayn ah in ay la sameeyaan dawladda federaalka Soomaaliya.

Waxaana qodobada ugu muhiimsan ee maamulka Puntland ku xusay qoraalka tabashada ka mid ah: 

1. Ka xoreynta dalka argagixisada Alshabaab iyo Daacish.

2. Heshiis wadar ogol ah oo laga gaaro arrinta maamulka Somaliland ee u dhaxeeya dawladda federaalka iyo Somaliland, Puntland iyo Somaliland.

3. Heshiis wadar ogol ah oo laga gaaro qorshaha dawlad dhiska.

4. Heshiis loo wada dhanyahay in laga gaaro Maqaamka gobolka Banaadir.

5. Heshiis laga gaaro nidaamka Federaaleyta dalka.

6. Heshiis laga gaaro dhamaystirka dastuurka KMG ah lana waafajiyo midka Puntland isla markaana Afti la geliyo.

Puntland ayaa horey uga gaabsatay in ay saxeexdo heshiiska qodobo ku aadan dastuurka iyo awood qeybsiga heer federeaal iyo dowlad gobolleed oo uu gaadhay Golaha Wadatashiga 4-aad, oo Muqdisho lagu qabtay 26-28-kii bishii Desember, 2022. Heshiiskaas oo ay wada gaadheen Dowladda Federaalka iyo Dowladaha xubnaha ka ah.  

Khilaafkaan kasoo dhex cusboonaadey dawladda federaalka iyo maamulka Puntland ayaan jirin wax war ah oo illaa iyo hadda ay kasoo saartey dawladda federaalka ee uu madaxweynaha ka yahay Md. Xasan Sheekh Maxamuud.

Halkaan ka aqriso war saxaafadeedka maamulka Puntland.

WardheerNews

Leave a Reply

Your email address will not be published.