Muqdisho (WDN)- Madaxweynaha Maamul Goboleedka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa maanta kulan la qaatay danjiraha dowladda Mareykanka u fadhiya Soomaaliya Danjire Larry Andre.

Hirshabeelle
Md. Cali Guudlaawe iyo Danjire Larry ayaa ka wadahadlay xaaladdaha guud ee deegaanada maamulka Hirshabeelle gaar ahaan gurmadka abaaraha, amniga iyo howlgallada ka dhanka ah kooxda argagixisada ah ee Alsahbaab ee ka socda deegaanada Hirshabeelle.
Madaxweyne Guudlaawe ayaa la wadaagay Danjire Larry André in dagaalladii lala galay maleeshiyaadka argagixisada ah ee Alshabaab looga qabsaday degaanno dhowr ah oo istaraatiiji ah oo ka tirsan Hirshabeelle, haatanna lagu jiro waqtigii laga saari lahaa deegaanada yar ee gacantooda ku haray.
Maamulka Hirshabeelle ayaa uga mahadceliyey Danjire Larry taageerada hagar la’aaneed ee dawladda Mareykanka u fidisey ciidamada xoogga iyo ciidamada deegaanka intii ay ku gudo jireen xoreynta deegaanada maamulkiisa, waxa uuna ka codsadey in la laba jibaaro taageeradaasi si kooxdaasi gebi ahaanba Soomaaliya looga ciribtiro.
Madaxweynaha iyo danjiraha ayaa sidoo kale ka wadahadlay muhiimada ay leedahay in deegaanadii laga saaray kooxda Alshabaab laga fuliyo mashaariicda xasilinta iyo dib u dhiska si ay bulshado u hesho adeegyada asaasiga u ah ee nolosha sida caafmaadka iyo waxbarashada.
Maxamed Cumar
WardheerNews, Muqdisho
Leave a Reply