Muqdisho (WDN)- Shirkii Golaha Wadatashiga Dowladda Federaalka iyo Dowlad Gobolleedyada xubnaha ka ah oo Muqdisho ka socday bishan Diseember 26-28, ayaa la soo gabagabeeyay. Shirka oo ay agendayaashiisa ka mid ahaayeen Asteynta awooddaha heer Federaal iyo Dowlad Gobolleed (power sharing) iyo Hanaanka Federaalaynta Garsoorka, ayaa waxa diidmo ka keentay heshiiskaasi Puntland. Sida lagu cadeeyay WarMurtiyeed ka soo baxay shirkaasi, oo lagu sheegay in marka laga reebo Puntland, ay dhamaan Dowladda Federaalka iyo Dowlad Gobolleedyada kaleeto saxeexeen heshiiskaasi. Lama sheegin sababaha ay Puntland ku diiday in ay qeyb ka noqoto heshiiskaasi.
Qodobada shirka
Iyada oo la tixraacayo qodobadii ka soo baxay Warmurtiyeedkii shirkii 3aad ee Golaha Wadatashiga Qaran ee October 31, 2022, Goluhu wuxuu ka wada hadley kuna heshiiyey qodobada soo socda, marka laga reebo Dawladda Puntland oo aragtideeda ku aadan qodobada 1 iyo 2 dib kasoo gudbin doonta:
Hannaanka Faderaalaynta Garsoorka:
Goluhu, marka laga reebo Puntland, wuxuu saxiixay heshiis siyaasadeedka Hannaanka Fedaraalaynta Garsoorka iyadoo la isku raacay in la qaato hannaanka isku-dhafka ah ee garsoorka.
Astaynta Awoodaha Heerarka Dowladda:
Goluhu, marka laga reebo Puntland, wuxuu isku raacay, saxiixayna heshiis siyaasadeedka Astaynta Awoodaha heerarka dowladda kuwaas oo kala ah: awoodaha u gaar ah heer federaal, kuwo u gaarka ah heer DXDF iyo kuwo wadaagga ah.
Halkan ka akhriso warmartiyeedka oo dhan: Golaha Wadatashiga 4-aad:
WardheerNews
Leave a Reply