Wednesday, April 24, 2024
Wardheer News
  • Maqaallo
  • Slideshow

Danta Soomaliya iyo doonista dowladdaha isdiidan

W/Q: Mohamed Abdikadir Socdaal

Xiriirrada diblumaasiyadeed waxaa lagu tiriyaa kuwa ugu muhiimsan siyaasadda dowladdaha, falcelinta ka dhalataana waa kuwo saameeya dalalka ilaa heer aad u sarreeya. Xiriirka diblumaasiga waa madaxa xiriirrada dhexmari kara laba dowladdood oo kala duwan a, waxa uuna qeyb mug weyn leh ka qaataa is dhexgalka labada dal ee dhan walba.

Soomaaliya, sannadihii u danbeeyay waxa ay ku howlaneyd dhisidda dowladnimadeeda iyo ku soo laabashada fagaarayaasha Caalamka ee horay looga yaqiinay. Burburkii iyo soo kabashadiiba waxaa dowladnimadeena uga siyaaday khibrad badan oo ay tahay in lagu dhiso siyaasadda gudaha iyo tan dibadda ee maanta iyo barriba.

Waxaa muran badan dhaliyay wajiga cusub ee Soomaaliya ay la soo baxday saddexdii sano ee u danbeysay kaas oo ah “dhex-dhexaadnimo”. Adduunka lama yaabana in Soomaaliya aanay isku xiijin khilaafyo aanan maslaxo dal iyo dadeed midna ugu jirin, waxaase la yaab noqotay in Soomaaliya oo haatan u baahan gacmo badan oo caawiya si ay lugaheeda ugu istaagto ay ka aamusi karto khilaaf u dhexeeya ku dhawaad tobban dowladood iyo Qadar ama Masar oo xariir qurxoon abid kala dhexeeyay iyo Itoobiya oo bogagga taariikhda ee Soomaaliya kala dhexeeya aanay qurxooneyn.

Sannadkii 1978-dii oo ah afar sannadood uun ka dib markii Soomaaliya ay ku biirtay Jaamacadda Carabta waxaa la keenay qaraar dowladdaha Carabta dhammaantood ay xiriirka ugu jarayaan dalka Masar haddii aanu ka noqon fullinta heshiiskii Israaiil iyo Masar ee magaciisu ahaa “camp david accords”

Masar dhagjalaq umaysan siin baaqaa waxa ayna saxiixday fullinta heshiiska, taa oo keentay in Jaamacadda Carabta ay qaraarkeedii fuliso, Masarna halkaa ayaa xiriirkii loogu jiray, Xaruntii Jaamacadda Carabtana waxaa loo raray Tuunis.

Soomaaliya oo xilligaa ka soo baxday dagaalkii 77 ee ay Itoobiya la gashay, sidoo kalena u baahneyd taageeridda dowladaha Carabta kuwoodii ku garab istaagay dagaalkaas sida Sacuudiga iyo dowladaha kale, waxa ay diiday in ay xiriirka u jarto Masar. Waxa ay doontaba ha ugu xilato diidmadeedaas laakiin waa mid ka mid ah taariikhaha horey u qormay ee ku dhisnaa siyaasaddii Soomaaliya ee dhex-dhexaadnimada. 

Xilligan la joogo Soomaaliya waxa ay u baahantahay Siyaasad arrimo dibadeed oo ku dhisan danta Soomaaliya iyo mabaadi’da aynu aaminsanahay. Waxaa hoggaanka arrimaha dibadda iyo dadka jiheeya Siyaasadda dalka looga fadhiyaa in ay isku wataan dowladdaha dab iyo baasiinka isku ah iyagoon is taabanayn. 

Soomaaliya waxaa laga rabaa in ay ka wada faa’iidaysato Masar iyo Itoobiya, Qadar iyo Sacuudi, Turki iyo Imaaraad, Mareykan iyo Ruush, ayna iska ilaaliso in ay noqoto aag ay ku kala xisaab baxaan danaha quwadaha isdiidan.

W/Q: Mohamed Abdikadir Socdaal

Email: [email protected]


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.