Tog-wajaale (WDN)- Waxa uu dab qabsaday caawa Suuqa weyn ee magaalada ganacsiga ee Tog-Wajaale, ee ku taala xuduudka Itoobiya iyo Soomaaliland.
Dabkaa ayaa la sheegay in uu bilaabmay abaara 7:30 fiidnimo, ilaa caawana uu wali socdo islamarkaana uu sii fidayo, oo aan la damin. Dabka ayaa qabsaday qeybta suuqa ee lagu gado dharka, maacuunta, qalabka elektarooniga iyo agab kale.

WardheerNews, oo Khadka teleefanka kula hadashay dad reer Wajaale ah, ayaa sheegay in dabku aanu keenin wax dhimasho ah, hase yeeshee uu geystay khasaare hantiyeed oo aad u badan.
Warar aan la xaqiijin ayaa sheeegaya in uu dabku ka kacay xashiish ama qashin lagu gubay Toga magaalada, kaasi oo kala qeybiya magaaalada Wajaale dhinaca Soomaaliland iyo Itoobiya.
Gurmad ayaa ka yimid magaalooyinka Hargeysa iyo Jigjiga, si loo damiyo dabkaas, oo aan wali lagu guulaysan in la damiyo, isaga oo sii fidaya.
Waxa dhawaanahan ku soo badanaya deegaanada Soomaaliya gubashaada suuqaqa ganacsiga ee waaweyn, kuwaasi oo geysta khasaare laxaad leh. Dhawaan ayay aheyd markii uu gubtay Suuqa weyn ee Waaheen ee magaalada Hargeysa 1-dii bisha Abril, kaasi oo geystay khasaare laxaadleh, islamarkaana halkaasi ay ku baaba’day hanti lagu qiyaasay $2 b.
Waxa kale oo 8-dii bishii Juulay ee sanakan 2023, uu dab qabsaday Suuqa ganacsiga “ Taywan” ee magaalada Jigjiga, xarunta dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya. Suuqaasi oo ahaa halbowlaha ganacsiga magaalada Jigjiga. Halkaasi oo uu khasaare xooggani ka dhashay.
Waxa iyana jirtya in ay gubteen oo dab qabsaday suuqaqa ganacsiga ee magaalooyinka Kismaayo, Boosaaso, Muqdisho iyo Harar.
Soo badashada gubashada goobaha ganacsiga ee Soomaaliya iyo degaanada Soomaalida ee Itoobiya, ayaa lagu sababeeyaa qorshe xumo ka jirta dhanka magaalada, iyado aa anay jirin wadoooyin uu gurmadku mari karo iyo dab-damis la’aan, sida qalabka dab-damiska, baabuurta iyo shaqaale tababbaran. Taasi oo aan wax daraasad iyo qorshe lagu saxo aan la samayn aamaba aanu jirin.
WardheerNews
Hargeysa
Leave a Reply