Sunday, April 28, 2024
Wardheer News
  • Slideshow
  • Warar

Dab qabsaday Suuqa weyn ee magaalada Tog-Wajaale

Tog-wajaale (WDN)- Waxa uu dab qabsaday caawa Suuqa weyn ee magaalada ganacsiga ee Tog-Wajaale, ee ku taala xuduudka Itoobiya iyo Soomaaliland.

Dabkaa ayaa la sheegay in uu bilaabmay abaara 7:30 fiidnimo,  ilaa caawana uu  wali socdo islamarkaana uu sii fidayo, oo aan la damin. Dabka ayaa qabsaday qeybta suuqa ee lagu gado dharka, maacuunta, qalabka elektarooniga iyo agab kale.

Dab qabsaday Suuqa weyn ee magaalada Tog-Wajaale

WardheerNews, oo Khadka teleefanka kula hadashay dad reer Wajaale ah, ayaa sheegay in dabku aanu keenin wax dhimasho ah, hase yeeshee uu geystay khasaare hantiyeed oo aad u badan.

Warar aan la xaqiijin ayaa sheeegaya in uu dabku ka kacay xashiish ama qashin lagu gubay Toga magaalada, kaasi oo kala qeybiya magaaalada Wajaale dhinaca Soomaaliland iyo Itoobiya.

Gurmad ayaa ka yimid magaalooyinka Hargeysa iyo Jigjiga, si loo damiyo dabkaas, oo aan wali lagu guulaysan in la damiyo, isaga oo sii fidaya.

Waxa dhawaanahan ku soo badanaya deegaanada Soomaaliya gubashaada suuqaqa ganacsiga ee waaweyn, kuwaasi oo geysta khasaare laxaad leh.  Dhawaan ayay aheyd markii uu gubtay Suuqa weyn ee Waaheen ee magaalada Hargeysa 1-dii bisha Abril, kaasi oo geystay khasaare laxaadleh, islamarkaana halkaasi ay ku baaba’day hanti lagu qiyaasay $2 b.

Waxa kale oo 8-dii bishii Juulay ee sanakan 2023, uu dab qabsaday Suuqa ganacsiga “ Taywan” ee magaalada Jigjiga, xarunta dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya. Suuqaasi oo ahaa halbowlaha ganacsiga magaalada Jigjiga. Halkaasi oo uu khasaare xooggani ka dhashay.

Waxa iyana jirtya in ay gubteen oo dab qabsaday suuqaqa ganacsiga ee magaalooyinka Kismaayo, Boosaaso, Muqdisho iyo Harar.

Soo badashada gubashada goobaha ganacsiga ee Soomaaliya iyo degaanada Soomaalida ee Itoobiya, ayaa lagu sababeeyaa qorshe xumo ka jirta dhanka magaalada, iyado aa anay jirin wadoooyin uu gurmadku  mari karo iyo dab-damis la’aan, sida qalabka dab-damiska, baabuurta iyo shaqaale tababbaran. Taasi oo aan wax daraasad iyo qorshe lagu saxo aan la samayn aamaba aanu jirin.

WardheerNews
Hargeysa


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.