Thursday, April 25, 2024
Wardheer News
  • Slideshow
  • Warar

Caabudwaaq: Diidista isticmaalka shilin Soomaaliga oo weli ay jirto saameynta ay ku yeelatay sarifleyaasha

Sarifle tirinaya lacagta Itoobiya/Yuusuf Shire/Ergo.

Gorad Cabdullahi Maxamud oo ah 43 jir kamid ahaa ku dhowaad boqol qof oo sarifleyaal ka ahaa magaalada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud wuxuu muddo labo sano ka badan yahay shaqo la’aan, kaddib diidistii isticmaalka lacagta shilinka Soomaaliga ee gobollada dhexe.

Gorod oo markaas ka hor toddobo sano ka shaqeynayay kala beddelka lacagta shilin Soomaaliga iyo doolarka ayaan helin shaqo kale ilaa xilligan. Wuxuu markii hore sarifka ku billaabay lacag amaah ah oo dhan $400, taas oo weli lagu leeyahay $150 oo kamid ah.

Ninkan oo ah aabbaha 11 carruur ah, waxay hadda nolosha qoyskiisa ku tiirsan tahay lacag dhan $4-5 oo ay suuqa ka soo hesho maalin walba xaaskiisa oo markii uu isagu shaqo la’aanta noqday furatay mehered shaaxa lagu iibiyo.

“Shaqsiyan aniga Saameyn ayeey igu yeelatay arintaan, markii hore qoyskeyga sarifka ayuu ku tiirsanaa, laakiin hadda wax shaqo ah ma hayo, aniguna waan iska soo kaca, kadibna waan seexdaa aniga oon waxba heyn, marka runtii arintaan saameyn weyn ayeey ku leedahay mustaqbalkeena.”

Xaaska Gorod waxay sida uu sheegay ganacsiga ku billowday $60 saddex bil kaddib joojintiisii. Nolosha qoyska ka sokow waxay sidoo kale waxbarashada ka bixisaa shan ka mid ah 11 carruurta oo ay dhaleen, iyadoo inta kale wax u baran waaayeen duruufaha dhaqaale dartood.

Wuxuu aabbahan tilmaamay in inta aysan joogsan shaqadiisu uu maalin kasta faa’iido ahaan u heli jiray lacag u dhaxeysa $20-$30, waxaase ay qoyskiisu ku noolyihiin guri ay iyagu leeyihiin

Gorad ayaa qabaa in marka laga yimaado sariflayaasha ay arrintaan si guud saameyn ugu yeelatay dadka shacabka ah ee Magaalada. Wuxuu sheegay in markii hore ay lacagta sii amaahin jireen dadka, kaddibna ay ka qaadan jireen marka ay u soo diraan eheladooda ku maqan dibadda.

“Sariflayaasha kaliya ma saameyn arintaa ee dhamaan dadkii ku noolaa magaalada ayeey saameyn ku yeelatay, dadkuna waa isku hoos noolaayeen, dadkuna sey u badanyihiin ma shaqeeyaan oo dibadda ayaa laga soo biilaa, sababta oo ah dadku waa wada shaqo la’aan, marka bisha intaan la gaarin ayeey oron jireen biil ayaan u baahanahay ama lacagtii ayaa naga soo daahday ee wax nasii siiyay, anaguna sidaas ayaan u caawin jirnay, markey tooda helaana waan ka qaadan jirnay, marka haddii sidan ay xaaladdu sii ahaato waxey u muuqataa iney adagtahay nolasha dadkaasi.”

Marka laga tago dadka iska daayay shaqada sarifka, waxaa jira sarifleyaal aan weli ka rajo dhigin inay joojiyaan shaqada, halka kuwa kalana ay heleen shaqooyinka kale.

Axmed Cabdi Diiriye oo tan iyo 2009 ka shaqeynayay sarifka lacagta doolarka iyo birta Itoobiya ayaa sheegay in waqtigan uu yahay kii ugu adkaa ee soo maray intii uu shaqadan qabanayay. Wuxuu hadda sarifaa lacagta birta ah ee Itoobiya taas oo sheegay in saddexdii cishaba uu halmar sarifo. Boqolkii birna uu ka faa’iida lacag dhan $3.

Wuxuu tilmaamay in toddobo carruur ah oo uu dhalay ay wax ka bartaan labo oo kaliya, inta kalana uu sanad ka hor waxbarashadii uga saaray duruufo dhaqaale darteed.

Faa’iida uu maalin kasta heli jiray ayaa ahayd lacag dhan malyan oo shilin Soomaali ah oo u dhiganta $37, taas oo uu ku dabberi jiray nolasha qoyskiisa iyo waxbarashada carruurta oo markii hore ay oga bixi jirtay lacag dhan $63, balse hadda uu ku bixiyo $18.

“Lacagtii hore ee shilin soomaaliga aheyd dhaqaale ayaan ku heysanay, miyi iyo magaalana waa laga qaadan jiray, laakiin hadda tan birta ah waxaa qaata qofka itoobiya u socda, marka isticmaalkeedu wuu yaryahay, waxaana dhici karta in markaad dhowr bari fadhido aad halmar qabato, xiligi hore laakiin lacagta wadanku waa isku furneyd, oo tan Puntland ka socota ayaa noogu imaan jirtay halkaan, laakiin hal maalin ah ayaa lawada joojiyay anigoo kale waxaa hadda igu qasaartay 10 milyan oo shilin soomaali ah meel aan maanta u qaadi karana ma jirto.”

Macaashiida deegaankan ayaa sare u kacday, wixii ka daambeeyay sannadkii 2017-kii markii uu suuqa ka baxay shilinka Soomaaliga taas oo caqabad ku keentay dadkii xoogsatada deegaanka ahaa kuwaaas oo markii hore ay wax badan u tari jirtay lacagta shilinka ah sida uu Raadiyo Ergo u sheegay Muxyadiin Cabdi Geelle Guddoomiye ku xigeenka Caabudwaaq.

Waxaana si gaar ah sare ugu kacay qiimaha la kala siisto raashinka daruuriga ah, sida Bariiska, baastada, Sonkorta iyo saliida oo ay ku kordheen lacag u dhaxeysa $3-6.

“Lacagtaan waxey aheyd mid qof kasta wax u taraysay Tusaale halka doolar marka loo sarifo shilin soomaali waxbadan ayuu qofka u qabanayay, laakiin maanta hadaad mehered fariisato ood shaax cabto waxa ugu yar 20 sinti oo u dhiganta 5 ilaa 6 kun oo shilin soomaali ah, halka markii hore uu ahaa 3 kun oo shilin soomaali ah, marka halkaas waxaa ka cad in uu labo jibaarmay, makhaayadihii iyo cunadiina kaba sii daran.”

Diidamda shillin Soomaaliga oo sabab looga dhigay lacago been abuur ah oo la sheegay in la soo geliyay suuqyada ayaan wax ka waydiinnay maamulka degmada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud.

Guddoomiye ku xigeenka degmada Caabudwaaq ayaa u sheegay in maamulka ka jira gobolada dhexe ee Galmudug uusan awood u laheyn inay ku amraan ganacsatada in la isticmaalo lacagta shilin Soomaaliga sabab la xiriirta ganacsatada deegaanadan oo aan diyaar u aheyn inay socodsiiyaan lacagtan. Wuxuu xusay in dedaal badan ay ku bixiyeen sidii arintaan xal buuxa looga gaari lahaa laakiin aysan ku guulaysan.

“Galmudug Maamulkeedu runtii wuxuu soo maray, dhib badan, caqabado badan & is qabqabsi, Awoodna uma laheyn iney Galmudug awaamiir kasoo saarto arintaan, oo dadkii lagu qasbo, laakiin ka degmo ahaan anagu waa kala hadalnay bulshada rayidka ah iyo ganacsatada deegaankan, marka geesanimo iyo qofkii bilaabi lahaa ayeey rabtaan lacagtaan, qof kasta wuxuu ku leeyahay anigu hadaan qaato, shirkad hebelna aysan qaadaneyn aniga dhibaato ayeey igu tahay, marka isma oran kartid Caabudwaaq kaliya ayaa laga socodsiin karaa iyadoo deegaanadii kale ee Galmudug aan laga socodsiin.”

Lacagta ugu badan ee laga isticmaalo deegaannada gobolka Galgaduud oo Caabudwaaq ay ku jirto ayaa ah doolarka Mareykanka oo u muuqda mid heshiis lagu wada yahay. Waxaa muhiimadda intaas la’eg siiyay in meel kasta laga heli karo xilli kasta iyadoo caddaan ah ama shirkadaha isgaarsiintu ay dadka taleefanada ugu shubaan. Sido kale laa lacagta ugu badan ee qurbe-joogta ay bil kasta u soo diraan ehelladooda gudaha.

Kunka shilin Soomaaliga ah ayaa ahaa kan keliya ee ka haray lacagtii shilinka ahayd oo marba mid sidii loo diidayay ugu dambayn ka baxday suuqyada gobollada dhexe.

Xigasho: Radio Ergo


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.