Thursday, April 25, 2024
Wardheer News
  • Maqaallo
  • Slideshow

Been iyo Barafuun

W/Q: Cabdullaahi M. Cawsey

Gabar iyo wiil ka mid ah kooxaha ku doodda in ay maskax furanyihiin oo xafiis ka wada shaqeeya oo ka sheekaynayay sinnaanta ragga iyo dumarka, ayaa isku raacay in dumarka iyo ragga wax walba ka simanyihiin. Sidaa daraadeedna ay baadil yihiin dooddaha ah in ragga iyo dumarka kala duwanyihiin.

Muddo markii mowdduucaas xiisaha leh ka sheekaysteen, ayaa qof walba xaajo qabatay, waxay ku kala leexdeen musqulo u dhowaa xafiiska. Wiilkii wuxuu galay musqul albaabka uga qorantahay- Ragga, halka Gabadhiina ay gashay musqul dusha sare looga qoray- Dumarka.

Oday faylasuuf ah oo kor ka daawanayay sheekada wiilka iyo gabadha ayaa qoslay markii uu arkay halka ay ku danbaysay sheekadii sinnaanta dumarka iyo ragga. Wuxuuna asaga oo qoslaya yiri, beenta bani- aadamka waxay badanaa soo afjarantaa marka caloosha muddahaarado oo Jiko ama Musqul loo baahdo.

Faylasuufka waxaa lagu magacaabaa Faahiye, wuxuuna waardiye ka yahay mid ka mid ah xafiisyada laga maamulo wakaaladda Daaqa iyo Dhirta ee Dawladda Soomaaliyeed. Muddo laga joogo kontan iyo siddeed sano ka hor ayuu oday Faahiye ku dhashay meel baadiye ah oo u dhow tuulo ku taalla xadka Itoobiya iyo Soomaaliya.

Qoyska uu faylasuufka ka dhashay waxay ahaayeen xoolo dhaqato aan ku sugnayn xarun gooni ah oo hadba barrinkii laga heli karo naq iyo nabaad u guura. Yaraantiisii wuxuu ahaa gaban aad u neceb shaqada adag ee nolosha miyiga.

Sidoo kale, faylasuufka wuxuu necbaa dugsiyadii Quraanka ee caruurta miyiga lagu qasbi jiray. Wuxuuna qaab qooto qooto ah ku dhameeyay Quraanka Kariimka ah. Billowgii dhalinyaranimadiisii wuxuu kuu soo qaatay miyiga. Waqtigii uu miyiga ku noolaa waxaa ku adkaatay nolosha, waayo? wuxuu ka caagannaa shaqooyinka geel-jirennimada ee dhalinyarada miyiga loo qoondeeyay. Faahiye wuxuu jeclaa waligiis inuu qabto ama ku mashquulo shaqo ka macno badan geeljirennimo!

Muddo markii uu miyiga ku ahaa bayhoof aan cidna tirsan ayuu Faahiye maqlay war ku saaban in Soomaaliya xornnimo ka qaadatay gumeystihii reer galbeedka, isla markaana la qorayo ciidan Qaran. Asaga oo dhowr iyo labaatan jir ah ayuu qortay askarinnimo si uu ugu biiro ciidamadii xoogga dalka ee Qaranka loo dhisay waqtigii xornimada la qaatay. Ciidamada wuxuu ka tirsanaa muddo aad u kooban, wuxuuna qaab lama filaan ah uga ruqseestay ciidanka xoogga dalka, markii laga soo laabtay dagaalkii Itoobiya lala galay afar iyo lixdankii -1964.

Intii dagaalka lagu jiray, faylasuuf Faahiye wuxuu aad uga fekeray bahalnimada guud ee bani’aadamka iyo gaar ahaan nacasnimada ku habsatay shucuubka ku dhaqan Geeska Afrika. Inkasta uu aad u necbaa dagaalka gacan ka hadalka ah, haddana oday Faahiye yaraantiisii wuxuu aad u jeclaa dooddaha lama filaanka ah. Maalin walba wuxuu la murmi jiray dhalinta iyo odayaasha degaankii u ku barbaaray. Tusaale ahaan, yaraantiisii wuxuu maalin maalmaha ka mid la doodday laba wiil oo ilmo adeerradiis ah. Labada wiil waxaa lagu kala magacaabjiray: Dhalad iyo Dhuxul.

Dooddii dhex martay, Dhalad, iyo Dhuxul oo dhan ka soo jeeda iyo Faahiye waxay ku saabsanayd dagaal deegaanka ku dhex maray beesha ay ka soo jeedeen saddexdooda iyo waliba beel kale oo ka mid ah beelaha Soomaaliyeed.

Dhalad iyo Dhuxul waxay isku diyaraaniyeen ka qayb qaadashada weerar geel lagu soo dhacayo oo barbaarta deegaanka abaabulayaan si cashar loogu dhigo beesha kale ee la is hayo. Faahiye wuxuu Dhalad iyo Dhuxul kula doodday in duullaanka la abaabulayo uu yahay mid halis ku ah nabadda deegaanka waayo wuxuu aaminsanaa in dagaallada beellaha dhex mara yihiin kuwo aan dhamaad lahayn oo qof walba ku dhiman karo!

Dhalad iyo Dhuxul ma aysan dhagaysan dooddii Faahiye, waxayna ka qayb qaateen duullaankii lagu qaaday beesha kale. Maalmo ka dib, waxaa Faahiye u yimid Dhuxul si uu ugu sheego in Dhalad ku dhintay dhaawac ka soo gaaray duullaankii lagu qaaday beesha dariska ah. Sidoo kale, Dhuxul wuxuu Faahiye la wadaagay xusuus ku saabsan hadal ku jiray dooddiisa oo ahayd in qof walba ku dhiman karo dagaallada dhex mara beelaha walaalaha ah!

Faylasuufka ma lahayn aqoon dhisan, balse wuxuu u dhashay garasho qoto dheer oo si fudud loogu fahmi karo farqiga u dhaxeeya beenta iyo runta. Yaraantiisii wuxuu fahamsanaa beenta ku saabsan abaabulka colaadaha dhex mara beellaha ood wadaagta ah.

Fahamkaas uu sida fudud ku helay yaraantiisii ayaa Faahiye u sahashay inuu garto in dagaallada dhex mara qawmiyadaha wada dagan geeska Afrika in ay yihiin been ay soo abaabuleen dad wax magarato ah oo iska aaminay sheekooyinka ku saabsan xudduudaha isticmaarka ku shirqoolay dadka madow ee malaayiinta sano ku wada noolaa qaaraadda madow ee Afrika.

Markii uu ka ruqsaystay ciidanka xoogga, Faylasuufka wuxuu go’aansaday inuu u soo wareego magaalada Muqdisho- caasimadda ummada Soomaaliyeed. Markii uu magaalada Muqdsiho yimid, Faylasuufka wuxuu ku soo dagay islaan eeddadiis ah oo bari dhexdaas ah miyiga uu ka soo guursaday oday Xaaji ah oo lagu magacaabi jiray Dhamuuke kaas oo ka mid ahaa ganacsatadii xoolaha u dhoofin jiray wadamada Carabta. Islaanta Eeddadiis ah waxaa lagu magacaabi jiray Dhimbilo. Gurigii ay degannaayeen Eeddo Dhimbilo iyo adeer Dhamuuke wuxuu ku yaallay degmada Cabdicasiis ee magaalada Muqdisho.

Waqtigaas uu Faahiye u soo wareegay Muqdisho, degmada Cabdicasiis waxaa degannaa qoysas asalkoodii reer Muqdisho ahaa iyo qoysas ka soo guuray gobollada dalka oo dhan. Sidaa daraadeed, Faahiye wuxuu nasiib u yeeshay in noloshiisii magaalada uu ka dhul billaabo degmo ay ku noolyihiin dad ka kala yimid gobollo kala duwan kuwaas oo laga heli karay sawir guud oo ku saabsan sida Soomaalida u fekerto.

Markii Muqdisho uu yimid, Faahiye wuxuu nasiib u helay inuu ku biiro waxbarashada dadka waaweyn. Wuxuuna galay mid ka mid ah dugsiyadii magaalada Muqdisho ka furnaa ee dadka waaweyn wax ku baran jireen. Faahiye wuxuu aad ugu oomanaa in aqoonta casriga ah heer sare uu ka gaaro balse duruufo jira owgood waxbarashadiisii ma sii wadan. Tusaale ahaan, Faylasuufka waxaa magaalada muqdisho ku soo weeraray Jaceyl lama filaan ah.

Maqaayad u dhow gurigii uu ku soo dagay Faahiye waxaa ka shaqayn jiirtay gabar waji furan oo mararka qaarna qaylo badan. Gabaddha waxaa lagu magacaabaa Boosteeyo. Muddo laga joogo dhowr sano ayay Boosteeyo u soo wareegtay magaalada Muqdisho ka dib markii ay ka soo baxsatay reerkooda oo degenaa tuulo ka mid ah tuulooyinka gobolada dhexe ee dalka.

Shaqsiyad ahaan Boosteeyo waa qof qalbi furan oo waliba howl kar ah. Muuqaal ahaan waa qof dhuuban oo madow oo dhirir xigeen ah. Isha bidix geeskeeda waxay Boosteeyo ku leedahay calaamad madow oo muujinaysa dhaawac ka soo gaaray qodax isha ka gashay waqti ayada oo aad u yar ari ay ku raacaysay meel u dhow tuuladii ay deganaayeen reerkeeda!

Mar walba oo uu Faahiye maqaayadda yimaado wuxuu u kuur gali jiray dabeecadaha isdiidan ee Boosteeyo. Wuxuu aad ula yaabi jiray sida Boosteeyo u tahay qof farxaanad ah oo aad u weji furan isla markaana u awooddo in ay si lama filaan ah u qayliso oo waliba ula dagaasho macaamiisha maqaayadda! Dabeecadda marna macaan, marna qaraarka ah ee Boosteeyo waxay ahaayeen sababaha qarsoon ee Faahiye u xiiseen jiray in uu markasta maqaayadda yimaado.

Boosteeyo way dareentay in Faahiye ku maqanyahay waayo goor kasta uu maqaayadda yimaado wuxuu ku eegaa indho ka duwan indhaha macaamiisha kale. Sidoo kale marka uu Faahiye maqaayaddda fadhiyo Boosteeyo waxay dareemi jirtay xasilooni ay ku wareertay meesha laga soo xawilay! Tusaale ahaan, haddii ayada oo qaylinaysa uu maqaayadda soo galo Faahiye, waxay isku arki jirtay xasilooni laga dhaxlo xishood ku meel gaar ah. Sidoo kale, Faahiye wuxuu isku arkay xiiso badan oo ku saaban daawashada qosolka iyo qaylada wada socda ee Boosteeyo.

Maqaayadda ay ka shaqayso Boosteeyo ma ahan maqaayad weyn waayo waa maqaayad gaaba-gaabey ah oo ay yaalliin dhowr kuraas oo alwaax ka samaysan. Dhismaha maqaayadda waa jiingado ka kab ah. Mulkiilaha maqaayadda waxaa lagu magacaabaa Camaloow. Maqaayadda Camaloow waxay caan ka tahay dhamaan degmada Cabdicasiis oo dhan . Inta badan maqaayadda waxaa lagu cunaa Muufo si macaan loo dubay iyo waliba Canbuulo carfeysa!

Maalin maalmaha ka mid ah ayuu Faahiye maqaayadda yimid asaga oo isku soo aaddiyay waqti macaamiisha kale maqanyihiin waayo wuxuu qiyaasayay waqtigaas inuu la kulmi doono Boosteeyo oo kaligeed maqaayadda ku sugan! Sidii ayay noqotay. Faahiye iyo Boosteeyo aad bay ugu farxeen in maqaayadda oo cidlo ah ku kulmaan maalintaas waayo waxaa dhex martay sheeko aad u xiiso badan!

La soco qaybta 2 aad

Cabdullaahi M. Cawsey
Email:[email protected]


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.