Tuesday, September 17, 2024
Wardheer News
  • Slideshow
  • Warar

Baladwayne: xoogsato shaqooyin ay nolol-maalmeedka ka heli jireen ku waayay fatahaadda webiga

by Jibril Osman

(ERGO) – Xoogsato ku tiirsanaa shaqooyin maalinle ah ayaa maareyn la’ nolosha qoysas kooda oo wajahaya cunno yari iyo hoy xumo. Shaqooyinkii ay qaban jireen ayaa meesha ka baxay markii magaalada Baledweyne ay wada saameysay fatahaadda.

Dadkan ayaa ah guri joog aan meelna ku tiirsaneyn. Ma haystaan xal ay uga soo kabtaan xaaladda ay ku jiraan.

Niqow Shire Aadan oo dadkaas ka mid ah ayaa sheegtay in shaqo la’aantu ay ku kaliftay in dabka ay shidan waayaan. Waxay hadda ku tiirsan yihiin cunto bisil iyo mid ceyriin oo ay ku caawiyaan dariskeeda, balse taasi kama badna wax hal waqti ay karsadaan.

Xaaladdan ayay tilmaantay inay ku jirto tan iyo bishii May oo ay ku nooshahay xero ay ku barakacday oo ku taalla magaalada Baladwayne, taas oo la yiraahdo Nasteexo.

“Habeen haddii aan helno subixii lama helayo. Haddii subax la helana qado ma jirto oo casho ma jirto. Magaaladu wax laga shaqeeyo malahan.”

Niqow oo 45 jir ah ayaa tilmaantay in halka ay ku noo shahay aysan wax fursad ah ka jirin. Haddii ay u shaqo tagi laheyd xaafadaha magaaladana waxay sheegtay in xaaladdu aysan caadi ku soo noqon, biyaha oo wali fadhiya meelaha qaar awgeed.

Shaqo la’aanta iyo cunno yarida waxaa u dheer biyo yari iyo hoy xumo ay wajahayaan. Wabiga Shabeelle oo lix km u jira ayay tilmaantay in biyaha dusha ay uga soo dhaansato. Waxaa u dhisan aqal cooshad ah oo ay sheegtay inuu yahay mid aan bac laheyn oo aan ka xajin karin roobka iyo qoraxda.

Niqow oo hooyo u ah 8 carruur ah ayaa sheegtay in kaligeed nolosha qoyska ay ka maareyn jirtay shaqo dhar-dhaqis ah oo maalinkii ay ka heli jirtay $6 illaa $10, balse taas ayaa meesha ka baxday, markii magaalada badi looga barakacay fatahaad uu sameeyay webiga Shabeelle oo ku dhufatay horraantii bishii May.

Ninkeeda ayay xustay inuu yahay naafo aan shaqeyn karin oo guri joog ah. Walaaca kale ee ay qabto ayaa ah in fatahaaddu ay ka dumisay qol qoysku lahaa oo ah baraako uga dhisneyd xaafadda Xaawo taako ee magaalada Baledweyne, taas ayay tilmaantay inay mugdi galineyso rajadii dib u noqoshada.

“Maryaheyga xataa waxaa qaaday daadka. Gogol sidoo kale waa qaadeen. Hal katiifad iyo hal joodari oo bajaajta kor ka saartay maahane wax kale oo aan ka qaatay maba jirin.”

Qoysaska qaar ayaa dib ugu noqday xaafadihii ay biyaha uga qaxeen, balse shaqo la’aantu waa caqabad wali taagan.

Maxamuud Mire Coolyaan oo dadkaas ka mid ah ayaa sheegay in filashadiisu aheyd inuu helo shaqo xoogsi ah oo uu ka maareeyo nolosha qoyskiisa, balse wuxuu tilmaamay in tan iyo 26 May oo uu magaalada joogo in siddeed mar uu qabtay howl ay ka soo gashay $26, taas oo ah dad uu ka jaray geedo ka baxay guryahooda bilihii ay ka maqnaayeen.

Dhaqaale yarida ayuu sheegay inay sababtay in qoyskiisu dabka shidan waayaan wax ka badan hal waqti maalinkii. Marka uu shaqo waayo wuxuu raadiyaa deyn ama shaxaad si reerka uusan dabku uga damin.

Maxamuud oo 48 jir ah ayaa xusay in hadda ay deggan yihiin qol dhis iyo jiingad ah oo uu ku lee yahay xaafadda Kooshin ee magaalada Baledweyne, kaas oo uu sheegay in fatahaaddu ka dumisay musqushii oo uusan imika hayn dhaqaale uu dib ugu dhiso.

Ninkan oo ah aabbaha sagaal carruur ah ayaa sheegay in helitaanka biyaha ay ku dhiban yihiin. Ceel biyood xaafaddu ka cabi jirtay ayuu xusay in fatahaaddu saameysay oo uusan hadda shaqeyn. Dadka ayaa shubta biyo fuustadii lagu iibinayo $3, waloow isagu uu sheegay inuusan awoodin.

“Hadda saan gurigeyga galaas biyo ah oo laga cabo malahan waa eber. Saaka islaanta jirgaan ayay qaadatay. Wax ay keentay oo biyo ah ma jirto. Waa biyo la’aan xaafaddu.”

Maxamuud ayaa tilmaamay in kastoo caqabado badan ay haystaan in halkan ay u dhaanto markii ay ku noo laayeen deegaan uu ku barakacay oo la yiraahdo Ceel-jaalle, kaas oo 5 km u jira magaalada Baledweyne. Sida uu tilmaamay 35 casho oo uu daganaa waxaa hoy u ahaa aqal nugul oo ka sameysan karaatoon iyo maryo leysku xiray.

Muddadaaas oo uusan wax shaqo ah qaban waxa uu sheegay in lagu yeeshay deyn gaareysa $108 oo ah raashiin reerku isticmaalay.

Maxamuud ayaa sheegay in fatahaadda ka hor uu ka shaqeynayay beer khudaar ah oo Baledweyne u dhow. Bishii wuxuu ka qaadan jiray mushaar $350 ah, balse fursadaas ayaa meesha ka baxday markii biyuhu saameeyeen.

Magaalada Baledweyne qoysaskii fatahaadda uga barakacay inta badan waxay dib u soo noqdeen bishii Juun, balse dhaqdhaqaaqa ganacsi ma ahan mid wali caadi ku soo laabtay. Waxaa sabab u ah qeybo ka mid ah magaalada oo wali biyo ay ku jiraan iyo waddooyinka xaafadaha isku xira oo ah kuwo burbursan oo fatahaaddu saameysay.

Xigasho: Radio Ergo


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.