Muqdishu (WDN)- Golaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo maanta kulan ku yeeshay xarunta golaha Shacabka ee Muqdishu, ayaa codka kalsoonida ah siiyay Golaha Wasiiradda cusub ee dowladda Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo R/W Xasan Cali.

Kulanka Golaha shacabka oo uu guddoomiyay ku-xigeenka koowaad ee Golaha Baarlamaanka Md. Cabdiweli Sheekh Ibraahim Muudeey, ayaa waxaa joogay 241 mudane, waxaana codka kalsoonida siiyay dowladda cusub 224 xildhibaan, halka 15 mudane ay ka soo horjeesteen, waxaana ka aamustay labo mudane, sida uu ku dhawaaqay Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee baarlamaanka Md. Cabdiweli Sheekh Ibraahim Muudeey.
Guddoomiyaha Maxkamadda Sare, ayaa isla goobta dhaariyay Golaha Wasiiradda Cusub ee Soomaaliya.
Xldhibaano kor u dhaafay 100, ayaa dhawaan ka soo horjeestay golaha Wasiiradda cusub, hase yeeshee hadda siiyay taageero buuxda, wali ma cadda waxa lagu qanciyay xildhibaanadaasi ee keenay isbedelka ku yimid codkooda.
WardheerNews
