Thursday, April 25, 2024
Wardheer News
  • Maqaallo
  • Slideshow

Aniga Iyo Akhriska

(From My Notebook 2017) 

W.Q. Siciid Jaamac Xuseen 

Mahrajaanka Toddobaad-dhaqameedka Soomaaliyeed (Somali Week Festival) ee sannad kasta lagu qabto London, dalka Ingiriiska, ayaa markan isla Helsinki ka qabsoomay, caasimadda dalka Finland jiilaalkii 2016kii.  Kulankaas ayaan ka qaybgalay.  

Nin dhallinyaro ah ayaa si diirran igu salaamay: 

Siciid saalax iyo Siciid Jaamac

” Macallin Siciid Saalax , iska warran” mar aannu isku soo baxnay. 

“ Kama fogi,” ayaan ugu jawaabay, anigoo gacan qaadaya.  

 Wuu yara khajilay oo la soo booday, “ Iga raalli ahow.”  

Anoo si dhab ah u dhoollo-caddaynaya ayaan niyadda ugu doojey: 

“ Waxaan ahay Siciid Jaamac.  Macallinka Siciid Saalax  siyaalo badan ayaannu isugu eg nahay. Waxyaalo badanna waannu wadaagnaa, ay ka mid yihiin da’da iyo hawlaha aannu qabanno.  Saxiibbo qadderin weyn isu haya ayaannu nahay.  Saa darteed, meel daran kama aad tuurin ee adiguna isu kay sheeg.”  

“Kamaal Cabdillaahi, ayaa lay yidhaahdaa,” ayuu ku jawaabay.  “Barasho wanaagsan ,” ayaan ku ceshay.  Isagoo weji furan ayuu iga tegey. 

Macallin Siciid Saalax, sida badanaa lagu yaqaan waa nin macallinnimada ku gaamuray, aqriskana si lixaad leh u daneeya.  Anigase, markaygii horeba aqriska  buuggaagta kuma cadcaddayn.  Niyadda waan ka jeclaa.  Haseyeeshee, yaraantaydii caado ahaan uma laasimin.  Waa iin cimrigaaga oo idil kula soconaysa. 

Imminka oo da’i gondaha i haysato, buug kasta aan xiise u qabo, dhawr bog ma dhaafin karo.  Misna iska ma sixi karo inaan bil walba dhawr micne weyn ku fadhiya soo iibsado.  Markaan runta ka raaco, ma tiro badna buugta aan aqriskooda dhammeeyay.  Iyadoo ay sidaas tahay, ayaan misna sannadahan dambe oo dhan ka qaybqaadanayay tababar dhallinyarada lagu barayo ‘Qoraal-curinta Toolmoon’.  Abaabulka iyo agaasinka tababarkaas waxaa soo diyaariya maamulka Xarunta Dhaqanka ee Hargeysa.  Waana goobta sannad walba lagu qabto tababarkaas. 

Macallimiin lagu yaqaan afka, suugaanta, dhaqanka iyo aqoonta guud ayna ka mid yihiin Siciid Saalax, Faarax Gammuute,  Seynab Daahir, Maxamuud Sh. Dalmar, Maxamed Xirsi (Cabdibashiir), Maxamed Baashe, Cabdillaahi Cawed Cige iyo kuwo kale ayaa si joogta ah tababarka u bixiya.  Casharrada lagu nuuxnuuxsado in ardaydu si gaar ah u tixgelyaan, waxaa ka mid ah ‘Mabaadi’da Guud’.  Mabaadidaas waxaa ugu horreeya “In aqriska la badsado.  Aqoonyahannada ku xeel dheer Afka iyo suugaanta Soomaaliyeed in qoraallada ay dejiyaan laga bogto aqriskooda, lana dhuuxo murtida ay xanbaarsan yihiin, lana dhadhansado habwanaagga ay qoraalladaas ugu fara yaraysteen.  Buugta ajnabigu qoreen ee wax-ku-oolka ah oo si roon loo xulayna inaan loo daymo la’aan.”  Tababarkaasi wuxuu runtii ka tirsan yahay qaybaha ugu lixaadka weyn ee Carwada caalamiga ah Buuggaagta ee Hargeysii ku suntan tahay. 

Aniga iyo aqrisku halkaan kala joogno xilligan waa taan ka soo warramay.  Sidaas darteed, buugtii aan iibsaday oo i ag tuulan ayaan sannad walba shandad dhawr iyo labaatan kiilo ah geeyaa maktabadda Xarunta Dhaqanka ee Hargeysa si dhallinta aqrisan kartaa ku intifaacaan.  Anigu weli ma joojin buug-iibsadkii, aqriskayguse beryahan waxuu ku eg yahay wargeys-xillyeedka sida The New Statesman iyo The London Review of Books oo magaalada London kasoo baxa.  Halkaas oo qoysahaan aan si rasmi ah u deggan ahay.  

W,Q, Siciid Jaamac Xuseen
Email: [email protected]
—————————————-
Siciid waa qoraa deggen magaalada London, UK, oo si joogto ah wax ugu soo qora degelka WardheerNews, waana guddoomiye xigeenkii hore ee Naadiga Qalinleyda Soomaaliyeed.

  


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.