Alshabaab oo qarxiyey ceelal biyo iyo xarumo isgaarsiin oo ku yaalla Galgaduud

Alshabaab oo qarxiyey ceelal biyo iyo xarumo isgaarsiin oo ku yaalla Galgaduud

Muqdisho (WDN)- Wararka ka imaanaya gobolka Galgaduud gaar ahaan deegaanka Baxdo, ayaa tilmaamaya in maleeshiyaad ka tirsan xarakada Alshabaab ay qarxiyeen ceelal biyo iyo xarumo isgaarsiin oo halkaa ku yaalla.

Guddoomiyaha deegaanka Baxdo ee maamulka Galmudug Maxamed Cabdullahi Muuse, ayaa sheegay in ceel biyood ku yaalo tuulooyin ku yaalla deegaankaasi Alshabaab qarxiyeen sidoo kalena ay burburiyeen xarumihii isgaarsiinta kadib weerar culus oo ay deegaanka kusoo qaadeen.

Gudoomiyaha ayaa intaa ku darey in tallaabadani ay uga dareyso dadka deeganka oo hore ula daalaa dhacayey abaaraha ba’an ee dalka ka jira. Kaasi oo gobolka Galgaduudna uu ka mid yahay deegaanada ay sida aadka ahi u saameeyeen abaaraha.

Kooxda Alshabaab ayaa weeraro kusoo qaadda deegaanka Baxdo iyo deegaanada ku dhowdhow, iyaga oo kala kulma iska caabin xooggan, waxaana talaabadani ay u muuqataaa mid ku cadaadinayso dadka deegaanka si ay isugu dhiibaan maamulka xarakada Alshabaab.

Maxamed Cumar Aadan
WardheerNews, Muqdisho