Friday, March 29, 2024
Wardheer News
  • Maqaallo
  • Slideshow

Abwaan Yamyam iyo Qeexdinta Tidcanta

W/Q Idiris M. Cali

Maqaalkii hore, ee uu cinwaankiisu ahaa “Tidcan: Tiirka Saddexaad ee Suugaanta”, waxaan ku soo bandhignay jaadadka tidcanta, oo aynu gaarsiinnay ilaa afar jaad oo, farsamo ahaan iyo qaab ahaanba, kala duwan. Jaadadkan dhawrka ihi waxay madmadow gelinayaan, siiba marka aan la kala haadin ee la isku hal qaado, saafidda waxa ay tidcantu tahay, ereybixin ahaan, ee markii horaba looga gol lahaa. Haddaba, si aan madmadowgan meesha uga saarno, waxaan dib ugu noqonaynaa, oo aan lafaguraynaa isagoo dhammaystiran, tusaalihii Abwaan Yamyam (1945-2005) ee “UN-ka”.

Abwaan Yamyam wuxuu tusaalihiisa “UN-ka” ka jeediyay madal isaga lagu maamuusayay, taariikhdu markay ahayd 24-Sebtembar-2005, isagoo markaas ku sugnaa magaalada Columbus, ee gobolka Ohio. Abwaanku, Alle ha u naxariistee, wuxuu laqmaday toddobiyo-labaatan habeen ka dib, da’diisuna lixdankii ayay jeerkaas baarka ka goysay. Suugaanta uu Abwaanku inooga tegay waa badweyn aqooneed oo aan gun lahayn, oo hirarkeedu wali ka sii guuxayaan laabaheenna. Ilaalin ayay, haddaba, suugaanta Abwaanku naga mudan tahay. Afkuna sidoo kale!

Qeexdinta tidcanta

Hordhaca uu Abwaanku ka bixiyay tusaalihiisa “UNka”, oo uu sameeyay sannadkii 1998 (eeg lifaaqa), wuxuu ku sheegay in tidcantu tahay suugaan aan tix iyo tiraab “midna ahayn”. Qeexdintan sida ku cad, haddii ay suugaantu u kala bixi jirtay tiraab iyo tix, waxaa la oran karaa: tidcantu waa qayb/tiir/laan/xubin/bah saddexaad oo ay suugaantu leedahay oo qaab ahaan ka geddisan labadaas hore. Si kale marka loo dhigo, tidcantu waa inaysan yeelan miisaan si aysan tix u noqon; waana inaysan yeelan weero caadi ah si aysan tiraab u noqon.

Marka, hawsha in la faydo u baahan waa soo bandhigidda tusaalayaasha “dhabta” ah ee tidcanta, kuwaas oo aan tiraab iyo tix toonna loo aanayn karin. Maqaalkeennii hore, inkastuu isku dayay gudashada hawshan, haddana sidii la rabay ugama soo dhalaalin. Sababtoo ah, afartii jaad ee aan tusaale ahaanta ugu soo qaadannay tidcanta, labo ka mid ah si toos ah ayayba u ahaayeen tiraab, qaab ahaan![1] Waxaase tidcan soo salsallaaba, oo qeexdinteeda kore ku arooraya, tusaalayaashii[2] kale ee aan ku soo bandhignay maqaalkii hore, siiba heesta Dalxiis ee curiyay Halabuur Cumar-Kuul (1967-2016), taas oo ku bilaabata:

“Daruuraha bilaha gu’ga dabayshaday
ka soo kacay badda hoose galabtii
badadaa ku degay saroo geddoodii
gobo’ yidhi habeenkoo badh tegay xalay!”[3]

Waxaa isweydiin mudan, siduu u dhan yahay tusaalaha Abwaan Yamyam ee “UNka” ma noqon karaa tidcan, iyadoo loo eegayo qeexdinta kore? Runtii, waa dhankii loo jeediyo! Waayo, Abwaan uu Eebbe ku mannaystay indheergaradnimo illinna kama awdmo. Haddii uu Abwaanku inoo sheegay in tidcantu tahay suugaan aan tix iyo tiraab “midna ahayn”, wuxuu isku daray, isuna guuriyay, tix iyo tiraab, oo sidii geenyada iyo dameerka oo kale wax hor leh dhalay: baqal—tidcan! Abwaanku isla tusaalihiisa “UNka” ayuu ku xusay in tidcantu tahay wax ka kooban tiraab iyo tix isku qobtolan, oo ah hadal tidcan. Wuxuu yiri:

171. “Tixdaan ku daray tiraabka
172. Waxaan ku tidcaayay hadalka

Haddaba, weyddiin baa ah: ereybixinta “tidcan” ma waxaa lagu suntanayaa tusaalayaal aan tix iyo tiraab “midna ahayn” (sida kuwii aan isla soo aragnay ee aan tiraabta ahayn, tixdana aan ahayn ee maqaalkii hore ku xusnaa, gaar ahaan heesta “Dalxiis” ee aan bilowgeeda korka ku soo marnay oo kale), mise tix iyo tiraab kasta oo isku laaqan—oo waliba u dhigan sida tusaalaha “UNka” ee uu Abwaan Yamyam ku farayaraystay—ayaa loo aqoonsanayaa tidcannimo? Horta, intaynaan warcelinta u hollan, tusaalaha Abwaanka aan isla eegno.

Tusaalaha “UNka”

Inkastoon hore u sheegay, si ilduuf ah, tusaalaha “UNka” ee Abwaan Yamyam in uusan lahayn sansaanka tixda (ama maansada), haddana waxaa ii caddaatay inuu leeyahay, oo uu u badan yahay, qaybo tix ama maanso ah, miisaan ahaan.[4] Waxayna qaybahan tixda ihi inta badan ku aroorayaan xubinta tixda/maansada ee la yiraahdo hobeeyo[5] (ama hees-kooleed), ee lagu sabo dhallaanka. Tusaale:

141. “Ilaah ha qaado maanka
142. Kuwaa ku heshiiyay calafka
143. Inay ka xadaan agoonka.”

Haddaba, tusaalaha “UNka” ee Abwaan Yamyam haddii uu yeeshay meerisyo badan oo miisaaman (eeg lifaaqa), oo u taxan sida tixda (gaar ahaan, xubinta hobeeyada), muxuu kaga bayrsan yahay tixda? Wuxuu kaga bayrsan yahay—ka sokow farshaxankiisa cusboon, oo aan xoogga la saaraynin xarafraaca, balse xoogga la saarayo qaafiyadda—wuxuu wataa diillimo[6] (sadarro, xarriiqyo) aan miisaan la saari karin, oo markaas ah tiraab la taxay! Diillimahanna looma sallaxan karo sidii ay yihiin meerisyo jaban ama laaximan, saa kas iyo ogaan ayaa loo curiyaye! Tusaale (aan maqaalkii hore ku soo qaadannayna waa):

001. “Waxaa fakhriga beera UNka
002. Waxaa loo qodaa godka
003. Waxaa lagu abuuraa geedka
004. Waxaa waraabiya reer Galbeedka

Diillimahan kore ee afarta ah, mid, midka kale la miisaan ihi kuma jiro: mana habboona in la miisaamo waayo ma aha meerisyo caadi ah.[7] Markaas, siduu xusay Abwaan Yamyam, tusaalaha “UNka” wuxuu isugu jiraa qayb tix ah iyo qayb tiraab ah; sidaasna wuxuu ku soo baxay (hadal) tidcan. Waxaana labadan tiir ee hadalka isku tidcaysa, oo mar walba meesha ku jirta, qaafiyadda (ah qodob-laboodka “ka”, sida loo madoobeeyayba).

Astaamaha guud ee tidcanta

Maadaama oo uu Abwaan Yamyam leeyahay[8] ereybixinta “tidcan” waxaa habboon in la is qabadsiiyo tusaalihiisa uu soo bandhigay ee “UNka” iyo qeexdinta uu ereybixintan siiyay. Dabcan baqali farasna ma aha, dameerna ma aha. Sidaas oo kale, tusaalaha “UNka” ee Abwaan Yamyam, si guud ahaaneed, tixna ma aha, tiraabna ma aha, ee waa taranka ay wadaagaan oo la oran karo waa nooc ka mid ah tidcanta, oo aynu ugu magac darayno: “Tidcan Yamyamaawi ah.” Maxayse yihiin astaamaha guud ee noocan Yamyamawaawiga ah ee tidcantu?

Sida tusaalaha “UNka” ku cad, tidcanta Yamyamaawigaahi waa inay lahaataa qayb tix ah iyo qayb tiraab ah oo ay qaafiyaddu isku tolayso. Marka la sii dhex galana, qaybta tiraabta ah ee noocan tidcameedi waa inay taxnaataa, oo diilin diilin u habaysnaataa.

Diilin kastana waa inay dherer ahaan ku sar go’naataa, amaba in yar u soo jirsataa, dhererka meerisyada tixda ah. Tusaale[9]:

029. “Wu-xuu dii-daa jal-ka(6 alan)
030. “Wu-xuu dha-dha-mi-yaa sa-ka-raad-ka(10 alan)
141. “I-laah ha qaa-do maan-ka (7 alan)
142. Ku-waa ku he-shii-yay ca-laf-ka (9 alan)
143. I-nay ka xa-daan a-goon-ka.” (8 alan)

Dhanka kale, qaybta tixda ah ee tidcanta Yamyamaawiga ahi waa inay hal xubin oo maanso ah ku aroortaa, si badheedhe ahna loogu socodsiiyaa xubintaas. Haddii ay qaybtan tixda ahi xubin walba oo maanso ah iska galayso, waxay ka dhigan tahay inaan loo kasin, oo ay kuba timid si kama’ ah.

Labada qaybood, ee midna tixda ah midna tiraabta ah, ee tidcanta Yamyamaawiga ahi qasab ma aha inay is le’ekaadaan, tiro ahaan. Waxaase laga fiican yahay in qaybna aad loo sii gaabiyo, jeer ay noqoto dheeraad ama dulsaar. Tusaale ahaan, haddii qaybta tiraabta ah lagu koobo hal ilaa dhawr diillimood, waxaa caddaanaysa in ay yihiin “meerisyo” laaxin leh oo dheeraad ku ah meerisyada badan ee tixda ah.

Astaanta mudnaanshaha koobaad leh ee tidcanta Yamyamaawiga ahi, sida ku cad tusaalaha “UNka”, waa qaafiyadda. Inkastoo diillimo iyo waliba meerisyo xarafraac leh laga soo helayo tusaalaha “UNka” haddana sida muuqata qasab ma aha astaantani. Qaafiyadduse[10] waa qasab.

Intaas haddaan kaga baxno astaamaha tidcanta Yamyamaawiga ah, waxaan immika guda galaynaa ka hadalka astaamaha guud ee tidcanta.

Sida qeexdiinteeda ku cad, tidcantu waa suugaan kasta oo aan tix iyo tiraab “midna ahayn”. Marka, qaab ahaan ayay tidcantu uga geddisan tahay tixda iyo tiraabtaba, balse waxay la wadaagi kartaa astaamaha farshaxameed ee ay qaafiyaddu ka midka tahay, farsamo ahaan. Waxaanan qabnaa inay astaanta xarafraacuna meesha ka madhnayn, oo ay tidcantu yeelan karto, farsamo ahaan.

Halkan ka akhri maqaalka oo dhan: Abwaan Yamyam iyo Qeexdinta Tidcanta

W/Q: Idiris M. Cali
Dhanjac: [email protected]

————–
Tixraac
[1] Labadan tusaale ee tiraabta ihi waxay ku xusan yihiin qaybta midigta ee tusihii la socday maqaalkii hore gabagabadiisa. Labada tusaale midi wuxuu huwan yahay farshaxan qaafiyadeed, midka kalena wuxuu hilan yahay farshaxan xarafraaceed. Midka hore af Carabi ahaan waa Sajci (afkeenna wali ereybixin kuma laha, tusaale ahaanna eeg bilowga Muqaddimada ibnu Khalduun ama Maqaamaadka Al-Xariiri); midka dambena af Ingiriis ahaan waa prose-poetry (afkeenna wali ereybixin kuma laha, tusaale ahaanna eeg Bath-ka Amy Lowell). Labadan erey ee qalaad baan is lahaa waxaa dabooli karta ereybixinta “tidcan”, mase noqon!

[2] Tusaalayaashan waxaa ka mid ah: “Aqoon la’aani waa iftiin la’aane / Waa aqal iyo ilays la’aane / Ogaadaa, ogaadaa, dusiyada ogaada / O aadaa, o aadaa, walaalayaalow aada” – Halabuur Xuseen Aw Faarax Dubbad (1928-1999). Waa tusaale aan tix ahayn, saa miisaan ma laha; haddana tiraab caadi ah ma aha, oo weer weer uma habaysna. Qaafiyad (aan loo kasin) iyo xarafraacna wuu wataa.

[3] Tusaalahan kore ma aha tix, oo diillimaha (sadarrada) afarta ah ee qaabkaas loo dhigay ma noqonayaan meerisyo isku wada miisaan ah. Tusaalahani tiraab caadi ahna ma aha oo qaab weer weer ah uma yaallo, sida muuqata. Sidaas oo ay tahay haddana tusaalahani kama madhna farshaxan xarafraaceed (oo ah “b”) iyo mid qaafiyadeed (sida hoosta looga xarriiqay).

[4] Markii hore waxaan xoogga saaray “miisaamista” diillimaha uu soo qaatay Maxamed Cusmaan Ducaale (Guddoomiye) oo aan ka waayay sansaanka tixda. Eeg maqaalkii hore. Balse eegga waxaan wada eegay tusaalaha “Unka” siduu u dhan yahay. Eeg lifaaqa.

[5] Hobeeyadu waxay magaca ka sidataa, siday ugu magacbixisay Aamina X. Aadan, meeriska Hobeeya hobeey hobeeya, oo ah meeriska miisaan ahaan lagu fadhiisiyo xubintan iyada ah.

[6] Maqaalkii hore diillimahan waxaan ku sheegay meerisyo, balse si aan u dhowro macnaha “meeris” ee tix ahaanta u hirgashan ayaan eegga “diilin” u adeegsanayaa meel kasta oo aan tix ahayn.

[7] Inkastoo aysan habboonayn, haddana, markaan miisaamay qaar ka mid ah diillimaha “tiraabta” ah ee ku jira tusaalaha “UNka” ee ay afartan diillimoodi ka midka yihiin waxaa ii caddaatay: (1) inay yihiin meerisyo laaximan (jaban), oo jiifto, saar ama hobeeyaba ah; iyo (2) inay soo baxayaan meerisyo galaya, miisaan ahaan, xubno kale oo maansada ka tirsan (oo qaarkood aan wali la daahfurin). Tusaale ahaan, 047 “Waxay dabraan heshiiska” / 054 “Dadkuna ka fayday diirka” / 059 “Calooshu qaaddo uurka” waa saddex meeris oo galaya xubin maanso oo aan magac lahayn, asii summaddeedu tahay 10:4 [1/1] (eeg waraaqda “Tirakoobidda Xubnaha Maansada Soomaaliyeed”). Xitaa waxaa ku jira meeris galaya xubin maanso oo dhowaan uu Maxamed Aadan Ciiraale ugu wanqalay magaca “Xadrayso”; waana meeriska: 055 Waxaa qarin waayay dareenka. Eeg lifaaqa.

[8] Ma aan xaqiijin wali in Abwaan Yamyam ahaa qofkii ugu horreeyay ee “tidcan” ereybixiya, mana helin qof isaga ka horreeyay oo ereybixintan adeegsaday—inaan saxo qodobkan ayaana ila gudboon haddii aan soo helo/la ii tilmaamo qofkaas. Waxaase xaqiiqo ah in aanu Abwaan Yamyam ahayn qofkii ugu horreeyay ee tusaalayaasha tidcanta unka. Saas oo ay tahay wali ma helin qof tusaalayaashaas, oo aynu qaarkood maqaalkii hore iyo kanba ku soo bandhignay, ugu yeeraya “tidcan” hadda ka horrow, xitaa Abwaan Yamyam ku daroo; waxaa loogu yeeraa immikadanba “heeso” iwm.

[9] Labada diillimood ee hore waa tiraab, saddexda dambena waa meerisyo hobeeyo ah. Ogowna, hobeeyadu illaa 11 alan ayuu meeriskeedu gaaraa; waana meeriskeeda salka ah ee aan wadan hal shaqaldheere.

[10] Qaafiyadda uu Abwaan Yamyam adeegsadayna waa nooc aasaas ah, oo aan adkayn, balse ujeeddo fog leh. Waa qodob; qodobkuna wuxuu galaa badanaa magacyada la isla yaqaanno. Sidaas darteed, Abwaanka iyo dhegaystayaashiisaba si xeeldheeri leh ayay isu beer og yihiin, oo ugu feejigan yihiin waxa laga hadlayo!


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.