Thursday, April 25, 2024
Wardheer News
  • Maqaallo
  • Slideshow

Tidcan: Tiirka Saddexaad ee Suugaanta

W.Q. Idiris M. Cali

Sida uu tilmaamay Raage Ugaas Warfaa (1840-1880), hadalku, siiba qaybtiisa dhaxalgalka ah ee suugaanta ah, wuxuu u kala baxaa tix iyo tiraab. Waana kii gabay laga hayo hal meeris oo qudha ku soo daray, siday isla qireen suugaanlaydu, muddo haatan laga joogo ku dhowaad qarni iyo bar: “Hadal waa tix [ama] waa tiraab, waxad tidhaahdaaye”.[1] Miyayse tahay in hadalka suugaanaysani uu labadaas qaybood uun yeesho?

Maya!

Waxaa jirta qayb saddexaad oo aynaan sidaas ugu sii baraarugsanayn. Qaybtan saddexaad waxaa lagu magacaabaa tidcan, waxaana u magac bixiyay, Alle ha u naxariistee, Abwaan Cabdilqaadir Xirsi Siyaad “Yamyam”, siduu xusay Maxamed Cusmaan Ducaale, oo ku magacdheer “Guddoomiye Ducaale”. Qoraalkiisa, “Geeridii Yamyam: Afar Hal oo u Gaar ah ayaan Gocanayaa” ayuu Guddoomiye Ducaale ku soo qaatay: 

“Marka aad si deggen u dhexqaaddo [s]uugaanta Soomaalida, waxa kuu muuqanaysa in ay u kala baxdo, labo xarig oo kala ah Tix iyo Tiraab. Haddaba, farsamo ahaan, laba xarig waa soohmaan ee ma tidcamaan. Marka Tixda iyo Tiraabta oo ah labada xarig oo ay suugaantu ka koobnayd si ay u tidcamaan, waxa Marxuum Cabdulqaadir ku kordhiyiy TIDCAN. Waxa ay isku tidcaysaa labadii xarig, waxayna u beddelaysaa saddex xarig oo isku tidcan. Tusaale waxaan u soo qaadan karnaa labada tuduc oo gaagaaban […]

  • “Waxa faqriga keena UNka
  • Waxay jecelyihiin colka
  • Waxay necebyihiin khayrka
  • Waxay abaabulaan shirarka
  • Waxay dabraan heshiiska
  • Waxayna rabaan khilaafka
  • Wax dan ah kama laha xishoodka
  • Afkoodu ka weyn duleelka
  • Dhurwaa liqi kara dameerka!
  • “Tan kale oo jacaylka ahna waxa uu ku yiri:
  • “Alla gabadha daya luqunta
  • Cabaadhyaha ku yaalla qoorta
  • Dhabankeeda xaadda leh labeenta
  • Hammiga ku jira xasuusta”.

Abwaan Yamyam wuxuu tidcanta kore ee ku saabsan UN-ka ku tilmaamay “maanso”—mase aha! Wuxuu yiri, mar uu joogay kulan isaga lagu milgaynayay oo ka qabsoomay magaalada Columbus ee gobolka Ohio: “Tidcan baan tiriyay, suugaan la yiraahdo! Waa maanso dhawr boqol oo bayd ah. Kulligeed waxay ku dhammaanaysaa ka alif kor dhaban. Qaafiyad ma leh, kale. Ka la kor dhabey bay ku dhammaanaysaa oo alif wadata [nacam shaqalka ‘a’]”[2] [muujintayda].

Markaan dhugtay tilmaantan uu Abwaan Yamyam ka bixiyay tidcantiisan UN-ka, isla markaasna miisaamay oo ogaaday inaysan ahayn maanso, waxaa ii soo baxday in tidcantu la mid tahay sajciga Carbeed, ama af Ingiriis ahaan, prose poetry. Baaris dheer ka dibna waxaa ii soo baxday in tidcantu ugu yaraan ay afar jaad u kala baxdo. Jaadadkan ayaynu qoraalkan kaga faalloonaynaa.

Jaadadka Tidcanta

Tidcantu waxay yeelataa laba qaab: (1) taxnaansho, oo ay tixda la wadaagto, iyo (2) tubnaansho, oo ay tiraabta la wadaagto. Si kale marka loo dhigo, tidcantu sida tixda ayay meeris meeris u taxmi kartaa, balse meerisyadu ma yeeshaan miisaan soocan oo ka yeelaya tix. Aan eegno tusaalaha tidcanta UNka ee aan korka ku soo marnay (oo aan wax ka baddalnay, annagoo u qornay siduu Abwaan Yamyam u soo tebiyay):

“Wa-xaa faq-ri-ga bee-ra Un-ka                 (12 111 21 11)

Wa-xaa loo qo-daa god-ka                         (12 2  12 11)

Wa-xaa la-gu a-buu-raa geed-ka                (12 11 122 21)

Wa-xaa wa-raa-bi-ya reer gal-beed-ka         (12 1211 2 121)

Wa-xay ku shu-baan jeer-mis-ka”                (12 1 12 211)

Meerisyadan kore, mid, mid kale la miisaan ihi kuma jiro; waxayna ahayd in dhammaantood ay yeeshaan hal miisaan oo isku mid ah si ay tix u noqdaan, maaddaama oo ay isku xigxigaan, kuna jiraan tuduc qudha. Meerisyadani, haddaba, ma noqonayaan tix ee waxay noqonayaan tidcan. Sababta ay tidcan ku noqdeenna waa inay ka siman yihiin astaanta qaafiyadda: meerisyadu waxay ku wada dhammaanayaan qaafiyadda “ka” [muujintayda].

Astaan kale oo ay tixdu caan ku tahay ayay tidcantuna yeelan kartaa; waana astaanta xarafraaca. Waxaynu tusaalayaal badan ka soo qaadan karnaa heesaha caanka ah ee ay ka midka tahay heesta “Waxaan nahay waadiga dugsiyada” ee uu sameeyay, Alle ha u naxariistee, Xasan Sheekh Muumin. Heestan iyo kuwa la midka ihi ma laha meerisyo isku wada miisaan ah, balse waxay leeyihiin meerisyo taxan oo leh xarafraac. Tusaale (xarafraacu waa ‘w’):

  • “Waxan nahay waadiga dugsiyada
  • Waxan nahay waanada macallinka
  • Waagii beryaba, ubax laga waabshoo
  • Waxan ku werweraynaa
  • Waddankiinna wax u barta
  • Oo xambaara waajibkiisa”

Marba haddaysan meerisyadan kore lahayn miisaan mid ah, ma noqonayaan tix, farsamo ahaan, ee waxay noqonayaan tidcan maaddaama oo ay xarafraac yeesheen. Tanina waa sal ballaarin aan ku samaynnay jaadadka tidcanta, oo aan hore uga haysannay hal tusaale oo uu ina siiyay Abwaan Yamyam. Waxaynu markaas u gogolxaarnay in heesaha badan ee miisaanka la’ loo qaato tidcan, halkii looga malayn lahaa tix.

Annagoo sal ballaarinta tidcanta sii wadna, waxaa jira labo jaad oo kale oo ay tidcantu leedahay. Waa labo jaad oo midna qaafiyad ku suubsama, midna xarafraac. Labadan jaadna waa tiraab, farsamo ahaan, balse way ka farshaxan sarreeyaan tiraabta caadiga ah maaddaama oo ay qasab tahay inay xarafraac ama/iyo qaafiyad yeeshaan! Aan u soo horraysiinno tusaalaha xarafraaca leh:

“Waa qarnigii sagaal iyo tobnaad badhtamihiisii 1840-nadii xiliguna wa qubaygii dayreed, cirku weli qummaati uma di’in, haseyeeshee geeduhu ma qoyaan la’a, caws iyo qawlna kama madhan.”

Sidaas ayuu Axmed Maxamed Cabdi-Kulumbo ku ibafuray buuggiisa Koora Dadab: Cishqi & Colaad. Meelo kala duwanna wuxuu ku naashnaashay tidcantaas tiraabaysan ee xarafraaca leh, inkasta oo uu meelaha qaarkood is dhexgeliyay dhawr xarafraac oo kala geddisan. Balse waxaa la helayaa qoraallo tiraab ah oo gaagaaban oo hal xarafraac ku wada socda, sidaasna ku ah tidcan, sida qoraalka ku socda xarafraaca “h”-da ee “Waxaa Hoogtay Ummad” ee ku soo baxay 2012kii Tusmaaleey.

Jaadka afraad ee tidcantu waa mid tiraabaysan oo ku socda qaafiyad. Sida jirta, qaafiyaddu lama mid aha xarafraaca; waxayse labaduba ka siman yihiin uun soo soocashada xuruufta alifba’da. Qaafiyadda hal xaraf iyo ka badanba waa la soo soocan karaa, oo uu ereygu ku dhammaanayo; halka xarafraaca la soo soocdo uun xarafka ugu horreeya ee ereyga, ha ahaado shibbane ama ha ahaado shaqal. Tusaale ahaan aan u soo qaadanno furfurshadan tidcanta ah:

Magaca Eebbe ku bilaabay aan. Mahad oo dhan waxaa leh al-Raxmaan; Quwiilaha kala soocay Xumaan iyo Samaan; ee nagu galladaystay al-Furqaan. Waaqow canceeno ku bantookh Axmed ina Cadnaan, iyo qoyskiisii iyo jaallayaashiisii dhammaan. Annagana nagu sug dhawrsanaan, iyo inaan xejisanno diintaada macaan.

Ugu yaraan weer kasta oo ku jirta tuduc-tiraabeedda kore waxay ku dhammaanaysaa qaafiyadda “aan”, sida loo madoobeeyayba. Mararka qaar, hal weer ah ayay qaafiyaddu ku soo dhawr jeer noqon kartaa, iyadoo ay taasi sii xoojinayso farshaxanka weertaas. Mararkanna waxaa fiican in meelaha lagu hakanayo ay qaafiyaddu soo gasho, waayo dhegta ayaa hakashadaas u nugul, qaafiyadduna way muuqanaysaa markaas.

Gabagabo

Jaadadka tidcanta ee aynu soo falanqaynnay ayaan sidan kooban ugu soo bandhigaynnaa tusahan soo socda, oo aan ka soo gooyay qoraal iyo xogjeedin kooban oo aan la wadaagay xubnaha iyo dhegeystayaasha Naadiga Curis ee magaalada Jigjiga (10-Oktoobar-2020):

[TAXAN][TUBAN]
QAAFIYAD“Waxaa faqriga beera UNka Waxaa loo qodaa godka Waxaa lagu abuuraa geedka Waxaa waraabiya reer galbeedka Waxay ku shubaan jeermiska” – Abwaan Yamyam(1945-2005)Magaca Eebbe ku bilaabay aan. Mahad oo dhan waxay u ahaatay al-Raxmaan; Quwiilaha kala soocay xumaan iyo samaan; ee nagu galladaystay al-Furqaan. Waaqow canceeno ku bantookh Axmed ina Cadnaan, iyo qoyskiisii iyo jaallayaashiisii dhammaan. Annagana nagu sug dhawrsanaan, iyo inaan xejisanno diintaada macaan.
XARAFRAACAqoon la’aani waa iftiin la’aane Waa aqal iyo ilays la’aane Ogaadaa, ogaadaa, dusiyada ogaada O aadaa, o aadaa, walaalayaalow aada” – Halabuur Xuseen Aw Faarax Dubbad(1928-1999)Heybadda iyo quruxda uu Alle u hibeeyay ayaa ahayd tan ka soocda haweenka aynigeeda ah, adaabta iyo xushmadduna hayb lagu aqoonsado ayaa ay u ahaayeen. Qof hoodo leh oo hagaagsan bay ahayd balse dunidu la heehawdo. …”– Sheekh Maxamed Gaanni [qoraha buugga Dhabbanahays]

Afarta jaad ee tidcanta, sidaan korka ku soo falanqaynnay, waxay ina garansiinayaan in tidcantu u dhexayso tixda iyo tiraabta; inay tidcantu tiraabta ka mudan tahay dhanka adeegsiga qaafiyadda iyo xarafraaca, balse aysan gaarsiisnayn heerka tixda ee farshaxanka ka sokow ay u sii dheer tahay miisaanka. Saddexduba, maaddaama oo ay yihiin suugaan, waxay ka siman yihiin adeegsiga afka balaaqada leh, ee aan ahayn kan sida maalinlaha ah loogu hadlo.

Maanta ka dib, haddaba, waxaa si sahlan loo soo sooci karaa tidcanta suugaanteenna dafta ka ag, sida heesta “Dalxiis” ee uu curiyay laashin Cumar Daahir Cabdi (Kuul), uuna qaado hoobal Xasan Wado, oo ah tidcan tiraabaysan. Waxaan u haystay inay heestani tahay tix, balse miisaankeeda markii aan soo saari kari waayay ayaan ku tilmaamay “hadal caadi ah, oo haddii la rabo lagu heesi karo marka laxan la saaro”![3]

Ugu dambayntii, Abwaan Yamyam Alle ha ka abaalmariyo sida quruxda leh ee ugu magacbixiyay tiirka saddexaad ee suugaanta, oo haddaanu tiirkani magac lahaan lahayn ay adkaan lahayd in la soo saaro astaamihiisa iyo waxa uu tiirarka kale ee suugaanta uga geddisan yahay.

Qore: Idiris M. Cali

Dhanjac: [email protected]


[1] Axmednuur Maxamed “Ustaad” (2015). Tix & Tiraab: Diiwaanka Gabayadii Raage Ugaas Warfaa iyo Taariikhdiisii. Uruurintii Saddexaad. Bog 82. Hojiska wuxuu u qornaa: “Hadal waa tix iyo tiraab uun …” mana aha hojis maanso ahaan miisaaman!

[2] Eeg https://youtu.be/lnfNmjClEt8.

[3] Idiris Maxamed Cali (2017). Falanqaynta Miisaanka Maansada. Garanuug.com. Bogga 13aad. http://www.garanuug.com/download/falanqaynta-miisaanka-maansada/


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.