Wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya oo gaarey Baladweyne

Wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya oo gaarey Baladweyne

Muqdisho, (WDN)- Wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo wasiirka wasaaradda gaashaandhigga xukuumadda federaalka Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur oo ay xildhibaanno iyo saraakiil ciidan ka mid yihiin, ayaa maanta gaarey magaalada Baladweyne ee gobolka Hiiraan.

Wafdiga wasiirka ayaa waxaa qeyb ka ahaa taliyaha ciidanka xoogga Jeneraal Odawaa Yuusuf Raage, xildhibaano iyo saraakiil kale, waxaana garoonka diyaaradaha kusoo dhaweeyay maamulka Hirshabeele, saraakiisha ciidamada xoogga dalka, kuwa ATMIS iyo maamulka gobolka Hiiraan.

Wafdiga wasiirka, ayaa waxa ay booqdeen taliska ciidanka ATMIS ee Ceeljaalle, waxa ayna kulamo la qaateen saraakariisha ATMIS iyo saraakiisha ciidanka xoogga dalka iyo maamulka gobolka Hiiraan iyagoo ka dhegeystey warbixin la xiriirta xaaladda gobolka iyo dagaaladii u danbeeyey ee lala galey xoogagga xagjirka ee Alshabaab.

Booqashada wafdiga wasiirka gaashaandhigga  ee gobolka Hiiraan,ayaa imaanaysa xilli hawlgallo wadajir ah oo ciidamada hawlgalka midowga Africa ATMIS iyo kuwa militariga Soomaaliya kula jiraan kooxda Alshabaab ayagoo deegaano fara badan kala wareegay.

Maxamed Cumar Sheekh Aadan

WardheerNews, Muqdisho

Leave a Reply

Your email address will not be published.