Muqdishu ( WDN) Warar lagu kalsoon yahay oo soo gaadhay WardheerNews, ayaa sheegaya in Cumar Cabdirashid lagu wado in uu noqdo Ra’ iisal Wasaaraha cusub ee Soomaaliya. Md. Cumar Cabdirashiid oo ah hadda danjiraha Soomaaliya u fadhiya Maraykanka, ayaa horey uga soo noqday Ra’iisal Wasaare sanadkii 2009-2010 xukuumadii KMG aheyd ee uu Sheekh Shariif madaxa ka ahaa.
Magacaabista Cumar Cabdirashid, ayaa lagu wadaa in maalmaha ina xiga lagu dhawaaqo.
Md. Cumar Cabdirashiid ayaa horey u waayay xilkiisii Ra’iisal Wasaare, ka gadaal khillaaf soo kala dhex galay Sheekh shariif, taasi oo dhalisay in la rido dawladii uu hogaaminayay Cumar.
Md. Cumar Cabdirashiid oo dadku ku tilmaamaan nin qunyar u socod ah, ayaa mudaddii uu Ra’iisal Wasaaraha KMG ka ahaa Muqdishu, la sheegay in uu heshiis badda ah, la galay dawlada Kenya, taasi oo shacbiga Soomaaliyeed si aad ah uga soo hor jeesteenn, ka gadaalna uu Baarlamaankii hore ee KMG uu diiday.
Haddaba waxaa dad badani is wediinayaan in haddi Cumar C/rashiid uu mar kale noqdo Ra’iisal Wasaaraha cusub ee Soomaaliya:
Ma u madax banaanaan doonaa hawlaha dawlada iyo dhisida Golaha Wasiirada ?
Su’aashan jawaabteeda, ayaa laga dhadhan san karaa gacanta ay ku leeyhiin Madaxweyne Xasan Sheekh iyo la taliyhiisa Faarax Cabdulqaadir ( Faarax Sakiin) marka uu soo dhiso golaha wasiirada.
Markaas oo haddii golaha lagu soo daro ama ay ka dhex muuqdaan kooxihii horey Madaxweyne Xasan aadka ugu dhadhawaa siada Faarax Cadulqaadir iyo Xalane. Taasi oo xaqijin doonta gacan banaanida Cumar Cabdirashiid xilka loo igmaday. Iyada oo sidoo kale meesha ka bixinaysa eedayntii xildhabaanada Baarlamaanka uu ku doodday dhinaca wax qabadka dalwadii Cabdiwali ee dhawaanta la riday.
Waxa kale oo safka hore kaga jira liiska ol’olaha jagada Ra’iisal Wasaaraha Xuseen Cabdi Xalane iyo Bashiir Nuur Bidaar.
Wixii wara ee soo kordha waxaanu idinkula socodsiin doonaa wararkayaga dambe Insha Allah.
WardheerNews
Leave a Reply