Tuesday, May 07, 2024
Wardheer News
  • Maqaallo
  • Maqaallo.
  • Opinion
  • Slideshow

YAA, MA SIDAASAA !!

W.Q. Siciid Jaamac Xuseen

siciid1Herr ‘K’.. mudane ‘K’ waa nin Jarman ah oo magaciisa xarafkii ugu horreeyay laga soo qaaday, innaguna sidaas ayaynu ugu yeeri doonnaa. ‘K’ waa afartan jir dherer iyo lafba u dhammaystiran.  Shan iyo labaatan sannadood, ayaa ugu dambaysay maalintii uu jaamacadda Dresden ka baxay, isagoo cilmiga falsafadda shahaadad sare ku qaatay.

Intuu aabbihii lacag ka daynsaday, ayuu meherad isaga u gaar ah furtay.  Meheraddaas aad uga ma uu taajirin, ha yeeshee isaga iyo qoyskiisaba nolol fiican ayay ku qabeen, raallina ku ahaayeen.  Maalka nin aad isaga daba rida ma ahayn.  Inta badan, wuxuu ka dhex muuqan jirey kulammada bulshadu isugu timaaddo ee ku saabsan doodaha dhaqanka, siyaasadda iyo fanka.  Dad badan ayaan u aqoon inu nin ganacsade ah yahay.

Si roon ayay saaxiibbadiis u arkaan in falsafaddii uu baran jirey saamayn weyn ku leedahay noloshiisa iyo dhaqan maalmeedkiisa.  Marar badan, ayaa lagu eedeeyay inu  arrimo liddi ku ah taliska dalka ka jira uu dhallinyarada iyo bulshada dhexdooda ka wado.  Dhawr jeer, ayaa maxkamadda la soo taagay, digniin badan la siiyay.  Wax cabsi ahi qalbigiisa kuma dhalan.  Si weynse wuu uga caroon jirey arrimahaas lagu xujaynayo.

Safarrada weligiis wuu jeclaa.  Imminkana danihiisa, ayaa khasab kaga dhigay.  Safarro badan ayuu dunida ku kala bixiyay.  Waaya-aragnimo ayuu kororsaday.  Qoraallo dhawr ah, ayuu gacanta u qaaday oo ka warramaya axwaasha dunida ka jira.  Hadba sida loo kala xoog badan yahay in la isu muquuninayo, ee cadaaladda, sinaanta iyo naxariis la isu galaa inay ‘ii dheh beenbeen ah tahay, oo bulshaweynta adduunka lagu seexinayo.

Beryahaas, hawl ganacsi, ayuu booqasho ku tegay magaalada Istanbul ee dalka Turkiga.  Xilli casar ah, maalin ka mid ah intuu dalkaas booqashada ku joogay, ayay si lama filan ah isku soo baxeen nin Turki ah oo la yiraahdo Nasiim.  Jaamacadda Dresden ee Jarmanka ku taal ayay arday ka wada ahaayeen isku fasal ah, laba maaddose kala dhigta.  Halka uu mudane ‘K’ falsafadda ka qaadan jiray, Nasiim cilmiga dhaqaalaha ayuu ku qalin jabiyay.  Labaatan sano, ayaa labada saaxiib isugu dambaysay.  Wax xiriir ah oo muddadaas dhex maray ma uu jirin.  Kulankoodii way isku naxeen, isku farxeen oo si diirran isugu dhegeen.

Waraysi degdeg ah, ayay isdhaafsadeen iyadoo mid waliba soo koobayo wixii uu ku cindanaa muddadii ay kala maqnaayeen, iyo wixii ku soo kordhay qof ahaan iyo qoys ahaanba.  Intaanay kala tegin oo isa sii sagootiyin,  ayaa Nasiim intuu ka bogtay wejigii saaxiibkiis ‘K’, ku yiri isagoo dhoolla-caddaynaya:

“ Saaxiib ‘K’, sidaadii ayaad tahay oo maba mooddid labaatankaa sano in muuqaalkaaga wax yarina iska beddeleen.”  Intuu sii gacan qaaday ayuu u raaciyay,” Waynnu soo wada xiriiiri doonnaa imminka wixii ka dambeeya.”

Ninkii ‘K’ , sidii qof ay dacari ku kacday ayaa loo qabtay, markii Nasiim ka dhaqaaqay.  Farxaddii iyo rayrayntii wejigiisa ka muuqatay, mar qura ayay  ka suushay.  Wahab culus, ayaa fuulay oo ku habsaday.  Maqaayad aan ka fogayn ayuu kuraastii dibedda tiil mid ku fariistay, isagoo isla hadlaya : “ Ma intaas oo sannadood..iyo wixii i soo maray..ee la ogaa..ayaan wax yarina iska kay beddelin oo weli maankaygii iyo muuqaalkaygiiba sidii yihiin!!  Taasi waxay uun ku dhici kartaa qof dareenkiisii iyo dadnimadiisii ay beri hore socdeen, oo adduunka iska kor jooga!”   Mudane ‘K’ waxaa ku burqaday casharradii uu falsafadda ka baran jiray ee sheegayay in daqiiqad walba qofka iyo dabiicadda isbeddel weyni cuskanayo oo dhinac walba ka haleelayo, ha u darraado kan qofka foolka iyo muuqaalka ka abbaaraaye.  Habeenkaas casho la’aan ayuu ‘K’ ku seexday.  Maalintii xigtayna magaaladiisii Dresden ayuu u dhoofay markii hawshii Istanbul uu degdeg isaga  dhammeeyay.  Ereygii saaxiibkiis Nasiim maskaxdiisa kama bixin.

Siciid Jaamac Xuseen
Email: [email protected]


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.