Thursday, April 25, 2024
Wardheer News
  • Maqaallo
  • Slideshow

Xus iyo Xusuus: Maxamed Daahir Afrax

Mataantaadii Maana-faay

W.Q. Saynab Daahir ‘Sharci’

Inan aannu qaraabo ahayn ayaa noogu timi magaaladaan ku negganaa.
Waddanka Ivory Coast ee galbeedka Afrika ku yaal magaalamadaxdiisa Abidjan ayey ku
socotay. Cidladay ku socoto ayaan ka naxay, anigoo isbidaya inaan ka nasiib badanahay
maadaama jaaliyad Soomaaliyeed oo tiro fiican ahi ay deggen tahay magaaladayadan Cardiff
ee waddanka UK.

Wada sheekaysi iyo isku farax ka dib waxaan la wadaagay buuggaag ay walaashay Amaal Xaaji Aadan-Sharci, Xamar iiga soo dirtay; waa Maana-faay, waa Aqoondarro waa u nacab jacayl, iyo Ayaan Daran. Saddex buug, oo mid waliba yahay daabacaaddiisi ugu horraysay. ‘I amaahi’ayey i weydiisatay. Aad bay iigu celcelisay, ballanna ay ku qaadday inay akhriskooda ka dib, boosta ii soo dhigi doonto. ‘Billow dib ay kugu soo noqon waayaan’ ayaan judhiiba is idhi. Nasiibdarro iyo nacasnimaba, naxariistaydaa ka xoog badatay lexlajecladayda oo anoo dhanna ka werwersan dhanna iyada u naxaya ayaan ku aaminay oo ku taagay buugtii qaaliga igu ahayd. Sidii baanay iigu soo noqon!

Iyadoo taasi ay taa tahay, ayaan 10-eeyo sannadood dabadood booqday hay’ad la odhan jiray The African Centre oo xaruntoodu ku taallay Covent Garden. Xarun aan aad u jeclaa oon marmar London ku soo booqon jiray ayey ahayd. U qaadan waa iyo farxad-naxdin, waaba buuggii Maana-faay oo rakooyinka mid ka mida taxan. Horay-horay ayaan ula booday, sidiiyoo ay hortayda mar qudha ka libdhi doonaan.

2008dii oo iyana 10-eeyo sannadood ka dib ahayd xilligaas ayaa magaalada London goobo ka mida
waxaa ka socday dabbaaldeg iyo bandhig buuggeedyo (Somali Language Festival & Touring
Book Fair) uu soo qabanqabiyey naadiga Qalinleyda iyo Hal’abuurka Soomaaliyeed ee Somali
Speaking Pen (SSPEN). Sannadkaa 2008-du wuxuu ahaa mid ay Hay’adda Quruumaha
Midoobay ku magacowday Sannadkii Caalamiga ee Luqadaha (International Year of
Languages). Waa sannadkaan la kulmay qoraagii sheekadii Maana-faay een marxaladahaas
kala gedgeddisan la soo maray – waa Maxamed Daahir Afrax, Allow u naxariisoo qabriga janno
janno ku sug uga dhig, Aamiin.

Dr Maxamed D. Afrax (AHUN)

Anigoo ilnugayl iyo khajilaad badan is diidsiinaya ayaan abbaaray qoraaga, markaasaan u sheegay inaan haysto nuqul ah buuggii Maana-faay iyo inay aad sheekaadaasi ii cajabisay. ‘Halkeed ka heshay, waa horuu daabacaadda ka baxee’ iyo waraysi yar dabadii inuu ii saxeexi doono ayuu ii ballan qaaday. Maalintaasi may noqon maalintuu ii saxeexay nuqulkaygaa aan wixii i soo maray dabadeed, aadka u ilaashanayey.

Afar sannadood ka dib iyo Toddobaadka Dabbaaldegga Soomaalida ee 2012, (Somali Week Festival 2012), oo bisha Oktoobar sannad walba bariga London iyo xarumo kalaba lagu qabto, ayaan si joogto ah sannad walba uga qayb qaataa. Runtii, waa toddobaad si gaar ah aan u ilaashado, waayahaygana saamayn laxaad leh ku yeeshay. Sannadkani waa markii xigtay ee aannu kulmi doonno Maxamed Daahir Afrax. Si toos ah waxaa isku kaaya baray walaalkay Axmed Cabdiraxmaan Xasan, oo runtii hawlahaan ku jiro taageeraha koowaad ka ah. Laga billaabo sannadkaa illaa iyo waqtiguu Eebbaheen oofsaday addoonkiisa, aniga iyo Maxamed xidhiidh dhow iyo wadashaqayn joogtaysan ayaa naga dhexaysay. Nuqulkaygii Maana-faayse doorkanna la iima saxeexin, sheekada saxeexuse weli way socotaa!

La kulanka Maxamed Daahir Afrax, AHUN, laancigaaleed ayuu u noqday ololahaan 2009kii isku xukumay ee ku billaabmay Daadah – Baro af Soomaali, ka dibna fadhiistay ARDAA, welina geeddigiisu uu socdo. Magacyadan Daadah iyo ARDAA waa taxanayaal akhris iyo waxbarasho
oo carruurta Soomaaliyeed ee dalalka dibadaha ku dhashay ama ku koray ka taageeraya barashada af Soomaaliga iyo dhulka ay ka soo jeedaan. Wuxuu igu arkayba, sannadkaas 2012 kii wuxuu Maxamed ii magacaabay xubin ka mida naadiga Qalinleyda iyo Hal’abuurka Soomaaliyeed, iguna casuumay Shirweynihii 5-aad ee SSPEN iyo dabbaaldeggii 40guuradii Far Soomaaliga ee isku sidkanaa. Nuqulkaygii Maana-faay oon sidii isku daba sido, sannadkaas iyo magaalada Jabuuti ayuu qoraagu iigu saxeexay.

Maxamed, Allaah ha u naxariistee, aad iyo aad ayuu u saameeyey noloshayda iyo jihada
takhasuskaygu noqday. 2014 kii xarunta dhexe ee Akademiya Goboleedka AfSoomaaliga ayuu
haddana ii sheegay in xil la iigu magacaabay ah in aan ka mid noqdo guddiga kumeelgaadhka
ah ee Naxwaha ee Akademiyada. Haba-ka-qaban, qofkii baddan sibiqda ku soo gashay waxay
ku dhiirratay inay diyaariso qormo baadhitaan oo xasilinta far Soomaaliga ku aaddan oo ay
kaga qayb qaadatay shirweynihii Somali Studies Internatiional Association (SSIA) ee 2018,
Hargeysa, Soomaalilaan.

‘Nin aanad saacad ku baran, sannad kuma baratid’ waa murti Soomaalidu tidhaa. Maxamed
wuxuu lahaa fiiradheeri iyo karti uu qofka ku akhristo, weeleeyana xirfaddooda oo meeshay
ku habboon yihiin u jihayn yaqaan. Qof wuxuu ahaa qofkiisa ka war haya oo la socda
waayihiisa. Adigoon filayn qoraal gacalnimo oo horumarkaaga kugu hambalyeynaya kuu soo
dira.

Dadkii faraha badnaa ee xusaskii iyo baroordiiqdii badnaa wax ka soo qoray ama wax ka yidhi
waayaha iyaga iyo Maxamed soo kala dhex maray, waxaa iiga baxayey meelo badan inaan ka
daba idhaa, ‘iyo ani’.

Nimco Cabdiraxmaan ‘Weedhsan’ waa da’yarta SSPEN ka tirsan, qormooyinkeedii xus iyo
baroordiiqda waxaan ka xiganayaa ‘waxa aan lahayn xidhiidh joogto ah oo mar walba aniga
horumar ii leh’…‘inantaydii buu mar walba igu odhan jiray’ iyo…‘mustaqbalka iyo maantaba
waad ku xusan tahay horumarkayga adeer’.
Ereyada Weedhsan, waxay iila dhignayd inaan
anigu hadlayo!

Nasra Nuux waa dhalinyarta aannu barta bulshada Facebook asxaab ku nahay. Qormo ku
saabsan waayaha iyada iyo Maana-faay dhexmaray ayey soo tebisay. Iyadana waxaan ka soo
xiganayaa in sheekada Maana-faay 2006-2007-dii si taxane ah ay ugu soo baxaysay wargayska
Ogaal, Hargeysa. Waxay noo sawirtay inay iyada iyo walaalaheed kala boobi jireen marka
aabbahood yimaaddo guriga isagoo sida nuqulkii Ogaal ee maalintaa soo baxay. Waxay tidhi
‘…sheekada Maana-faay aad baan u jeclaa, inay maalin qudha i dhaafto maan jecelayn. ’ Waxa
kalooy tidhi, ‘aabbo…albaabka ayaan kaga hor tagi jiray si aan wargayska anigu ugu hor qaato’
iyo ‘…shan walaalo ah oon aan ku jiro ayaa sheekadaa ku taxnaa’.

In waqtigu istaagay oo kale ayey ila noqotay. Ereyada Nasra dib bay xusuustaydii ugu celisay
dib-u-daabacaaddii buugga Maana-faay ee Looh Press iyo bandhigyadii badnaa ee lagu
daahfuray midkood oo magaalada Birmingham ay goosanka AGA ee UK ku diyaariyeen.
Aamina Muuse Weheliye ayaa nooga sheekaysay waqtigii Maana-faay Xiddigta Oktoobar lagu soo daabici jiray iyo xiisahay u qabeen. Inay dherersan jireen keenidda guriga la keenayo
nuqulka maalintaa soo baxay iyo kala boobidda inta xaafadda deggen ay u kala boobayeen
‘anigaa hor akhrisan’ iyo ‘anigaa hor akhrisan’. Rubuc qarni ka badan ka bacdi waxay sidii
muraayad u tebisay sheekadii iyo dareenkii ay Nasra Facebook ku soo tebisay!!!
Qormo 33 bog ah, fankeeda qoraal iyo farshaxankeeda muuqaal ay ka muuqato
xeeldheernimo ayey innamo dhalinyaro ah oo afar ah intay isxilqaameen ka soo diyaariyeen
xogaha cajiibka ah ee dadku xus iyo baroordiiq isweydaarsanayeen. Bahda SSPEN bartooda
kulan ee WhatsApp ayaa geeridii naxdinta badnayd ka dib, muddo bil gudaheed ah la soo
dhigay. Akhris baan ku boobay, aadna ugu bogay, habsamida qoraalkaa. Mucjiso kale ayaan
ku gebagebeeyey, saamaynta laxaadkaa leh ee uu Maxamed ku yeeshay intay taariikhdiisu la
falgashay!

Maalin Sabti ah oo bishu tahay 9 -kii Oktoobar, sannadkuna 2021 waxay ahayd maalin gilgishay
bahda qalinleyda iyo halabuurka Soomaaliyeed. Maalin Illaahay oofsaday addoonkiisii
Maxamed ina Daahir ina Afrax. Eebbe ha u naxariisto e, aqoonyahan iyo xeeldheere tiir
dhexaad saamayn ballaadhan ku lahaa afka, dhaqanka iyo suugaanta Soomaaliyeed iyo inta
jecelba.

Hawlahuu igu ogaa ee qabyada ah halkoodaan ka sii wadi doonaa, idanka Eebbe. Aadna
waxaan u taageerayaa oon ku boorinayaa in taxanaha buugta AGA lagu xuso Maxamed Daahir
Afrax (AHUN) saamayntuu ku lahaa afka, dhaqanka, fanka, suugaanta iyo nabadda ummadda
Soomaaliyeed.

Saynab Daahir ‘Sharci’
SSPEN & AGA


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.