Muqdisho (WDN)- Guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee Golaha Shacabka Soomaaliya Marwo Sacdiyo Salaad ayaa gaartey magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga maamulka Puntland, ayadoo lagu soo waramaayo in shaqaaqad xooggan uu imaatinkeedu keenay.

Diyaarad ay la socotay Xil. Sacdiyo, oo siday gargaar bani’aadanimo, ayaa loo diiday in ay degto gegida diyaaraddaha ee mgagaalda Boosaaso. Maamulka Puntland ayaa ka gadaal ogolaadey in ay dagto dayaaradda, oo uu duuliyihii wadey uu sheegay in uu u baahanyahay shidaal si magaalada Muqdisho uu dib ugu celiyo wafdiga.
Maamulka Puntland oo amar ku bixiyey in dib loo celiyo dayaaraddii siddey guddoomiye ku xigeenka 1aad ee Golaha Shacabka, ayaa dhalisay iska hor imaad xooggan oo hubka noocyadiisa kala duwan la isku adeegsadey oo ka dhacey magaalada Boosaaso, kaasi oo dhex marey ciidamadda badda PMFM ee Puntland oo doonayey in la fuliyo amarka dawladda Puntland ee dib u celinta dayaaradda iyo ciidamada gaarka ah ee la daglaanka Argagixisade PFS , oo doonayey in dayaaraddu ay dagto lana soo dhaweeyo wafdiga oo deeq gargaar ah u sidey dadka abaaruhu saameeyeen ee ku nool deegaanada Puntland.
Ma cadda illaa iyo iminka qasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay iska hor imaadkaasi oo hubka la isku adeegsadey daryankiisa magaalada si aad ah looga maqlayey, iyada oo la sheegayo in 7 ka tirsan labada ciidan iyo illa 4 qof oo shcabka ahi ku geeriyoodeen dagaalkaas.
Isimadda gobalka Barri ayaa cambaareeyey tallaabada maamulka Puntland, waxa ayna dhankooda amreen in diyaaraddu dagto, bulshadana la gaarsiiyo Deeqda gargaar ee ay galbinayso guddoomiye ku xigeenka Golaha Shacabka Soomaaliya, ahna Kusimaha Madaxweynaha.
Illaa iminka ma cadda sababta keentey in maamulka Puntland uu saaro amar ku aadan in dib loo celiyo dayaarad sidda mas’uul sare oo Dawladda Federaalka ka tirsan, deeq gargaar ahna u sida bulshada abaaruhu dhufteen ee deegaanadaas ku nool. Laakin wararka qaar ayaa tilmaamaya in Puntland dhaliilsan tahay habka dawladda Federaalka ahi u maareynayso deeqaha gaar ee abaaraha loogu talo galey.
Arintan ayaa iyana keenaysa xiisad hor leh oo ka dhex ooganta Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka Puntland, maadaama uu Md. Siciid Cabdullaahi uu safar dalka dibadiisa uga maqan yahay, oo markaasi Md. Axmed Cilmi Karaash, uu hadda yahay ku simaha Madaxweynaha, balse arinkan dib u celinta diyaaradda, lagu soo waramayo in uu amray Md. Siciid Deni.
Wararka ayaa tilmaamayaan in wafdiga iyo deeqdii ay sideenba dib Muqdisho ugu soo laabteen.
Maxamed Cumar Aadan
WardheerNews, Muqdisho
Leave a Reply