W.Q. Hon. Abshir Maxamed Axmad (Bukhaari)
Waa adduun oo laguma waaree, waxaa 9 Oktoobbar 2021 ay caleentiisii caddaatay Dr. Maxamed Dahir Afrax, oo ku geeriyooda cusbitaal ku yaalla magaalada London.
Dr. Afrax, Alle ha u naxariistee, oo sannadkii 1952-dii ku dhashay degmada Jarriiban ee gobolka Mudug, waxa uu ahaa foolaadka qalinleyda Soomaaliyeed, isaga oo wax ku qori jirey afafka Soomaaliga, Carabiga iyo Ingiriiska, haba ugu badnaado afka Soomaaliga e.
Dr. Afrax waxa uu waxbarashadii dugsi Quraanka ku soo qaatay isla degmadii uu ku dhashay ee Jarriiban. Kadibna waxa uu u soo wareegay caasimadda Muqdisho, halkaas oo uu ku qaatay waxbarashadii dugsiga hoose/dhexe iyo sareba. Kadib waxa uu waxbarashada sare ee jaamacadda u aaday Cadan, halkaas oo uu ku qaatay aqoonsiga koowaad ee adabka (BA).
Dr. Afrax, Allaha u naxariistee, waxa uu ahaa qoraa iyo faaqide fiiradheer oo ku kalsoon hibadiisa iyo kartidiisa farshaxanimo oo marka aad akhrineyso qoraaladiisa aad moodeyso in uu ku horjoogo sida uu u garanayo geedi-gelinta qoraalka iyo waxa uu leeyahay isaga oo u adeegsanaya erayada iyo weeraha hadba meesha ku haboon, siiba marka uu tusaalayaal ka soo dhambalanayo kayda hidde-afeedka Soomaaliyeed (Somali Oral Tradition).
Hibada qoraalka ee Dr. Maxamed Dahir Afrax waxa ay soo if-baxday isaga oo weli ku jira dugsigii sare ee magaalada Muqisho. Xilligaas waxa uu seeska u dhigay wargeyskii billaha ahaa ee ugu horreeyay, ee ku soo bixi jirey afafka Soomaaliga iyo Carabida, ee lagu magacaabi jiray “Codka Jubba”, kaas oo soo bixi jirey intii u dhexaysay 1972-dii illaa 1975. Halkaas waxa ka cad in soo ifbaxa halabuurka qoraaleed ee Dr. Afrax uu la kowsaday kuna soo beegmay qoristii af Soomaaliga ee 1972.
Shanta sano ee u dhaxeysay 1975 ilaa 1980 oo laguna tilmaamo berisamaadka hibada qoraalka Dr. Afrax waxa uu qoray saddex sheeko oo dhaadheer oo aad loogu bogey dhallinyaraduna ay ku daadatay: sheekada koowaad waa Guur-ku-sheeg oo soo baxday 1975, ta labaadna waa Maana-faay oo noqotay sannadkii 1979 iba-furkii sheeko fanneedka Soomaaliyeed ee laga dabo-dhacay iyo sheekada saddexaad oo ah Galti-macruuf oo sannadkii 1980 ku bilaabantay taxane ku soo bixi jiray wargeyskii maalinlaha ahaa ee Xiddigta Oktoobar, iyada oo markii dambe lagu joojiyay qaybtii 37aad ka dib markii ay dowladda milaterigu qoonsatay farriintii ay sheekadu gudbineysay. Taasi waxa ay sabab u noqotay in Dr. Afrax uu eersado sheekadaas mudo yar ka dibna uu sannadkii 1981-kii uu dibadda uga baxo Soomaaliya, kuna noolaado qurbaha.
Sida laga dheehan karo marka la akhriyo buugtiisa iyo qormooyinkiisa, Dr. Afrax waxa uu dhammaantood kula dagaalamayey dhaqan-burburka iyo marin-habawga da’da soo koreysa, isaga oo kuna bidhaaminayey dhaqammadii-dhowaan-soo-galka ahaa iyo kaalinta silloon ee jiilka hoggaanka hayey ay ku horkacayeen dadweynaha.
Dr. Afrax ma uu qorin oo keliya buugaag sheeko oo mala-awaal ah iyo sheekooyin gaagaaban sida Talo-seeg ikk ee sidoo kale waxa uu cilmi-baaris baaxadweyn leh ku sameeyay horumarinta afka, dhaqanka iyo suugaanta qaybaheeda kala duwan. Afrax, Allaha u naxariistee, waxa uu si gaar ah ugu tilmaanaa in uu ahaa gorfeeye iyo faaqide fiiradheer, sida laga dheehanayo dhiganihiisa “Fan-Masraxeedka Soomaalida: Raad-raac Taariikheed iyo Faaqidaad Riwaayado Caan-baxay (1987).’’ iyo gorfeyntiisa shiiqsiga dambe leh ee uu ku sameeyey buugga “Gaso, Ganuun iyo Gasiin” oo ah sheeko fanneed uu qoray Dr. Cali Jimcaale Axmed oo isna ah qoraa iyo bare-sare.
Dr. Afrax, xagga curinta sheeko fanneedyada, daneynta, hodminta iyo horumarinka afka Soomalaiga waxa uu ula masa yahay ama ugu jiraa dadka Soomaaliyeed, kaalinta George Orwell-ka ingiriiska, Chinua Achebe-ha Nigeria iyo James Thiong’o Ngugi Kiinya.
Markiii dadka Soomaaliyeed ay muujinayeen dareenkooda ay ku diiddanaayeen falalkii dhaqandooriska ahaa ee gumeysiga shisheeye la mataaneysnaa, ee ayna ku heesayeen meerisyadii ku jirey riwaayaddii “Xoriyo”;
“Ma duugoobo dhaqankey,
Ma doorsoomo midabkay,
Ma bakhtiyo dabkeygu ….”
Waxa ay kasha ku hayeen in qalinleyda uu horseedkeeda yahay Dr. Maxamed Dahir Afrax iyo kuwa la midka ahi ay guntiga labada low u geyn doonaan si ay u oogaan dabka afka, dhaqanka iyo hiddaha Soomaaliyeed.
Si la mid ah af-Soomaaliga ayuu Dr. Afrax ku qoray Afka Carabiga qoraalo iyo buugaag kale sida buug taariikheedka ‘‘Nidaa ul–Xorriyaha’’ oo uu qoray 1976-dii. Sida oo kale waxaa barbar-yaal hibada qoraal ee Dr. Afrax in uu lahaa hibo kale uu ku curiyey riwaayado aan ka xusi karo riwaayadii “Durbaan Been ah” oo la soo bandhigay 1979 iyo soosaarista barmaamij dhaqameed uu magaciisu ahaa ‘Kulmis’ kaas oo ka bixi jirey radio Muqdisho.
Afrax waxa uu daw u lee yahay in lagu tiriyo qoraayaasha Soomaliyeed kuwa ugu horreeya, ee afka hooyo wax ku qora, marka si gaar ah loo fiiriyo buugaagtiisa sheekooyinka ah sida “Maanafaay”, “Galti-macruuf” iyo midkiisa hawaala warran ka ah ee lagu magaacbo “Dal Dad Waayey iyo Duni Damiir Beeshay” kaas oo dhan ahaantii gilgilay damiirka akhristaha Soomaaliyeed.
Dr. Maxamed Dahir Afrax, isaga oo u baroordiiqaya bare sare Bogumil Witalis Andrzejewski oo ku caan ahaa “Macalin Guush” ahaana cilmi-baare af-Soomaaliga iyo suugaantiisa ayuu ku halqabsaday meerisyadii gabyaagii Cali Jaamac Haabii, si uu u muujiyo kaalinta uu macalin Guush banneeyey. Aniguna hadda sidaas oo kale ayaan ugu baroordiiqayaa saaxiibkey Dr. Afrax:
“Alle wuxuu golxaalow ahaa, gedefka reeraaye
Magaciisu waa gudubsanaa gaaliyo islaane
Galbeed iyo baraa laga yiqiin, gololkii dheeraaye
Gaashaan biruu noo ahaa, goconayaa mooyi”
Sannadkii 1990kii, Dr. Afrax, waxa uu u guuray London, halkaas oo uu ku dhammaystay shahaadada PhD-da Jaamacada SOAS isaga oo sameeyey qoraalka qalinjebinta ee uu cinwaankiisu ahaa “Literature in Transition: Continuity and Innovation in Post-independence Somali Drama and Poetry.
Dr. Afrax mudadii dagaalada sokeeye ka dib, kuma uu mashquulin oo keliya kobcinta iyo gorfeynta qabybaha kala duwan ee suugaanta, ee waxa uu sida oo kale isku hawlay assaasidda agabyo iyo ka-mid-noqoshada ururro u taagan ilaalinta iyo horumarinta af Soomaaliga. Waxaa ka mid ahaa agabyadaas iyo ururradaas wargeys-xilliyeedka dhaqanka iyo suugaanta Soomaalida ee Hal-abuur oo uu London ku aasaasay 1993-dii uuna ka noqday tifaftire, Naadiga Somali PEN ee qalinleyda iyo hal-abuurka Soomaaliyeed oo uu isagana London ku asaasay 1996-dii kana ahaa aasaase-guddoomiye iyo Akadeemiye-Goboleedka Af Soomaaliga (AGA) oo uu hadda madax u ahaa.
Sooyaalka Dr. Afrax waxaa ka mid ahaa ka qaybgalka siyaasada isaga oo noqday xildhibaan ka tirsan baarlamaankii 6aad ee Soomaaliya ee lagu soo yagleeylay Carta, Jabuuti sannadkii 2000, ka dibna waxa uu isla dowladii uu madaxweynaha ka ahaa mudane Cabdiqaasim Salaad Xasan ka noqday Wasiiru Dowlaha Iskaashiga Caalamiga Oktoobar 2000 – Luulyo 20003. Ka qaybgalkiisii ugu dambeeyey ee dadaalka dibu-dhiska dowladnimadda Soomaaliyeed waxaa Dr. Afrax 4-tii Juun 2015 loo magacaabay xubin ka tirsan guddiga madaxabannaan ee dib-u-eegista iyo hirgelinta dastuurka KMG ah ka dibna xubnihii guddigaas ayaa u doortay guddoomiyaha Guddiga.
Dr. Maxamed Afrax, Allaha u naxariistee, waxa uu geeridiisa ka hor ku foogganaa soosaarista buuggaag kala duwan, oo ku kala qoran saddexda af ee uu wax ku qori jirey: Soomaali, Carabi iyo Ingiriisiba, buugaagtaas oo badankooda uu u harsanaa tifaftir keliya. Qaar ka mid ah an qoraalkooda mar hore ayuu dhammeeyey, qaarna sixitaan aan badnayn ayaa u harsanaa, halka qaarka kale ayba daabcaadda ku jiraan.
Marxuum Dr. Maxamed Dahir Afrax, waxa uu ahaa nin af-gaaban, debecsan, lab furan oo fiiradheer lehna anshax iyo sariig u dhalasho ah. Waxa uu la tegay lana godgalay boholyowgii uu u qabay afka Soomaaliga, tixdiisa iyo tiraabtiisaba, waxaana sharaf iyo abaal marinba ugu filan in uu waariyey xusuus toolmoon iyo raad aan tirmeyn, annagana waxa uu inaga muteystay mahad, ammaan iyo duco ah; Eebow sii naxariis iyo Janno. Aamiin
W.Q. Hon. Abshir Maxamed Axmad (Bukhaari)
We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.
WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.
WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.
Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved