Muqdishu ( WDN) – Ilaah naxariistii janno ha ka waraabiyee, waxaa maanta dabley hubaysani ku dileen magaalada Muqdisho Xildhibaan Saado Cali Warsame, jidka Maka Almukarama, agagaarka Hotelka ay daganayd.
Marxuumadda, ayaa la sheegayaa in iyada iyo wadihii baabuurkeeda ay koox dablay ahi ay rasaas ku fureen, ka dibna ay labadooduba goobta ku geeriyoodeen.
Warka ayaa waxa uu intaas ku darayaa in dableydii dishay xildhibaan Saado Cali Warsame ay goobta ka baxsadeen.
Ciidamada amniga oo gaaray goobta, ayaa la sheegayaa in ay wadaan howlgallo ay ku baadi goobayaan budhcadiii ka dambeeyay falkaasi.
Kooxda xagjirka ah ee Alshabaab ayaa sheegatay in ay iyagu ka dambeeyeen dilka Saado Cali Warsame.
Saado Cali Warsame, ayaa waxay ka mid aheyd fannaaniinta ugu caan Soomaaliya iyadoo isla amrkaana ka mid noqotay baarlamaanka federaalka Soomaaliya sannadkii 2012ka.
Magaalda Caasimadda ah ee Muqdisho oo xaaladdeeda ammaan faraha ka sii baxayso, ayaa dilal isdaba joog ah bilihii ugu dambeeyay loogu geystay xubno ka mid ahaa mudanyaasha baarlamaanka Soomaaliya.
Wararkii ugu dambeeyay dilka Saado Cali oo maqal ah hoos ka dhegeyso
WardheerNews
Leave a Reply