Thursday, March 28, 2024
Wardheer News
  • Slideshow
  • Warar

Xafladdii Caleemasaarka Madaxweynaha Jubbaland oo maanta dhacaysa

Kismaayo (WDN)- Waxaa si isdaba joog ah u soo gaadhaya magaalada Kismaayo wufuud iyo marti sharaf ka qeyb galaysa munaasabadda caleemasaarka madaxweynaha Jubbaland Md. Axmed Islaan ( Madoobe), oo lagu wado in ay maanta ka dhacdo magaalada Kismaayo.

Md. Axmed Madoobe iy Aadan Barre ( Baarlamaanka Kenya)

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa bishii Ogost 22-dii doorasho ka dhacday Jubbaland, ku guuleystay mar kale in loo doorto madaxweynaha Jubbaland muddo 4 sano ah.

Madaxtooyada Soomaaliya (Villa Somalia), ee ay hoggaanka u hayaan Madaxweyne Farmaajo, Raysal wasaare Kheyre iyo Agaasimaha Sirdoonka Md. Fahad Yaasiin, ayaa si aad ah uga soo horjeeday in Axmed Modoobe mar kale ku soo noqdo madaxtinimada Jubbaland, iyaga oo si xooggan iskugu dayay in la hor istaago Axmed Madoobe.

Md. Axmed Madoobe iyo Md. Maxamed Cabdillaahi Farmaajo

Madaxweyne Farmaajo iyo maamulkiisa ayaa saaray Jubbaland xayiraad dhinaca isku socodka ah, iyaga oo waday isku day ah in aynan dhicin xafaladda caleemasaarka Md. Axmed Madoobe, inkasta oo ay arinkaasi ku fashilmeen.

Martida ka qeyb galaysa xafladda caleemasaarka waxaa ka mid  madaxweynahashi ihore ee Soomaaliya sida Md. Sheekh Shariif, oo horey loogu diiday safar uu ku iman lahaa Kismaayo iyo Md. Xasan Sheekh Maxamuud. Waxa kle oo ka qeyb galaya Madaxweyaha Puntland Md. Siciid Deni, Aadan Barre oo ka tirsan Baarlmaanka Kenya, xildhibaano, siyaasiyiin iyo marti sharaf badan oo kaleeto.

Wararka naga soo gaadhaya qabanqaabada xafladda caleemasaarka, ayaa sheegaya in ka gadaal xafladda lagu wado in siyaasiyiinta iyo indheergaradka ka qeyb galaysa xafladda ee iskugu tagey Kismaayo, ay soo saaraan war-murtiyeed tilmaamaya xaaladda dalka iyo sidii looga arinsan lahaa.

WardheerNews


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.