Sunday, April 28, 2024
Wardheer News
  • Slideshow
  • Warar

Xafiiska Dhaqanka ee DDS oo Sheegay in ay Ururinayaan Maahmaahyaha Soomaalida

Jigjiga (WDN), Xafiiska dhaqanka iyo dalxiiska ee dawlad deegaanka Soomaalida ayaa sheegay in ay kooxo u kal direen lix gobol oo ka mid ah deegaanka si ay u soo ururiyaan maahmaahyada Soomaaliyeed loona diiwaangeliyo.

Waa arrin fiican in la diiwaangeliyo maahmaahyada Soomaaliyeed haseyeeshee waxaa muuqata in xafiiska iyo madaxdiisu aanay la socon, wax fikrad ahna ka haysan in diiwaangelinta maahmaahyada Soomaaliyeed laga shaqaynayay muddo dheer, lana heli karo maanta dhawr kun oo maahmaahood oo ku daabacan buugaag kala duwan.

Dr Geoergi Kapchits oo ah aqoonyahan u dhashay dalka Ruushku, waxa uu ku hawlanaa kontonkii sano ee ugu dambeysay ururinta iyo diiwaangelinta maahmaahyada iyo sheeko dhaqameedka Soomaalida.

Aqoonyahanka ayaa sannadkii aan soo dhaafnay ee 2020kii daabacay diwaankii abid ugu weynaa ee lagu ururiyo maahmaahyada Soomaalida, kaasoo ay ku kaydsanyihiin in ka badan shan kun oo maahmaahyood iyo falanqayntooda oo cilmiyaysan.

Madaxda xafiiska ayaa u muuqda warmoogayaal hadda hurdo dheer ka soo toosay oo aan kala garan karin kala mudnaanta hawlaha ay u xilsaaran yihiin iyo xaaladda shacabka deegaanku ku suganyihiin.

Malaha inta ay kharash tiro badan oo aan loo baahnayn ku bixinayaan hawl horey loo qabtay waxaa uga habboon in ay dhawr nuqul oo ka mid ah qaamuuskaas Dr Kapchits oo ku kacaya wax ka yar $100 ay soo iibsadaan madaxda xafiisku ayna dhigaan maktabadaha deegaanka waa haddiiba ay maktabdi ka jirto deegaankee, misaaniyadda ay ku bixnayaan mashruucanna ugu deeqaan shacabka deegaanka ee hadda abaarta, macaluusha iyo biyo la’aantu ku habsadeen.

Aqoonyahan ku sugan Jigjiga oo arrintan WDN wax ka weydiisay ayaa ku tilmaamay tallaabadan xafiiska dhaqanku qaaday qaab foolxun oo la rabo in lagu lunsado hantida shacabka deegaanka.

“Haddii uu Xafiisku daacad ka ayahay diiwaangelinta Suugaanta Soomaalida, waxaa jira boqolaal abwaan oo u dhashay deegaanka oo dhaxalkii suugaaneed ee ay ummadda uga tageen ay maanta halis ku sugantahay loona baahanyahay in la diiwaangeliyo,” ayuu yidhi aqoonyahankaasi.

Si kasta ha ahaatee deegaanka Soomaalida ayaa xilligan u muuqda meel musuqmaasuqu dishooday madaxduna isku dayayaan qaab kasta oo ay ku lunsan karaan hantida ummadda.

WardheerNews


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.